Saameyntii Dagaalkii Lafoole (Qeybta 1aad)
Talyaanigu dagaalkii lafoole kaddib waa xadiday faragalinta arrimaha Soomaalida, lamana dhihi karin heer gumeysi, dhowr ciidan ah oo carab u badnaa ayaa ku ilaalin jiray xeryaha shirkadiisii ganacsi ee Filonardi Company, ayana dhaqdhaqaaqeeda waa xadiday.
Dhacdadii lafoole ka hor waxaa jiray hal dhacdo oo cadawtinima abuurtay 1893 iyo 1896 ,tan hore oo aheyd 11/oktobar 1893 dii, maalintaa oo uu talyaanigu calankiisa ka taagay magaalada marka, kaddibna nin Somali ah ayaa dilay askari talyaani ahaa kaddibna ninkii somaaliga ahaa ayaa la dilay iyadoo lagu dhuftay 3 xabbadood oo laga riday budtuq ( qoragii loo Yaqiin ‘Wetterly’’ gun.’’ ( Lee V. Cassanelli, 1982, p.202), waa mid ka mid ah dhacdooyinkii lafoole ka horreeyay.
In kastoo talyaaniga cabsiyi ku jirtay hadda rag uu Cecchi ka mid ahaa ayaa ku dhiiri galinayay kuna cadaadinayay dowladda talyaanigu in ay ka faa’iideeysato khayraadka oo gumeysi run ah ay ka dhigato. Fiiri: ‘’Rich commercial resources’’ of Somalia (Cecchi, Pesaro, to foreign Minister C.F Nicolis di Robilant, August 27, 1886).
Lafoole kadDib waxaa bilaawday kacdoon guud oo ka dhacay gobalkii hore ee banaadir ee afarta dekedood loo yaqiin (Warshiiq illa baraawe) oo ganacsigoodu u furnaa ilaa Harar, (( FG. Mar dhaw ayeey aheyd markii baska u socda Itoobiya laga raaci jiray daarta Biixaani loo yaqaan horteed iyadoo la naadinayo magaalooyinka uu sii marayo, laga yaabee in qaarkiin ku safray.)).
Qoraaladu waxa ay leeyihiin maalmihii xigay dagaalkii lafoole waxaa bilawday kacdoon, magaalada Muqdishana waxaa lagu dilay laguna dhaawacay talyaani tiradiisu aheyd 100 ruux markii uu kacay Abgaalkii magaalada deganaa.
Dhinaca Marka ayaa mar kale talyaani lagu dilay, nin dhalinyaraa oo magaciisa la yiraa: Cumar Yuusuf Xassan ayaa dilay nin talyaani ahaa oo lagu magacaabi jiray Giacomo Trevis. qoraagu waxa uu lee yahay Cumar oo ku soo tukaday musaajidka Shaykh Osman ‘Marka-yaalle’ ayaa middi ku dilay Trevis oo marayay xeebta Marka, qoraaga ayaa leh Trevis Marka waa laga necbaa ma aha kaliya in uu gumeysi keliya ahaa ee waxa uu dadka ku qasbi jiray shaqa adag oo lacag la’aan aheyd ( Dhowr jeer oo aan Marka tagay kuma arag goob lagu magacaabay labadaa geesi ee Marka ku dilay gumeystayaal ayaga oo aan cidna u kaashan, mana arag cid reer Marka ah oo iiga sheekeeysa).
Dhinaca kale magaalada warshiikh waxaa la weeraray askar Talyaani aheyd oo xerada ka soo baxayay. Magaalada Baraawana Shiikh caan ahaa oo loo yaqiin Xaaji Shiikh Cabaas ayaa dadkii ku kiciyay Talyaaniga, joojiyayna dhaqdhaqaaqii Talyaaniga.
Sawiradii:Filonardi, xasuuqii Gumeeystaha iyo lafoole.
FG: wixii ka qaldan qoraalkan waad sixi kartaa, naqdin kartaa, dhaliili kartaa,wixii aqoon yarideydu ii geeysay ka raali noqo, aragtidaada xor ayaad u tahay. La soco Qaybta, B.
Qore: Yahya Amir.