Marwo Soomaaliyeed baa haldoorradeeda ka mid ah!
Xilli fiid ah bey ahayd. Aniga iyo socoto kale, waxaan ku sugnayn qeybta duullimaadyada caalamiga, ee garoonka Atatürk Istanbul. Wuxuu qof walba ku hawllan yahay hubinta tikidka, agabka uu gacanta ku sito, lambarka albaabka duullimaadka, iwm.
Sidaan hadba fallaaraha tilmaamta u raacayay, oo marba gees iyo ged uga leexanayey, ayaan waxaan isha la helay albaabkii aan ka bixi lahaa. Kursi ka mid ah kuwa wadareedka ka ag dhawaa albaabka duullimaadka baan salka dhigtay, doolshe yar iyo biyo aan heystayna inaan afka saaro baan billaabay, anigoo neef tuuraya.
Waxaan gudagalay inaan hareeraha fiirfiirsho, waxaaba ay mar qura indhahaygu qabteen haweeney meel aan iga fogeyn fadhisa. Dhoollacaddeyn bey billowadey, anna ka ma yareysane, dhoollacaddeyn baan ugu badalay. Dhowr daqiiqo markey ka soo wareegtay bey agteyda timid, iyadoo sidii u dhoollacaddeyneysa, wajigeedana farxad laga dareemayo, anna halkeygii baan ka sii miistay.
“Fiid wanaagsan. Waddankee u socotaa?” ayay afqalaad igu weydiisay. Jawaabtii aan siiyay ka dib, bey ii sii raacisay;
“SOOMAALI miyaa tahay?” Anigoo dhoolla cadeynaya, ayaan si xooggan u iri;
“HAA, SOOMAALI baan ahay.”
“Magacaygu waa Michelle. Waxaan ka soo jeedaa waddan hebel. Kulan wanaagsan. Sababta aan su’aalahan kuu weydiiyey markaan ku eegay baan tuhmay inaad SOOMAALI tahay. Inta qof ee Soomaali ah, ee aan garanayo, waa dad dhammaantood aan ka helay wanaagga ay ku sifeysan yihiin. Idil oo haweeney Soomaali ah, oo waddan hebel aan deris ku nahay baa ka mid ah, haldoorrada aan ka raadraaco wanaagga. Aad baan ugu faraxsanahay inaan kugu hor ammaano caawa” ayay si aan ka la go’ lahayn u tiri.
“Aad baan kaaga mahadcelinayaa barashadaada iyo falceliska wanaagsan, ee dadkeyga Soomaaliyeed ee aan kaa maqlay. Aad baan ugu riyaaqay” hadalkaas markuu afkeyga ka sii dhammaanayo ayaa albaabkii aan kaga bixi lahayn garoonka la furay.
“Igu salaan Idil iyo Soomaalida kale ee aad dariska tihiin ama aad taqaanno” ayaan hadalkeygii ku dambeeyay macsalaameyn ka dib.
Waxaan marwadii iyo anigu weli ku wada hadleynaa “JIR HADALKA”, oo ay ugu muhimsan tahay dhoollacaddeyntu, mar kasta oo wajiyadeennu is qabtaan, illaa diyaaraddii labadeeda albaab, ee hore iyo dambe aan u ka la leexannay.
Dhammaad;
Dadkeyga waa ka buuxaan haldoorrayaal qiimo iyo qaayo ku dhex leh bulshada, ee duni iyo dalkaba laga aqoonsaday, oo rag iyo dumarba isugu jira, ee Rabbi ha inoo dhowro.
Wanaagga aan is ku dhiirinno, oo aan bogaadinno kuwa wanaagga laga sheego ama lagu sheego, sokeeye ama shisheeye mid sheegaba.
Ogoow mar walba, wanaagga aad fashaa, in aysan adi kaliya kugu koobnaan, ee ay u gudbayso inta hayb, dhalasho, dal iyo ku la wadaaga wax walba oo la wadaagi karo.
Is la sidaa oo kale, xumaan aad samaysaa, ku ma sinnaa doonto adi ahaan, ee waxay saamayn doontaa dadkaaga iyo dalkaaga, mararka qaar, inta kuu jibil eg ama ku la diin ah.
Marka fal walba oo aad samaynayso, ka hormari wanaag ama waxyeello waxa laga dhaxli karo iyo raadka uu reebi karo. Waxaad tahay danjire, ee danta ha dayicin, hana ku durdurin, ee daryeel.
W/Q: Nasra Bakaal