Waddada Wadnaha W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

ali

Waddada Wadnaha

 

Muqdisho oo ah magaalo ay soo daashadeen dagaallo iyo burbur lixaad leh, ayaa waxay waysay dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha iyo laf dhabarkii nolosha dadka.

Waxaa arrin aad loogu riyaaqo ah, in ay Muqdisho dib u soo kabaneyso, uuna ka socdo dib u shis ballaaran, caasimaddu dhan kasta way ka dhismeysaa; ganacsigu wuu dhaqaaqay, dhismayaal waaweyn oo casri ayaa magaalada ku soo badanaya, niyadda shacabka Muqdisho aad ayay u sarreysaa.

Waxyaabaha muuqda ee caasimadda ka socda waxaa ka mid ah, dhisidda laamiyada; waxaa la dhisay waddooyin aad u burbursanaa, kuwaas oo dadka iyo gaadiidku ba dhib weyn ku qabeen. Horay waxaa loo dhisay waddooyin badan, oo muhiim u ahaa isu socodka Xamar. laamiyadaas inta badan waxaa noo dhisay shacabka iyo dowladda Turkiga. Turkiga waxa aan ku xasuusan doonno ayay ka mid tahay, in ay dhaayaheenna wax nagu tuseen, ayna noo qabteen waxyaalo dhanka fiican u beddelay nolosha muwaaddinka Soomaaliga ah, ee aan siyaasiga ahayn. Shacabka Muqdisho wuxuu ahaa, mid aan ajnebiga jeclayn – sida Soomaaliduba u badantahay -, ha yeeshee, Turkidu shisheyaha ka le, aad ayay uga geddisanyihiin, oo Xamar aad ayaa looga jecelyahay.

Aqristow waxaan filayaa, in uusan daah kaa saarneyn, in waddooyinku yihiin halbowlayaasha nolosha Aadanaha; haddii laamiyadu dhismaan waxaa fududaan doonta, in dhammaan degmooyinka iyo xaafadaha magaalada la isaga gudbo si dhaqso ah, gaadiidku wuxuu waddooynika ku mari doonaa si sahlan iyo safar raaxo leh. Bilicda, nadaafadda iyo amniga ayey sidoo kale saameyn togan ku yeelan doontaa dhisidda waddooyinku.

Hadda waxaa dhismeheedu socdaa waddada wadnaha, laamigan in la dhiso aad ayay ii farxad gelisay, marka hor; waxaa lagu dhisayaa xoog iyo xoolo Somaaliyeed, tan xigtana,waxaa caqli iyo cilmiba gelinaya ingineerro Soomaaliyeed, oo weliba da’yar ah.

Waxaan maqlay, in waddada lagu dhisayo lacag laga qaaday shacabka Muqdisho, taasi runtii waa mid ay tahay, in maamulka caasimadda lagu bogaadiyo, haddiiba dadka dib loogu soo celiyay wixii ay horay u bixiyeen.
laamigan, sida aad magaciisa ka garan karto, wuxuu laf dhabar u yahay nolosha iyo isu gudbidda shacabka Muqdisho, wuxuuna isu maraa degmooyin badan oo ka mid ah gobolka Banaadir sida: Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda iyo Kaaraan. Dhisamaha dhabbaha wadnuhu wuxuu culeys badan ka qaadi doona laamiga Maka, oo runtii hadda laga dareemayo culeys iyo saxmad xoogleh, wuxuuna sabab u noqon doonaa, in uu horumarku ku baaho degooyinkaas uu laamigu maro.

Xagga dhaqaalaha iyo shaqa abuurka, hadda ayaan indhahayga ku arkaa, sida durbadiiba loo dayactirayo guryihii laamiga ku xeernaa, iyada oo aysan xitaa weli waddadu gaarin. Laamiga geesihiisa waxaa ka furmi doona, dukaammo, maqaayado iyo goobo ganacsi oo fara badan, waxaana goobahaas ganasiga shaqa ka heli doona dad badan oo aan maanta shaqa haysan.

Waxaa ila habboon, in maamulku ka fekero qaabkii looga shaqeyn lahaa nadaafadda waddooyinka marka ay dhammaadaan ka dib, waxaa muuqata, in gobolka Banaadir uusan lahayn qorshe uu ku ilaashanayo hagaajinta iyo haynta waddaayinka na loo sameeyo; waxaan horay u aragnay sida laamiyadii la qurxiyay ay carradu usoo tuuratay iyo dayactir la’aanta layrarka cadceedda ku shaqeeya, ee laamiyada qaar, waxaanse qirayaa dadaalka iyo nadafadda ay wadaan gabdhaha laamiyada nadiifiya, ee maamulku howl geliyay. Gabdhahaasi runtii waxay naga mudanyihiin, in aan ku caawinno howshooda.

Haddaba si loo ilaaliyo laamiyada la dhisay bilicdooda iyo badqabkooda, waxaa ila qumman, in maamulku ku dhaqaaqo:

  • Howl gelinta shirkado gaar loo leeyahay, oo ka shaqeeya nadaafadda, lagulana xisaabtamo howshooda, ama gobolku sameeyo waax nadaafadeed oo u dhisan degmo degmo, lehna miisaaniyad dhaqaale oo ku filan.
  • In ganacsatada deggan hareeraha laamiga la dhiso, lugu qoro lacag yar, oo qorsheysan, lagana tala geliyay, oo ay ogyihiin waxa lagu qabanayo, waana in qarashkaas loo qoondeeyaa bilicda iyo nadaafadda waddada ay ku ganacsadaan.
  • In ganacsatada iyo bulshada deggan degmo kasta oo laami laga dhiso, ay xil iska saaraan sidii ay waddadooda u dhowran lahaayeen, xitaa haddii uu maamulku ka gaabiyo.
  • In laga hortago, dadka qashinka laamiyada ku daadiya hamiinkii.
  • In degmo walba lagula xisaabtamo joogteynta nadaafadda laamiga mara degmadaas.

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Facebook: Abulkadir Ali

E-mail: abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN