Meherkii Mugdiga!
Dadku dhammaantodo waxa ay ka simanyihiin ka warkeenidda waxa ayna arag ama ayna maqal , taasina waata ka danbaysa in ficil lagu dhaqaaaqo iyo in wax cusubla iba-furro. Isku daygu ma aha fashil kaliya isku daygu waa barasho illaa heer la gaadhsiiyo hebel waa waayo-arag ama lagugu tilmaamo qof aqoonteeda leh, oo looga danbeeyo taas oo ah in waxaa aad wax ka aragtay . waligay ma arag meel meher ka dhacay iyo meel laysku siiyo gayaan is doonay, waana ta igu riixday falkaas dhacay, in aan ka qayb noqdo sax iyo qalad ba !
Waan is ka laydhsanayaa , kobtu waa maqaaxi. Horteeda ayaan kanbadhuudhay. Waxa ii yimid wiil aannu dusha iska naqaan, intaanu salaan ila soo gaadhinba si degdeg ah ayaa uu iigu yeedhay: “Waar soo kac, waar soo kac” Aniga oo argagaxsan oo yaaban ayaan hal-haleel u gaadhay. Intuu luqunta soo foorariyay ayaa uu dhegta ii saaray: “Waar meher ayaa jira “ Oo waa xaggee?” ayaan ugu warceliyay, aniga oo hungiri i qaaday oo leh waaba faraj khayr qabee . “Dee imika ayuu dhacayaa ee sheekh inoo doon wax meheriya!”
Anfariir badanaa waa maxay meeshan bilaa wadaadka ahi, haddana meherku jiraa! Maskaxdaa isku qaban wayday labadaa arrin! Si xanshaashaq ah ayaan u idhi: “Ma meher cusub baa niyow?” “Haa, waar hadda ayaa laysku merinyaa ninka iyo naagta ba”, isaga oo giir iska kicina iigu sheegay. Anna waxan ku qaboojiyay “Haa, sax oo odayaashii may fadhiyaan imika?” Intuu dhegta afka ii saaray ayuu yidhi: “Waa meher xad(Qudba-sir), hawsha hore ayaa loo kala tuurayaa!” Naxdin iyo amakaag. Junuudihii hoose ee u tababarnaa waydiimaha horta leh ayaa is qabsaday, buuq iyo bulxan baa ka dhex aloosmay, markaa jidhka oogadiisa sare waxa u caado ah in uu dhidi badan soo daayo, heer kulka qofkuna sare u kacaan! Wali naag la meherinayo oo soo fadhida maan arag, nin isaguna aqbaltu yidhi ma u soo joogin. Caawa aan talada jaro, waa in aan ka war keenaa, waxa lays yidhaa ba bal.
Haddaba, ninkii iigu dhawaa ayaan arrinkii u gudbiyey: “Waar gabadh ayaa caawa la meherinayaa, oo waa meher xad!” Isna ku’ye “ Waaba kuwa lacagta laga faa’ido ee hore innoo kici !”
Talo sidaa ayaanu ku gaadhnay. Goobtii waa lagu baayactamay waana la heshiiyey. Saaxiibkay oo iga aftahansanaa ayaan sheekh ka dhigtay si aan waxoogaa lacag ah ka furno. Waxannu sii soconnoba, anaga iyo sheekhii gurigii galnay. “Waar hayna ceebayne, Aayado dhaadheer akhri yaah”. Midbaa intaas dhegta noo saaray! “ Haye saaxiib”
Waxa aanu galnay qolkii, shaw waaba madaw! Oo waa bilaa nal, wax iftiimi ma jiro! Waxa la siraaday nalka Aleenka gacanta { mobile}. Wiilkii aaya bilaabay Quraankii . Yaab madawga ayaa wax walba ka daran! Saxiibkay wuu dheereeyay Quraanka siday ballantu ahayd. “sheekh, sheekh soo gaabi, waan cabsanaynaa oo gurigaa madowe!” Dhegtaan u saaray erayadaas. Intuu qufac yar cunnaha ku furfurtay ayuu Sheekhii galay hawshii kale. “Meherkaagu waa imisa ooridaaay?”Sheekhii ayaa inanta waydiiyay. “Sheekh kitaab uun bas” Inantii ayaa ku warcelisay. Anaa soo booday oo idhi “ Naa dhaqan keenna ha lagugu meheriyo”Aniga oo hoosta iska leh naagtu hanyaraa, naa afar Halaad dheh afka goosee! Ogoobeey kitaab hanyaraan ma ahee hantibaa i hor-caratay; naa afar Halaad dheh bi’i waaye! “Waar kitaab ayaanu ku heshiinay, ee kitaab kaa ha laygu meheriyo uun”
“Waar miyaad xafidsiinaysaa Sodonka Quraanka ?” Waydiintan ayuu sheekhii ku tuuray ninkii.
