MAALMAHAYGII MUQDISHO: siyaasadda Q6AAD
In kasta, oo magaalo weyn, waliba sida Muqdisho xarun dal iyo xuddan bulsho ah, aan waxa aad ku aragto la la wada dhici karin, lagana wada heli karin, haddana, anigu magaalada waxaan ku fiirinayey indhaheeda, ee marna ku ma dammoon arag shisheeye iyo il maqane, taa oo malaha iga qarisay ceebaal badan oo laga sheego ama aanba aan kas isaga qariyey anigu.
Intii aan magaalada joogay, waxa keliya ee iga degi waayey, iina laqmi waayey, quustii aan qabay, quusyaal iigu sii daray, waxay ahaayeen siyaasadda iyo siyaasiyiinta; aqoosha iyo aqooliyayaasha. Aqoolxumo abaar ka badan murti bay eheed.
Dhib hadduu nagu dhacay, dhimaal haddii na haleelay, dhabarjab hadduu na gaaray, dheelli hadduu na galay, dhulkeen haddaan ka qaxnay, dhimasho badan haddaan isu gaysannay, dhaawac badan haddaan is ku dhufannay, dhalanteed badan haddaan is daawasiinnay dhammaan intaa iyo ka sii badan waxaa u sal ah aqoolxumada na heshay iyo aqoolin la’aanta na haleeshay.
Hannaanka dawladnimo ee la lababayo, maamullada la dhisayo, gobollada la isu jarjarayo iyo is diidka awood qaybsi ee beeleed, si walba oo ay u fal iyo foolxun yihiin, iyada oo aan ahayn aragtidii bulshada ka dhalatay, haddana, waxaa sii foolxun, marka aqooliyayaal aan aqool waxba ka ogayn aayaheennii ka arrimiyeen hore, hadda iyo hadaha soo socdaba, haddana aqoon sheegtaan.
Leexadka galay aqoolwadaagga dalka waxaa u horseedday koox yar, oo marooqsatay awooddii bulshada, ka dibna laalay wax walba oo dhalin kara dookh iyo doorasho, ayna dhacday aftidiid iyo afduub, lagana dhaxlay burbur iyo baaba’, barakac iyo baaruud baabbah ka dhigay dad iyo duunyo. Wixii xigay is ka waraysi ma lahan, heer diintii iyo wadaaddadii daraf ka noqdeen, waliba ka dacar iyo daacuun bateen wixii ka horreeyey oo dhan.
Intii aan dalka joogay ayaa wadaayo dhawr ah I weydiiyeen, sida aan u arko xaaladda dalka. Waxan ugu soo gaabshay aragtidan leh; “Dalka hormar dhan walba ah ayaa ka jira, balse, wali waxaa hooseeyaa hormarinta “DADKA” micnaha sida gacansiga loo maalgelinayo, DADKA loo ma maalgelin!”
Inta mehered ee dalka ka furan, waxaa ugu liita, uguna ligan meheradda AQOOLINTA (SIYAASADDA), haddana, saas oy tahay, waxaa u wada shaqotagay, oy u furan tahay dadka oo dhan, waliba in aan garashadeed, guddoonkeed, go’aankeed, gunudkeed iyo gu’yaasheed midna lahayn. Gocor iyo gacay ayey u gacanshay.
Sedbursi, silac, sun iyo sabooleyn bulsho ayey summad u noqotay SIYAASADDU, iyadoon lagu sirmin, la is kuna siro, haddana, safaf dhaadheer iyo waxaa loogu jiraa socdaal aan dhammaad lahayn. Sunuud iyo waxaa lagu baxshaa shilimaad badan, si saldhig loogu yeesho, loogana yeesho. Sulsul iyo salal isa suran!
Wax walba oo xumaan ah nimankaa gafuurrada xunxun, ee garaadlaawayaashaa ah, ayaa u sabab ah, ee bal si sidan lagu jiro looga baxo, aan dhaqan iyo dhur wixii aan lahayn u laabanno, si DHIMAALKA DHAQAN ee jira is ku dhan looga soo wadajeesto.
Qormadan waa qaybta u dambaysa, qormooyinkii dhawrka ahaa, ee MAALMAHAYGII MUQDISHO. Waxaan ku xijindoonaa qormo dhiirrigelin u ah dibadjoogta, gaar ahaan kuwooda gu’yaal badan dalka ka maqnaa, ee aan marna dib ugu laaban.
Dhammaad.