Caafimaadka taranka hooyada iyo dhallaanka W/Q: Gallad Dahir Hassan

Caafimaadka taranka hooyada iyo dhallaanka

 

Haddaad rabto inaad eegto bulsho si guud xaalkooda cafimaad waxaad ka eegtaa tilmaamaha unuggu iyo halka ay ka soo tarmaaan, adeegga cafimaad ay heli karaan iyo isticmaalka adeeggas. Hooyada iyo dhallaanka waa kuwa ugu hurreeya ee u nugul qatarta caafimad darro ee bulsho. Waxay u baahan yihin adeeg caafimad, oo ka dheeri ah marki la barbardhigo bulshada qaybaheeda kale, maadaama ay tahay baahidooda caafimaad mid joogta ah misana so noqnoqta.

Marka la eego Soomaaliya, hooyada iyo dhallaanka cusub waxa soo wajaha dhibaatoyin caafimaad darro kuwaas oo keeni kara cudurro ama dhimasho hadday noqon lahayd dhalmada ka hor, inta dhalmada lagu gudajiro iyo dhalmada ka dib.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa waxa ay sheegtay dhanbaal ay ka qortay 2006 in qiyaas ahaan dhimashada hooyada xilliga dhalmada 10kii hooyo ee dhala isku waqti in mid ka mida u dhimanayso sababo la xariira dhalintanka. Sidoo kale, tirada dhimashada carruurta ka yar 5 sano ay ku dhawaad 2 ka mida 10kii carruur ay u dhintaan sababo kala duwan.

Tirooyinka kor ku xusan waxay caddaynayaan inay jirto qatar aad u wayn oo  caafimad darro dhinaca hooyada iyo dhallaanka, taas oo Soomaaliya ka dhigaysa dalka ugu qatar badan hooyo meel ay ku dhasho ubad iyo dhallaanka laftiisaba.

Hay’adda caafimaadka adduunka dhanbaalkeeda istaratijiyadda waddanka ee 2010-2014 waxay ku xustahay sabahaha keena dhimashada hooyada waqtiga dhalmada. Waxaa ka mida dhiigbax dhalmada ka hor iyo ka dibba, dhallaanka oo soo mari waaya miskaha hooyada, dhiikarka ow keeno uurka iyo caabuqa hooyada ku dhaca marka ay dhasho ka bacdi. Sidoo kale, is ku furanka waa midka ugu qatarta badan ee sababa dhimashada, xaaladaha kale ee sababa dhimashada hooyada waxaa kaloo ka mida dhiigyarida iyo nafaqodarrada.

Caqabadaha siyaadinaya dhimashada hooyada iyo dhallaanka waxaa ka mida la’aanshaha xirfadlayaal ku filan bulshada, helidda adeeg aasaasiga ee caafimaad oo aad u liita iyo sababo kale oo la xariira xagga dhaqanka sida guurka da’ yar gabdhaha lagu guursado iyo dadka oo aaminsan ama aqbala umulisooyinka aan xirfad buuxda lahayn.

In kasta ow yahay adeegga caafimaadka dalka mid burbur ka soo kabanaya sanadihii tagay, haddana waa in mudnaanta kowaad la siiya u adeegidda bulshada kuwooda ugu nugul.

Goobaha adeegga caafimaadka taranka, hooyada iyo dhallaanka laga helo waxa ka mida heerka xarunta caafimaadka, ee loo soo gudbiyo bukaanka sida ku cad dhanbaalka siyaasadda caafimaadka Soomaaliya ee soo baxay 2014. Waxaa intaa hareersocda xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee afka qalaad lagu dhaho (maternal and child health) ee khayriga ah iyo waaxyada caafimaadka gaarka loo leeyahay.

Marka laga soo tago goobaha qalabaysan waxaa kaloo jiro umulusooyin dhaqameed xirfad ay u tahay inay dhaliyaan dumar kana raadsada nolol maalmeedkooda kuwaas oo aan la is ku hallayn karin adeegga caafimaad ay bixiyaan sababo la xariira aaladaha ay isticamalayan iyo qibraddooda shaqaba, laakiin haddana aysan meesha ka marnayn adeegga ay u hayaan meelaha ka fog xarumaha caafimaad ee laga heli karo xirfadlayaal sharciyaysan.

Haddaba ogow Aabbe, hooyo cafimadqabta ayaa dhasha cunug cafimaad qaba. Mana ahan hooyada uurka leh inay u baahantahay adeeg caafimaad marka ay dhalayso oo kaliya ee waxay u baahan tahay, sido kale, dhalmada ka hor iyo ka gadaalba.

Qoraalkan ku ma soo koobi karno cudurrada la darsa hooyada uurka leh iyo dhallaanka yar, laakiin, waxaa muhiim ah, in la la socdo xalaadda caafimaad ee hooyada uurka leh laga taxadiro nafaqada hooyada iyo quudinta carruurta iyo dhallaanka aan bil gaarin.

Nuujinta naaska waa quudinta ugu wanaagsan dhallaanka ugu yaraan 6da bilood ee ugu horraysa ilaa labo sano ka gaarayo. Waxaa intaa sii dheer, in laga tallaalo carruurta cudurrada looga hortagi karo tallaalka.

Haddaba maxaa na la gudboon, si wax looga qabto heerka caafimaad oo liita ee hooyada iyo dhallaanka. Waxay i la tahay, in loo la siiyo helitaanka adeeg caafimaad ee tayo leh, sahal lagu gaari karo, la aqbali karo, lana awoodi karo, oo sahlaya, in la tiigsado gaarsiinta dhammaan bulshadu daryeel caafimad oo loo wada-simanyahy, lana awoodo.

 

F.G: qormadan markii hore waxay ku soo baxday wargeyska Gobollada dhexe, bishiisan koowaad.

 

W/Q: Gallad Dahir Hassan 

SHEEKOOYIN