“Haa”ayuu ninkii ku warceliyay. “Oo maad taqaanaa Quraanka dhammaantii? Sheekhii ayaa ku boobay ninkii. “Een… een ha…. Haa…. maya” Inankii ayaa sidan ku jawaabay isaga oo isku kalsoonayn. “ Xilka ma ka soo bixi kartaa?”Maya, ayuu ku jawaabay inankii guursannayay inantu isaga oo is huba. Sheekhii baa yidhi: “Haddaba, meher ka maxaanu ka dhignaa?” Inantii baa soo boodday oo tidhi “ Dee walaal wuxuu jecel yahay uun ha la igu meheriyo! Alla dabacsanaa oo diranaa kolka la la darsayo, dulbadanaa oo dareen fiicanaa kolka la dugsanayo, dirasho wacanaa oo diranaa kolka ay dudada ayaama hore soo galaan.
Intaan naftayda la hadlay ayan idhi : “Alla maxaa inanta jacayl ku raagay, wax kasta way oggoshahay, Allow tan oo kale ! Afartii halaad ee afka igag soo dhacay, ayey tiri “Xabiibi ka warran haddaad igu meheriso afartaa halaad ee makhraatigu sheegayey” Isna hadal kama soo celin. Hawraarsan buu yidhi. Sheekhii saaxiibkay ahaa Aayado fara badan ayuu daliilinayaa, illaa dagaalkii Badar. Illeen qosol naftu kaama baxdo!
Dagaalkii Bedar iyo meher maxaa iska soo galay, dee ma wax kalaa la hayey oo lays yidhaa! Oo shaw gabadhu way qushuucsantay, oo la dhacsantahay meherka meesha ka dhacaya. Foorar baa mid waliba luqunta hoos u laalaadiyay, qofna qof ma arkayo. Goobtu waa goob madow ah humaag mooyee si toos ah layskuma arki karo, oo hadalka uun baa la maqlayaa. Waa lays dhagaysanayaa, ma maqal meherka meher ka horayay oo dagaalkii Bedar lagaga sheekeeynayo. Anaa soo hambabaray oo yidhi: “ Sheekh soo gaabi”Aniga oo si baqasho leh u hadlaya oo is leh meesha yaan la soo galin. Haa hadalkii ay laygu soo warejiyey, oo waxaan ka qiirooday meher kan madaw ee meesha lagu wado ee meel ku gaadh. Waar waad I maqlaysiin in aynu danbi ku suganahay, oo haddii meherku xalaal ahaan lahaa waaligga (waalid )ayaa meesha iman lahaa. Oo nal ayaa la inoo daari lahaa, oo rayn-rayn ayaa meesha ka dhici lahayd. Haddaba meherkii dhacye, ma ii ballan qaadaysaan inaan wax galmo ah meesha iman? Inta labadiiba soo boodeen ayey boobeen hadalkii “waa ballan , haye”. Illeen nin huguri wado ayaan ahee hadalkii sii watay: “Maaha meher sax ah lakiin waa jacayl ayaa dhidibada loo adkaynayaa” Meeshii qosolka ,dhoollacaddaynta ka dhacay, saa waxay heleen jidkay rabeene. Dadku is ma arkayo, Sheekh la moodkii ayaa soo booday oo yidhi: “Waar bal tooshka inoo daara oo gabadha ku qabta, wiilkana ku qabo!” Allow walaashay ha ka dhigin mid aan aqaanna walaashii ha ka dhigin, taa macnaheedu malahayga waa :Geeridu nin aanad garanyn iyo geeljiray ku wanaagsantahay miyaa:
Mise waaba gabadh faraxsan oo dhoollacaddaynaysa! Quruxna Eebbe ugu deeqay. Wiilku isna kama dhaco, sida Aarka ayuu isna halkan miliqsanayaa! Hawshii dhammaatay, waxa hadhay hantidii iyo kala hoyosho weeye. La soo bax, kabahana la boob. Lacagtii sheekha laga amaahay, inankii wuu calaacalay, waxba faraha kuma hayo, xiniiyaan hawsha ku galay ee aroorta ha inoo ahaato ayuu Sheekhii ku yidhi. Aniga iyo saaxiibkay Sheekh ku sheeg, waxanu nimid maqaaxidii, is warraysannay “Waar yaahee, saaxiib caawa danbi baan galnay?” Annaa waydiiyay saaxiibkay, “Waxba waxaynu akhriyaynay kama jiraane la soco saaxiib, afka iska mari wixii aynu ka helno” isagaa iigu war celiyay.
Allow noo danbi dhaaf, imisa sheekh is-mood baa sidaa dunida u halaagay , wadaad u eeke, u eekane iska dhige u dhigane ka dhigane ayaa halaag iyo hadimo innagu haya oo wali inna hor jooga, Allow waa taada!.
W/Q: Garaad yoonis Gajoome
Email: yoonis1951@hotmail.com
Facebook:Garaad Yoonis Gajoome