Arag aanan ayaansan!
Waa aroornimo arbaca ah. Saaka waxa ay la soo kacday firfircooni iyo dareen diirran, oo jirkeeda saaqay. Ma taqaan sababta, balse waxa ay dareensantahay in uu u baryay waa ay jeclaysatay billowgiisa. Inta aysan baddalan dharjiifka ayay fiirisay saacadda. Hal saac iyo 30 daqiiqo oo ay ku quraacato kuna labbisato ayaa uga harsan, xilligii uu iskoolku billaabanayay.
Goortii ay ka soo dhammaatay suuliga ayay timid jikada. Intii ay quraacanaysay oo dhan waxa ay ku mashquulsanayd dareenka ay la soo toostay, oo ay aad ugu sii bogayso. Cabbaar ka dib ayay ku laabatay qolkeedii, oo ay udgoon kale u yeeshay hawada nadiifta ah, ee ka soo gashay dariishaddii ay furtay. Waxa ay albaabada u ballaqday armaajadeedii dharka kuna fariisatay sariirta, iyada oo ku dul fekeraysa dharka sida qurxoon gudaheeda ugu laalaaban, ee isu raacsan; midab, xilligashi, qaabgashi iyo hadba sida ay isu leeyihiin, maskaxdana ka raadinaysaa midabkii ay xiran lahayd.
Falanqayn dheer ka dib ayay goosatay, in ay xirato joogga ay ugu jecashahay dharkeeda. Waxa ay la soo boodday jalbaab fiyoole ah, oo laga tolay maro jilicsan iyo goonno isaga shabahda. Waxa ay miraayadda la tagtay waxyaabihii ay is ku qurxinaysay. Boolbare midabkeeda shabbaha ayay ku malaastay wejigeeda, si fiicanna u deeqsiisay. Sunniyaheedii jilcanaa ayay shallaysay oo ay sintay, qalin madoobisa yarna liidka sunniyaha la raacday. Rooseeto aad u muujinaysa caddaanta ilkaheeda ayay si qafiif ah u marsatay. Safaleeti laga saaray jalbaabkii ay xulatay maro cadna dhexda laga geliyay ayay hugsatay, ka dibna waxay kor kaga dhejisay silsilad ay qaarkeeda dambe hoos gelisay jalbaabka, inteedii sharaxaadda lahaydna ay bannaanka u soo raaricisay. Dhowr jeer ayay marba dhinac is kaga fiirisay miraayadda, iyadoo kolba meel saxaysa waxna ku daraysa. Waxay daboolka ka qaadday dhalo barfoon ah, oo aad u caraf bada isla markarkaana ay is ku wada buufisay. Ugu dambayn waxa ay soo qaadatay boorsadeedii buugaagta, hooyadeedna ka soo martay shillimaadkii gaari raaca.
Isgoyska Sanco oo aan aad uga fogayn xaafaddooda Shibis, ayay ka soo raacday gaari u socda laami yaraha Soobe. Waxay saldhigatay kursiga u horreeya ee darawalka ka dambeeya, ka dibna taleefankeedii gacanta ka dhexbaartay mid ka mid ah heesaha ay aadka u dhagaysato. Ereyada heesta oo aad u dareen badnaa iyo muusigga, oo aan ka dhicin ayaa si toos ah ugu dhacayay dhagaheeda, iyaduna si wacan ayay ugu riyaaqaysay. Daaqadda ay agfadhido ayay ka dhex daawanaysaa magaalada. Warba uma hayso gaariga dhexdiisa iyo doodda dhexmaraysa dadka la saaran.
Kolkii uu baabuurku marayay waddada dabka ayay indhaheedu qabteen, wiil isna waddada geeskeeda ku sugaaya baabuur. Waxaa is ku dhacay labadoodii indhood! Maskaxdeeda ayaa sawir dhammaystiran ka qaadday muuqaalkiisa. Goobtii uu taagnaa ayay ka aqrisatay in uu isagana u socdo dhinacaa iyo Lambar 4, balse gaariga oo buuxay ayaa sii dhaqaaqay.
Waxay soo hor istaajisay sawirkii ay maskaxda ku qaadatay. Boorsadii garabka uga raaraacday ayay ka dareentay, in uu u socdo mid ka mid jaamacadaha magaalada ku yaalla. Qaabkii ay aragtida is ku la helayn hal mar ayay marna ka yaabtay marna u bogtay.
Kolkii ay is tustay dhirirkiisa aan aadka ahayn, garbihiisa ballaaran iyo jirkiisa dhisan ayay kaligeed isu dhoolla caddeysay. Intii ay iskoolka joogtay oo dhan xusuusteeda ayuu ku soo dhacayay, isla waddadii oo ay duhurkii ku soo laabatay ayay ka fiirisay mana aysan arkin. Galabtii ilaa iyo habeenkii waxa ay ka fekeraysay, quruxdii ay saaka indhaheedu qabteen. Sidii ay fiidkii u soo fariisatay barandada guriga, kaligiis ayay ka fekeraysay waydiimo badanna is hor dhigtay. Goor dambe ayay is ka xarootay, oo ay qolkeedii u hurdo doonatay.
