Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q3AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q3AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Qaboobe,Daahir iyo Gare waxay aadeen gurigi ,marki ay gurigi tageena waxaa gooni isula fadhiistay Qaboobe iyo Daahir oo iyaga xiisa iyo hilow badan u qabay in ay iswareystaan, wuxuuna mid walba uu midka kale ku bilaabay in uu ka wareysto arrimaha uu ku taamayay in uu ka war bogto.

Qaboobe isaga habeenkaa wuxuu Daahir ka wareystay Xaaladdi ay ku sugnaayeen Xaaskiisa iyo carruurtiisa oo iyaga looga keenay cajalad farriintooda oo hadal ah ku duuban-yahay oo ay u soo direen, arrimahooda gaarkaana ay uga warrameen ,waxaa kale oo uu ka wareystay xaaladda guud ee xaafaddi ay deganaayeen iyo hoos ahaan Daahir aayadiis iyo odageygeeda oo ay qaraaba ahaayeen.

Daahir isagana wuxuu qaboobe ka wareystay xaaladda shaqo ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaana Qaboobe uu Daahir u sheegay sidi uu wax u doonayay si ka duwan, waayo? Daahir wuxuu filayay in ay wax walbo sahlanaan doonaan si dhaqsiyana uu shaqo wacan ku heli karayo.Qaboobe waa u hagar baxyay Daahir, wax walbana wuxuu ka tusay sida Daahir uu ku gaari karo, sida ugu dhaqsiyaha badan mustaqbal wacan  ,wuxuuna u sheegay in uu meel iska dhigo waqtigaa la joogay in uu helo shaqo qalinka lagu shaqeynayo, tan iyo inti uu ka helayo ama ka gadanayo sharciga degganaanta iyo shaqada ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa kale oo uu uga warramay sababaha uu sawirki caawa uga qaaday in ay tahay in uu doonayo habeen danbaba in loo sameeyo bidhaaqo forjer ah oo uu ku meel maro ,kuna shaqo doonto tan iyo inti uu iska meelaynayo si sharci ah .

Waxaa kale oo uu u sheegay in uu ku tashto in uu maalo muruqiisa ilaa iyo inta uu ka gaarayo in uu isaga diyaar u yahay garab qabashadiisa ,Qaboobe wuxuu Daahir ku yiri “Walaal waa waqti danbe ,waabarigi ,salaadda subax keddib waxaan ku dheelmanayaa maqaayada si aan u sameeyo quraacdi berri subaxnimadi laga cuni lahaa maqaayada ee habeen wanaagsan”.

Daahir isagana wuxuu  Qaboobe ku yiri“Habeen wanaagsan”Isaga oo ay u muuqatay in uunan Qaboobe waqti badan u haynin sheeko iyo iswareysi intaa ka badan. Daahir habeenkaa kolki uu tegay joodaragi(Gogashi) loo siiyay in uu ku seexdo waa dhacyay,waxaana ka so dhacday hurdo dheer,wuxuuna soo toosay subaxdi xigtay, barqaninmadi, iyada oo aynan jirin cid la joogto guriga uu jiifanayay .

Daahir marki uu cadayaystay(rumaystay) keddib, bannaanka guriga ayuu u soo baxay  ,wuxuuna qaboobe ugu yimid kushiinka maqaayadi uu ka shaqaynayay ,wuxuuna ku yiri “Walaal subax wanaagsan,walaal Guriga cidna ma joogto, anigana sooma xirin ee sideen wax yeelaa”.

Qaboobe ayaa ku yiri “waa dadaashay haddii aad soo toostay ,ee waxaad yeeshaa iridka guriga jug soo sii ,marki aad rabto in aad ku noqotana, i soo mar aniga ayaa ku siinayo  furaha guriga”.

Daahir ayaa Qaboobe ugu jawaabay“Waayahay  Xasan

(Qaboobe)iridka jug ayaan soo siinayaa,laakin waxaan ku weydiiyay xalay jameecadi nala seexatay, shaqo miyay wada aadeen”.

Qaboobe:“Maya shaqo ma wada aadin,mana wada shaqeeyaan laakin kuwa aanan shaqaynin iyagana waxay aadeen raajicis(shaqo doon)”.

   Daahir jawaab kuma soo celin Qaboobe,wuxuuna aaday gurigi si uu u soo xiro,keddib marki uu soo xirayna wuxuu aaday qaxwadi uu xalay fadhiistay ,halkaas ayaana duhurka loogu aadaamay maalinta labaad oo uu joogo dalkaa Sacuudi Carabiya ,magaalada Jeddah.

