Weriyoow waddankaaga wax ka dhiso
Sida la hubo warbaahintu waxay noqotay aaladda ugu awoodda badan dunidan aynu guudkeeda saarannahay. Awooddaas oo gaarsiisan heer dadka dambiga leh looga dhigo beri kuwa beriga ahna looga dhigo dambiile, madaama ay yeesheen quluubta dadka ku xiran warbaahinta. Sidaasi daraaddeed, dhibaatooyinka naga soo gaaray Warbaahinta ka Soomaali ahaan, waxaa ka mid ah inaan yeelannay burburkii ka dib webseetyo tiro badan kuwaas oo aad loogu gorfeeyo siyaasadda. Taasna waxay sababtay in dadkii aad u jeclaadeen siyaasadda, balse ay naceen siyaasiyiinta. Waxaana sabab u ah, in arintaani dhacdo, saxaafadda ayaa dadka waxay dareensiisay, in siyaasadda lagu gaaro hormar, laakin, siyaasiyeentu yihiin dad aad u xun. Marka Soomaali badankood ayaa waxaa qasab noqotay, iney noqdaan siyaasiyiin, balse, ay illowsan yihiin in berri iyaganu saa loo nici doono.
Iyadoo markii horeba warbaahintu noqotay musiibo dunidan ku soo korortay, haddana, annagu teennu waa ay ka duwan tahay tan caalamka, maxaa yeelay, ma lihin sharciyo xakameeya saxaafadda, xitaa haddii la helo sharcigaasi kaliya waxa uu qabanayaa inta joogta gudaha dalka ama ka soo jeedda beel yar. Waa midda keentay, in mid kasta ee dalka ka soo maqanba sameeyo waxa uu isaga rabo bilaa cabsi.
Waxaa kaloo musiibo kale ah, in dadka saxaafadda u shaqeeya intooda badan laheynin cilmigii iyo waayo-aragnimadii xirfadda saxafinimo, taasna ay keentay in mararka qaar aqoondarro u geyso qaladaadka ay sameeyaan, dadka Soomaaliyeedna waxay u badan yihiin dad aan aad u fahamsaneyn dhibaatooyinka saxaafaddu ku heyso waddanka, oo waxay aad u aaminaan waxyaabaha ay soo daabacaan websaatyada.
Waxaan xusuustaa iyadoo markii galabki la gaaro dadka ay feel u soo galijireen dhageysiga BBC, si ay u helaan macluumaad quseeya waddanka. Hadde ogoow dadkaasi waxa ay goobayeen, iney uun maqlaan wax yaroo wanaag ah, laakin, bilkacssi, waxay dhageysan jireen warar intooda badan been la dhoodhobay ah.
Sideedaba warbaahintu haddeysan been sheegin wararkoodu ma iibsamaan, waa sidaan anigu aamisanahaye, waana macquul iney jiraan dad aniga i la mida. Runtii waxaan aad u dhaliilaa dadka la dagaala xorriyatul qowlka, haddana, ma jecli, in xorriyaddu heerka ay hadda taagan tahay gaarto, oo wixii la rabo la is ka sheego, lana yiraahdo saxaafaddu waa XOR! Haddii la yiri saxaafaddu waa xor, micnaheedu maaha, inaad dadka iyo dalkaba xorriyadda ka qaaddaan, oo waddanka gumeysi hor leh galisaan, waana tan hadda taagan, in mar kastoo xukuumad na loo soo dhiso, lugaheeda ku istaagi wayso, sababo la xiriiro shacabka iyo xukuumadda oo leyska horkeeno.
Waxaa hubaal ah, ineynu markaan gaari doonno in na la yiraahdo, waad tashan weyseene, bal ha leydiin taliyo, waana meesha aan ku sii soconno muran la’aan. ILLAHOOW adigaan kaa magan galeynaa, in taas nagu dhacdo.
Muhiimadda qoraalkeygan waxa uu ahaa bal inaan is ku dayo, inaan dhiirrigeliyo suxufiyiinta si ay uga qeybqaataan dib u dhiska waddanka, madaama saxaafaddu tahay hubka ugu weyn ee aanu heysanno waqti xaadirkaan, lana joogo xilligii doorashooyinka 2016.
Wariyayaashu sidaan ognahay, waxaa u sahlan iney dadka waxyaabo badan ka dhaadhiciyaan maadaama ay mar hore hantiyeen quluubta shacabka, waana shacabka waxa u baahan in la toosiyo, loona sheego wax waxnaagsan si ay u aaminaan xukuumaddooda, halka markii hore shacabka loo soo tabinjiray qabaa’ilka iyo deegannada ay ka soo jeedaan madaxda qaranku, waxaan markaan rajeynaynaa taa mid ka duwan. Sidaan wada ognahay dowlad waxay dowlad u tahay dadkeeda, haddii la waayo dad wanaagsan ee dowldda la shaqeeyana meeshaasi dowlad ka jiri meyso. Hawsha kaliya ee Suxufiga laga rabo, waa siduu dowladda iyo dadkeeda isugu keeni lahaa.
Ugu dambeyn waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa, inaynu gacmaha is qabsanno dhammaanteen, si aan uga badbaadno dhagarta cadaawaha. Haddii aan saxaafadda abbaaray, micnaheedu maaha, iney jirto cadaawad gooni ah ee aan u qabo suxufiyiinta, ee waxaan aaminsanahay wax walboo naga halleysan iney iyagu sixi karaan, madaama ay yihiin indhihii iyo dhegahii shacabka. Marka waxaan si keli keli iyo jamacba idinkaga codsanayaa, in xukuumadda soo socota la taageero, si ay lugaheedu ugu istaagto.
Waligeey uma welwelin sidaan markaan uga welwelsanahay doorashada dhici doonta sanadkan 2016. Sidaas ayaana keentay inaan qoro qoraalkan. Qof walbaa ha ogaado inuu xil ka saaran yahay dadlka iyo dadkaba.
W/Q; Shukri Cali Maxamed (Shukri Fiican)