Tixda: Banaadir
Waa tix heeseed ka hadlaysa hannaanka awood qaybsiga iyo sida loogu qadiyey bulshoweynta reer Muqdisho, tixda ayaa wadata wacaal iyo weydiimoba sababta keentey magaalo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Soomaaliya tiro ahaan inay ka qado xubno la doonayo inay hadhoow saldhig ka dhigtaan isla Caasimadda Muqdisho, adigaa Madal ah, adigaana Marti soore ah, Maquusinkaana kaa mudan waa lama arag iyo lama maqal.
- Beryo badan iyo
- Bilihii tegay
- Baydka gabaygiyo
- Ba’leey maan tirin.
- Bal abwaanow
- Ballanqaad iyo
- Baaq iyo afeef
- Bayaan aan furo
- Federaal belo
- Ka la bayr buu
- Ka la baad buu
- Nagu beeraye
- Basarxumadiis
- Baafin maayo
- Boorrin maaye
- Bulshoy taa garo.
- Burburkii dhacay
- Barre waagiis
- Bamku nagu dhacay
- Buur ka duulnaye
- Beer go’ weynbaa
- Nagu baahoo
- Belaayadan dhalay.
- Berga maantiyo
- Beryo noo harey
- Bani Aadmigu
- Illeyn barashada
- Yaa baas u ehe
- Bulshow qaabkii
- Lagu baaba’ay
- Ma ka bayrnaa
- Aan bullaalnee?.
- Bandarkii Xamar
- Beydda loo goo
- Oo la balanbali
- Bom holcaayiyo
- Baroon iyo Suug
- Loo barrimiyoo
- Loo ballami abid.
- Bandarkii xamar
- Tuugo ba’anbaa
- Boobyo bililiqo
- U bareertoo
- Bakhaar iyo guri
- Baan wixii yaal
- Barna ku ma harin.
- Bulshadii Xamar
- Waa Banaadire
- Baarlamaankiyo
- Baydka sara ee
- Boorka laga tumey
- Barba ku ma laha
- Booska laga tuur
- Hanti buuxdiyo
- Bulsho badanbaa
- Boqcaddoodii
- Boorka laga tirey
- Waa belaayee
- Yaa ku baajoo
- Beerta kuu direy?
- Dalku beeliyo
- Waa baro is la eg
- Balli iyo buur
- Barri iyo bado
- Barrin barrin kale
- Baalka ku hayoo
- Aan ku biirayn
- Ku biraysnayn
- Waqooyiyo bari
- In loo badiyaa
- Banaadir la tiro
- Booska laga raro
- Buugga lagu qorin
- Yaa banneeyo
- Buundadaa dhigay
- Bulshooy ii sheeg
- Aan is barannee?!
- Waayeel been iyo
- Bahbah ma oggola
- Caano birixdood
- Haddaad badinlayd
- Hortiisa ku barax
- Hays bilkeydine
- Bareer u la hadal
- Buuq adoon dhalin.
- Buul ninkiisii
- Dab ku birayoo
- Baalka kaga shiday
- Ma badbaadaa?.
- Ninka baradiis
- Barrinkuu dego
- Bahdii qadiyee
- Bannadaayoow;
- Ma ber baad tahay
- Ma bar baad tahay
- Ma bal baad tahay
- Ma buunshaa tahay
- Maxaa barta iyo
- Buugta kaa tiray?.
- Adoon balanbalin
- Oon bannaanbixin
- Adoon buuq furin
- Oon banaaxiyin
- Adoon baaq dirin
- Booror soo qoran
- Adoon bihinbihin
- Oon baryootamin
- Horta Baashoow
- Banka shirarkiyo
- Baanoraamada
- Ma boos celisiyo
- Buuxis baad hayd?
- Kamaad baaqane
- Yaad ka baqatoo
- Burka kuu lulay?.
- Yaa ku baab xiray
- Yaa ku baaboo
- Buunka kuu tumey?
- Yaa billaawiyo
- Bunduq iyo qori
- Boobe kugu riday?
- Beylahdaadii
- Baadidaadii
- Yaa ha beegsane
- Ka bayr kugu yiri?.
- Benderkii Xamar
- In la buriyoo
- Boos ay weydiyo
- Baabbah yaa baday?
- Bandarkii Xxamar
- Yaa balaayada
- Baabba’a iyo hoog
- Baaska ugu wacan?.
- Ma bahdeediyo
- Wiilka ba’anbaa?
- Ma bulshada iyo
- Baarlamaankaa?
- Ma bakhiil iyo
- Beelo kale baa?
- Ma biddoodkiyo
- Baas abuur baa?
- Mise buuxoow
- Adaa beecsaday?!
- Banderkii Xamar
- Beesadeediyo
- Biilkay bixisaa
- Baarlamaankiyo
- Wasiir beenaad
- Baahi tirayoo
- Ku balweeyaan
- Beeca suuqiyo
- Boobka lagu wado
- Baylahna u dheer!
- Bulshay aashaa
- Yaa badweyniyo
- Baaxad sooriyo
- Bannaan lays bidin
- Beegsi taladaa
- Badso xooggaa
- Boqro wiilkaa
- Baano gabadhaa
- Baafi noloshaa
- Bir ma gaydada
- Baxnaaniya oo
- Badbaado u dhuro
- Burmadkeygii
- Baaqi aan waday
- Baydki maansada
- Baabayoo dhigay.
Dhammaad.
19/05/2016