  Daahir habeenki labaad ee uu joogay dalka Sacuudiga waxaa isaga oo qaxwadi fadhiya ugu yimid Axmed Gare oo isaga ahaa wiilki xalay qaxwada la tegay,guriga uu ku degayna wax ka deganaa ,wuxuuna u keenay bidhaaqad ka kooban laba baal, midabkeedana uu yahay caddaan ,kuna ay dhegan tahay suuradiisa ,waxaa kale oo bidhaaqada loo keenay ku qornaa magaciisa oo saddexan ,taariikhda uu dhashay ,raqamka baasaboor aan ahayn kiisi runta ahaa iyo magaca  nin Sacuudiya oo la been abuuray oo ka taagan in uu yahay kafiilkiisa. waxaana Gare kolki uu bidhaaqada siiyay ku yiri “Walaal bidhaaqadan waxaa sameeyo wiilal Soomali ah ,mana ahan mid waafaqsan qaanuunka dalkan u yaal ,waana laguugu xirayaa kolki uu askari ku weydiiyo sharciga aad dalkan ku joogto, uuna garto bidhaaqada aad u taagtay in aynan ahayn tii rasmiga ahayd oo ay dowladda dalkan siiso, ruuxa loo ogalaaday sharciga deganaashaha iyo ka shaqaysiga dalkan, sidaa darteed walaal si feejignaan ku jirto ugu shaqo doono bidhaaqadan ”.

Daahir wuu qabsaday bidhaaqadi ,mana ahayn mid nidaamka loo isticmaalo maqal ahaan ay isaga ku cusbayd oo waxaa horay ugu sheegay dhallinyaradi uu habeenki horreeyayba la fadhiistay qaxwada lagu siiyay bidhaaqadaa ,waxaana loo sheegay lacagta lagu sameeyay in uu ka bixiyay Qaboobe.

Daahir welwel gaar ah kuma aynan abuurin arrintaa, laakin waxaa u muuqanayay dhibaatooyinka ay dabada ku wadan karto .Daahir, in muddaa marki ay ka soo wareegtay maalinti loo sameeeyay bidhaaqada la been abuuray, wuxuu maqlay in xabsiga Jeddah loo taxaabay wiilka  farsameeyay bidhaaqadi isaga iyo asxaab kale oo badan loo sameeyay  iyo wiil kale oo bannaanka dalka isaga keenay bidhaaqooyin lagu soo daabacay dalka sacuudi Carabiya debadiisa ,waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha isaga oo isku dayay in uu ku qariyo boorso si farsamadaysan hoos looga soo tolay boqol iyo dhowr bidhaaqadood oo uu debada ka keenay iyada oo aynan boorsadiisa qeybta hoose ka duwanayn salka boorsado oo aynan waxba ku jirin gudaheeda.

Daahir waxaa maalinba maalinta ka danbeyso u suurta galeysay in uu la qabsado hab dhaqanka iyo qaabka ay dalkaa uga shaqaystaan  dadki Soomaalida ahaa ee isaga kaga soo horreeyay dalka sacuudiga. Daahir wuxuu ku guulaystay in uu ka shaqeeyo dhowr meelood oo kala duwan mudda ku dhow sanad iyo bar,shaqooyinkaas uu qabtay badanaa waxay ahaayeen howlaha dhammaystirka dhismooyin uu dhammaaday dhismahoodi guud iyo ka shaqaysiga warshada yar yar oo ku yiil magaalada Jeddah,wuxuuna shaqooyinkaas ka aruuriyay  lacag tira ahaan gaareyso lix kun oo sacuudi riyaal ah marki laga reebo kharajka ku baxay noloshiisa guud.

Daahir marki ay gacantiisa ku soo dhacday lacagtaas wuxuu goostay in uu iibsado sharciga deganaanta iyo shaqada ee dalka Sacuudi Carabiya wuxuuna la tashi la sameeyay Xasan Qaboobe.

Xasan Qaboobana wuxuu Daahir ku adkeeyay fikirkaas wuxuuna lacagti uu Daahir haystay ugu daray laba kun oo Riyaal sacuudi ah . sidaana Daahir wuxuu  iqaama kaga iibsaday nin Sacuudi ah. Daahir aad iyo aad ayuu ugu farxay daadaal dheer iyo  qabashada shaqooyin aanan marnaba maankiisa ku soo dhicin in uu sacuudiga kaga shaqayn doono maalin maalmaha ka mid ah. Daahir inti uu ku jiray isu diyaarinta in uu aado dalki, kana soo qaato fiisihi Iqaamada si uu dalkan ugu soo galo mar kale,  isaga oo wato sharciga deganaashaha iyo ka shaqaysiga dalka Sacuudiga, wuxuu Xasan Qaboobe ka helay saddex kun oo Riyaal oo kale, si uu ugu dhammeysto wixi ka dhiman howlihi bixidiisa iyo imaantingiisa danbe.

 

La soco qaybaha kale

 W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

SHEEKOOYIN