Wada noolaashaha
Noolasha adduunkan aynu ku noolnahay waxaa tiir dhaxaad u ah, wada noolaashaha, wada noolashahana waxaa ay u baahan tahay, in la tixgaliyo ka la duwanaanta, sida midabka, luuqadda, isirka iyo diinta. Anagu haddii aan nahay soomaali waxaan ku guuldaraysannay, in aan u wada noolaanno si nabad ah, anagoo dhinac walbo is ku mid ka ah, sida; diinta luqadda midabka, isirka, oo soomaali aan wada nahay, tusaale magaalada Gaalgacyo waxaa ku soo noq noqdo dagaallo ujeedkiisu u eg yahay aniga kaliya ayaa ku habboon, in aan magaladan daganaado, wixii aan aniga ahayn waa in magaalada laga saaro ama la laayo!
Fikraddaas waxaan la is lahaa waa fikrad dhammaatay qabqablayaashii ayay la dhimatay, laakiin, waxaad arkeysaa, in kuwo aqoonyahanno sheeganayo mid walbana uu leeyahay jaamacado ayaan wax ka soo dhigijiray, in ay dib u billaabeen afkarihii foosha xumaa, halkii laga filayay, in ay dadka ku soo siyaadiyaan hormar dhinac walbo leh, sida is dhaxgalka bulshada, oo ay u hurseedaan, in ay meesha ka saraan qoqobnaanta qabiilka.
Aqoontodii waxba u ma aysan tarin bulshadii aan ka ahayn, in ay qixiyaan, oo ay ka sii daraan kuwii hore. Noolasha adduunka oo ay soo arkeen iyo waxbarashadii waxba ka ma aysan soo faaiidaysan.
Bulshadeenna soomaalida ma laha meel u badbaadday aqoonyahan, wadaad iyo waranle intuba, isbadal ma jiro, nin walbo tolkiis ayuu dhexda kaga jiraa, mid kastana wuxuu ku taamayaa sidii qabiillada kale meesha looga saari lahaa, xaqiiqadana waa sidaa, laakiin, soomaalida runta ma jeclo. Hal tuulo ayaa lagu wada noolaan la’yahay, see waddan ka weyn loo wadaagayaa? Waa su’aal da’ weynoo madaxa dalineyse.
Haddii qolo walbo tiraah, halkaan anaa is ka leh, oo qofka kale ee soomaaliga ah ma laha, xuquuqna ku ma leh, hadduu rabo ha ku dhasho, mar haddii uu qabiil kale yahay, sow macnaheedu ma aha, in ay meesha ka baxday waddan La wada leeyahay. Soomaaliyey sidan aan isu dhaanno, oo caqliga iyo xikmaddu ha shaqayso.
W/Q: Luul Abdi Hassan