Sidii caadada u ahayd waxa ay subixii xigay u qalab qaadatay iskoolkeeda. Goortii uu baaburku soo gaaray is la goobtii ay shalay wiilka ku aragtay ayuu istaagay, mar kale ayay nasiib u yeelatay in ay isagii aragto, oo uu waliba fariisto boos ka bannaanaa agteeda. Waa sidii ay rabtay oo ay rejeysayee, sheeko salaan ku billaabatay ayaa u furmatay labadoodii. Kolkii ay shalay maskaxdeedu sawirka qaadaysay waa uu fogaa, balse hadda waa uu dhinac fadhiyaa oo ay daawanaysaa wejigiisa oo u dhaw.
Quruxda timaha sida xarragada leh loo soo shalleeyay, indhihiisa cad cad ee kor iyo hoos ku leh xirrib badan, dibnaha yar yar ee ku daboolan ilko cad cad oo aad u siman iyo midibkiisa furanba waxa ay ku beereen, dareen jirkeedii dhalaaliyay. Waxa ay u riyaaqday qaabka uu u sheekaynayo. In uusan ku cusbayn wajigeeda ayaa uu u sheegay. Markii ay wax yar ka dhinnayd halkii uu ku dagi lahaa ayuu ka dalbaday, in ay lambarrada ka la qaateen, balse waa ay ka diidday! Kiisa ayuu warqad ugu qoray ka dibna u taagay, isaga oo u raaciyay in ay maangal tahay, in aysan mar kale meel ku kulmin. Hadalkaa dambe ma aysan jeclaysan, haddana ma taqaan sababta ay isu adkaynayso, oo ay u diiddan tahay in ay lambarkeeda dhiibto ama ay kiisa qaadato. Inta uu macsalaameeyay ayuu gaariga ka dagay, isaga oo bixinaya aragti muujinaysa in uu filanayo kulan kale, oo labadooda dhexmara. Maalintaas oo dhan ma taqaan sidii ay ahayd, laakiin waa ay dareensanayd, in ay ka qoomamaynayso diidmadii ay bixisay.
Labo toddobaad ayaa ka soo wareegatay goortii isugu dambaysay. Sidii ayay subax walba u martaa waddadii ay ku baratay mase aragto. Waydiimo aan kala joogsi lahayn, oo aysan aqoon qaab ay uga warceliso ayay maskaxdeedii soo furtay. Waxaa ku rogmaday hirarka fekerka. Eed iyo canaan ayay dusha is ka saartay. Xaaladdeedu ma aysan dagnay labadaa toddobaad oo dhan. Dareen ay kala garan wayday xiiso iyo rabitaan kan uu yahay ayaa laabteeda gubay, kol walba oo ay sawirato muuqiisa ama ay soo xusuusato. Qofkii u tilmaama meel uu joogo ama lambarkiisa u keena, iyada oo jawigaas ku sugan qalbigeeda ayaa xusi lahaa. Dhulkuba in uu la guurguurayo loona diiday nasasho ayay mooddaa. Nafteeda ayaa ah waxa kaliya ee uga sii dara. Waa ta habeenkii marka ay seexo maagto la soo taagan su’aalo ka dhigan dhimbilo, markaas ayay barkinta ku qabsataa laabteeda cidlaysan wehelna uga dhigtaa.
Waxa ay sidaa talo uga wareersanaato, oo ay is ku buuqsanaataba maalin ayay si kadis ah ugu kulmeen Xamar Wayne, gaar ahaan Afar Irdood. Hal mar ayuu ka dhacay culayskii maalmahan kor saarka ku ahaa, oo ay dareentay nafis iyo qafiif badan, heer ay aamini tagtay in ay duuli karto. Wajigiisa iyo indhihiisa ayay ka aqrisatay, in isaguba uu dhibta la qabay oo uu kala sinnaa xiisaha. Waa kan hadalba ku billaabay in uu quus ka taganaa, in ay dib isu arkaan, balse uu haatan ku faraxsan yahay. Is bariidin ka dib waxa ay galeen wada sheekeysi gaaban. Waxa uu u sheegay in uu ka mid yahay, ardayda ka qalinjebinaysa jaamacadda Soomaaliya sanad dugsiyeedka 2010-ka.
Midba dan ayuu ka lahaa meesha ay kadiska isugu arkeenee, waxaa soo dhawaatay xilligii ay kala tagi lahaayeen. Dalabkii uu kol hore ku hungoobay ayuu mar kale hordhigay, isaga oo filanaya in ay ka oggolaato. Sidii ay markaa u diidday ayay haddana uga diidday. In xoogaa ah ayuu ku baryay, in ay ugu yaraan kiisa qaadato oo aysan keeda siinnin. Dalab guuldarraystay ayuu noqday. Haddii ay ogaan lahayd sababta ay u diiddan tahay ama waxa ka hortaagan, goor hore ayay xal u heli lahayd mase taqaan. Waxa ay is kula doodday in aysan iyadu ahayn waxa ka hadalsiinaya, illeyn waa tan wiilka ka heshay kana joogi wayday toddobaadyadii la soo dhaafee. Is araggaasi waxa uu ahaa kii u dambeeyay ee labadooda dhexmara. Bilooyin iyo sanado badan ayaa ka soo wareeagtay markii isugu dambeysay. Waa tii uu isagu u sheegay in uu dhawaan qalinjebinayo, waxa aysan hubin in uu dalka joogo ama uu dibadda waxbarasho u aaday. Muddo badan ka dib waxa ay ka soo tagtay waddanka, sidii ayayna maskaxda ugu wadataa xusuustiisa iyada oo wali filanaysa, in ay mar kale is arkaan.
WQ: Ramla Gobdoon