Andalustii Shalay & Soomaaliyada maanta Q2AAd.
Dhankii Cilmiga & Culimadii Diinta
Xukunkii Andalus dhan walba waa u guuleystay sida ciidanka, cilmiga iyo wax soo saarka. Qeybtan idan Alle waxaan inyar ka tilmaami doonaa culimadii ay soo saartay Andalus iyo waxa ay soo kordhiyeen xag maaddi iyo diiniba.
Suutagal maaha inaan taxo dadkii qiimaha lahaa ee waagaas soo baxay, waxaanse isku dayi doonaa raggii ugu cad caddaa inaan qaar ka tilmaamo walow dhammaan dadkii ay soo saartay ay ahaayeen kuwa aan kala liidan. Illaa saddex caalim baan soo gudbinayaa taariikhdooda oo kooban kuwa dhanka diiniga ah, kuwa sayniskana saddex maadaama aanan idil ahaantood halkan ku soo koobi karin.
Waxa aan ka bilaabayaa sheekhii caanka ahaa ee Ibn Xazm laakiin magaciisa oo dhameystirani waa Abuu Muxammd Cali Bin Axmed Bin Siciid Bin Xazmi, dhashay Nofeember 7, 994 – dhintayna Agoosto 15, 1064.
Qoys diinta iyo siyaasaddaba caan ka ahaa buu ka dhashay sidaa darteed waxa aad ugu sahlanaatay in uu yaraantiisiiba la soo jaanqaado siyaasad iyo waxbarashaba. Ibn Xazmi waxaa lagu tiriyaa culimadii ugu caansanaa ee waqtigaas soo baxay, inkasta oo sida la sheego buuggaagtii uu qoray oo gaarayay illaa 400 boqol oo buug laga helay 40 kaliya. Raggii ay inta badan fikirka isku hayeen baa la sheegaa in ay aaseen ama ay gubeen buugaagtii uu maanka iyo waqtigaba u huray.
Aqoontiisii badda aheyd iyo kitaabadii uu innooga tegay qaar ka mida baan halkan hoose ku xusayaa, kitaabada oo aan la af soomaaliyeyn waxa aan ka cudur-daaranayaa in aanan Soomaali u heyn marka magacoodii Carabiga ahaa un baan soo gudbin doonaa.
الجامع في صحيح الحديث
التصفح في الفقه
الفصل في الملل والأهواء والنحل
مختصر في علل الحديث
الأخلاق والسير في مداواة النفوس
مراتب العلوم
Kitaabadii uu ka tegay oo illaa afartameeyo laga helay sida uu Imaam Dahabi soo aruurshay qeybtaas aan soo gudbiyey baa ka mida inta kalena waa la heli karayaa.Marka laga soo tago cilmiga diiniga ah waxa uu wax weyn ka qabtay xagga Fiisigiska oo uu ka qeyb qaatay sii iftiiminta JABAQDA (sound), sidoo kale waxa uu caddeeyay in dhulku yahay sida kubadda oo kale isagoo aayado Quran ah daliishanaya.
Dhan walba sida cirbixinta iyo Fiisigiskaba waa uu ka qeyb qaatay wax badanna ku kordhiyay oo illaa manta lagu xasuusuto. Waxaa lagu sheegaa ninka ugu sarreeya muslimiinta xag taariikh soo gudbinta marka laga reebo Muxammad Ibn Jariir At-Tabari.
Booska labaad waxaan dhigayaa wadaadkii kale ee caanka ahaa ee Ibn Barr – magaciisa oo dhameystirani waa Yusuf ibn Cabdallah ibn Muxammed ibn Cabd al-Barr, ku dhashay Kordoba sanadkii 978, kuna dhintay gobolka Falensiya sanadkii 1071.Waxa uu qaali iyo caalim ka ahaa magaalada Lisbon oo maanta ka mida dalka Bortoqiiska. Kitaabadii uu ka tegay waxa ka mida:-
الاستعياب في معرفة الاصحاب
جامع بيان العلم وفضله
التمهيد لما في الموطأ من المعاني والأسانيد
Waxa uu ahaa sheekh aad caan ugu ah dhanka mad-habka Maalikiga, wax badanna ku kordhiyay Fiqiga Maalikiga. Booska sadexaad waxaan dhigayaa Abu al-Walid al-Baji- magaciisa oo dhameystiranina waa Sulayman ibn Khalaf ibn Sacad, ku dhashay Badajoz sanadkii 1013, kuna dhintay Almeriya sanadkii 1081.
Al-Baaji sheekhnimada waxaa u dheeraa in uu ahaa gabyaa, waxaa aad loogu xasuustaa oo taariikhyahannadu soo weriyaan in muddo sodon sano ama ka badanba uu dhex wareegayay boqortooyooyinkii yar-yaraa ee Abdalus isagoo ka dalbayay in ay midoobaan.Socodkaa dheer oo uu galay darteed baa loo aaneeyaa in kitaabadiisii qaar uusan dhameystirin, si kastoy ahaataba dedaalkiisii iyo cilmigiisii lama uusan wada tegin ee xigtii uu inoo reebay bal aan qaar idin ka xasuusiyo:-
الاستيفاء في شرح الموطأ
الحدود في أصول الفقه
التعديل والتجريح لمن خرج عنه البخاري في الصحيح
Heerkii ay gaartay dhanka culimada iyo cilmiga Andalus maaha wax maalin iyo maqaal lagu koobi karo. Cilmiga dhinac walba oo uu yahay wax bay ku kordhiyeen, casrigii dahabiga ee Andalus ayaana lagu tilmaamaa waqtigii ay noolaayeen.Qeybta xigta Idan Alle waxa aan soo gudbin doonaa culimadii sayniska iyo maaddiga ee Andalus iyo waxyaabaha lagu xasuusto.
La soco qaybaha kale.
W/Q: Maxamed Xaaji Xasan