Sababaha saboolnimada Afrika
Afrika, waa qaaradda labaad ee ugu weyn qaaradaha adduunka, ka dib qaaradda Aasiya, dhanka baaxadda iyo dhanka badkaba. Baaxadda qaaradda Afrika waxey la egtahay 30,2440, 050 km2 (11,677,240 mi2) tiradaas waxaa ku jira dhammaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxaddeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxadda dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirakoob caalami ah oo la sameeyay sannadkii 2013 waxaa ku nool qaaradda Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.1 bilyan, oo ah tiro u dhiganta todobbada qeybood qayb dadka dunida ku noolo maanta.
Qaaradda Afrika waxaa ku hareeraysan biyo; badda Mediterraanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale gacanka Suweys iyo Badda Cas waxay ka xigaan waqooyi bari, badweynta Hindiya ayaa kaga taal koonfur bari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed. Intaas waxaa dheer, jasiiradda Madagaskar iyo jasiirado kale ayaa soo hoosgala qaaradda. Sida rasmiga ah waxaa qaaradda Afrika ku yaal 54 waddan oo la aqoonsan yahay.
Saboolnimo, waa waxyari ama la’aan, agab iyo alaab nolosha lagu hago ama lagu hoggaansho, haddaba, waa maxay waxyaabaha qaaradda Afrika ragaadiyey, ee dib u dhigay? Waxyalahaas wey badan yihiin intaan ka xasuustu baan rabaa hadduu Alla idmo inaan idinla wadaago:-
1- Negative Impact of globization on the Afrika Economy: Isku furnaanta dunida waxey Afrika ku reebtay sameyn aan la mahdin, maxaa yeelay, isku furnaanta dunida wanaag iyo xumaanba wey ledahay, laakiin, qaaraddu waxey dhaxashay inta xun oo qura. Waad argtaan daraagaskii Yurub bey ka imanayaan, hubkii, haddii aa maanta dhahdo waddan reer Yurub ah nin yahaw warshad i sii wuxuu ku leyahy warshad xaggee geynee, orad hubkan qaado, oo qolodaa aa kugu hysatee iska soo dhici, berrine kii kale ayuu soo sinaa. Diyaaradda Afrika ka baxda marka ey Yurub galee aad baa loo baraa, halka tan Yurub ka soo baxee, oo Afrika soo galee oo daroogada waddo aan la bareyn.
2- Poverty trap: Mar walbaa waxaa dabin loogu jiraa baahi lee, oo maxaa lacunaa aa subax kastaa la taagan yahay oo laga fikirayaa.
3- HIV / AIDS: waa midka ugu daran ee qaaradda la dagay oo halakeeyay, maxaa yeelay, waxyar ee reerka soo galaa waxey ku baxayaan cunto siintiisa iyo caafimaadkiisa haddii kii reerka dhaqaalaha soo galinayane uu ku dhaco waa Allaha aruursho reerkaa.
Intaa waxaan sii racsanaa, waddammada uu aad ka u halakeyay HIV AIDSka waa waddammada dhaca gabeedka Afrika 10kii qof ba 4baa qabta 15ka dib maxaad filan kartaa? Waddammadaa wey ku daayeyn bal Soomaaliya aan eegno nambar waa jiray la sheeg sheegi jiray, laakiin, hadda sidii ey waddaadaa dheyr ee Maka Al-Mukaramah u soo korartayba waa fudud yahay bahalku si fudud oo qosol la socdo yaan laguu qaadsiin, ee iska jira.
4- Political instability: Xasillooni la’aan siyaasadeed oo mar walba qaaradda waxa ka dhacaya isbadbadallo wejiyo badan leh taa oon saamaxeyn in qofku nolosha heer ka gaaro.
5-Debt trap: Waxaa dabin loogu jiraa dayman faro badan oo aadan iska bixin karin mar walboo xogaa madaxa aad la soo kacdo waxaa lagu weydinayaa qaantii mana diidi kartid oo waa lagaa awood badan yahay haddad laba loor oo faa’iido ah gaarto mid aa isticmalee mid ka kalane waad ku qaan baxee.
6- Culture: Haddii ey umaddu eysan dhaqan ahaan ceybseyn in tuugsigu dhaqan xun yahay waligood faqri in ay ka baxaan ha sugin.
7- Lack of Good governance: mar kasta oo eysan dowlad wanaag jirin waxaa sahlanaane in lacagtii loogu talogalay hormarinta la lunsado, maxaa yeelay, “accountability and transparency” la xisaabtan iyo hufnaan aan meesha oollin.
8- Enviromental degradation: Is badbadalka xagga cimilada iyadana saameyn aan la mahdin bey ku ledeahay saboolnimada.
9- Rapid urbanization: Magaaleynta degdegga ah iyadna saameyn aan la mahdin bey ku leedahy, oo waxaad arkeysaa tuulo ey ku nooshahay 10, 000 ayaa waxey soo dul tagayaan tuulo kale oo eey 20, 000 ku noshahay, adeegga yaalne waxa loogu talo galay iney 20,000 ka faa’iideystaan kii loo yimid iyo kii yimid ba wey isla dhammaysan wixii meshaa yaal markii ey dhammaadaanna 30,000 kun wey isla hayaamayaan oo tuulo kale ayey sidaa ku duldagayaan. Waa ha layska dabo wareegto waligeed oo aad u jeedid mayl looga baxana malahan. Sababahaan oo meesha laga saarin baahi laga ma baxayo!