Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q6AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q6AAD 

 Daahir, isla maalinti Isniinta sagaalki galabnimo iyo nus wuxuu gaaray xaafaddi uu degganaa, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Saaxiibadiis iyo Xasan Qaboobe oo isaga ahaa nin aad ugu garab galay guusha uu ku gaaray gadashada Fisaha deganaanta iyo ka shaqaysiga dalka Sacuudi Carabiya, Daahir isaga oo waqtiga la xarbinayo, wuxuu ku dadaalay in uu mudda gaaban  oo dhowr maalmood ah ku soo saarto Daftarki Iqaamadi(warqadi aqoonsiga ee sharciga uu gatay), Daahir wuxuu bilaabay in uu raadsho helitaanka shaqooyin ka duwan kuwi uu horay uga shaqayn jiray Dalka Sacuudiga sidi Soo-gade (purchaser), Suuq-Geeye(Salesman), Qore(Clerk) iyo hadba shaqa Maktab midi uu is lahaa waad qaban kartaa, sidi  xog-haye(seceretery). Mudda keddib, Daahir wuxuu Dareemay in uu ku fashilmay in uu guul ka keeno helitaanka shaqooyin noocaan ah isaga oo aan hore u lahayn khibro ku aadan shaqooyinkan uu raadinayo ama uunan haysan cid ku garab gasho in uu mar uun madaxa meel la galo, keddibna uu muujiyo in uu yahay nin firfircoon ee la qabsan karo shaqadi loo diro, tan waxaa uga sii darnaa dhibaatooyin kale oo la kowsaday shaqa la’aaanta la soo gudboonaatay oo ay ka mid tahay in Xasan Qaboobe oo marmar ka kaalmayn jiray xaga dhaqaalaha la soo deristay shaqo la’aan,maqaayadi uu ka shaqanayana albaabada loo laabay, isla markaasna go’aansaday xoogaadi lacagta ahaa ee uu helay muddadi uu joogay dalka Sacuudiga in uu wax kaga qabsado dalkiisi hooyo, Xasan Qaboobe waa iska baxyay bishi afaraad oo daahir ugu soo gashay dalka Sacuudiga isaga oo iqaama leh .

  Culayska ay dhaqaala la’aanta ku haysay Daahir waxaa ugu soo darmay in dadki uu la deganaa ay ka soo dhax-baxaan qaar uu ku fogaaday xinka qabiilka ,isla markaasna ku bilaabay in ay culays ku saaraan in uu doonto guri kale oo uu dego, kol haddii uunan ku tirsanayn reer ahaan bahda uu la deganaa,ahna bahda Xasan Qaboobe la deganaan jiray, kuna tirsanaa.

Daahir waa ka guuryay Gurigi uu Qaboobe la deganaan jiray,maadaama uunan dhaqaale haysana waxay ku qasabtay in uu wax ka dego guriga reerkoodu u badnaayeen oo iyaga bahdiisa ahaa ,iyagana way aqbaleen in uu  Daahir la dego, dadka guriga wax ka deganaana uu la qabo waxay qabaan,dhaqan ahaan iyo nolol ahaan.

Daahir waxaa ku bilowday cabsi iyo welwel, wuxuuna qaraar ku gaaray in uu dib u doonto shaqooyin ka duwan kuwa uu hadda ku mashquulay ,kuna dadaalo in uu iska bixiyo wixi dayn lagu lahaa ,gaar ahaan lacagti Xasan Qaboobe ku lahaa, keddib Marki Xasan  Qaboobe laba bilood keddib uu u soo diray, farriin ah in uu u soo diro wixi uu u heli karo, kolki uu shaqo bilaabo.

Daahir ,rafaad iyo dayacnaan ku dheeraatay  keddib wuxuu shaqo ka helay warshad sameyso Culbooyinka lagu shubo waxyaabaha la Cabo ,wuxuuna halkaas ka shaqaystay mudda lix bilood ah ,muddadaas gudaheedana wuxuu ku guulaystay in uu daymanki ku jiray qaar iska baxsho, laakin nasiib daro isaga oo aan daynti ku wada jirtay iska wada bixin ,waxna aan meel ka dhigan lacigihi uu muddadaa lix bilood ah ku shaqeeyay,  iska daa lacag uu ugu gudbo magaalad aRiyaadh oo uu ku hamminayay in mar uun uu uga gudbo magaaladan Jeddah, bal haddii ay shaqa ahaan ka duwan tahay ,saaxibkiis Muraadna malaha wax la qaban doono, ayaa shaqadi ka dhammaatay, warshadi shaqaalaheedina  waa la kala diray.

 Daahir Guuleed mar kale ayaa dhaqaale xume iyo deegaan xumaba la soo gudboonaatay. dhammaadki Kun iyo Sagaal-Boqol iyo Kow iyo sideetinki(1981) ayuu nin ka mid ahaa ardaydi wax kala dhigan jirtay Jaamcaddi Gahayr oo ay wejigana iska yaqiineen, asalkiisana reer Beledweyne ahaa, kula kulmay guriga ay qolo kale deganayd oo uu isaga wax ka degganaa ,ninki way sheekaysteen habeenki ay is arkeen, mid walbana wuxuu uga warramay midka kale guud ahaan arrimihiisa., ninkan Magciisa wuxuu Daahir  ugu sheegay Cusmaan Axmed iyo in loo yaqaan Caana-Geel

Daahir kolkuu Isla wada socod cimrigiisa gaaray mudda laba bilood ah iyo garab qabasho xag dhaqaale ah ka helay iyo in uu xoogaa yar ka fahmo shaqada uu haayay Caana-Geel oo ahayd, suuq gaynta qeybo ka mid ah (Qadca-Qiyaar)  baabuur la furfuray oo suuqa dib loo iibgeeyo, ayuu wuxuu Caana-Geel weydiistay haddii ay suurta-gal tahay in uu howshan kala shaqeeyo, waxna uu kala suuq-geeyo qadca-qiyaarkan ,sidaa darteedna uu kala hadlo qoladan uu isaga u shaqeeyo.

Caana-geel waa aqbalay Codsigi Daahir Guuleed ,waayo wuxuu wax ka gartay firfircoonida iyo xamaasada shaqo ee Ka buuxdo Daahir ,laakin wuxuu ku xiray Shuruud adag oo Daahir ka hor-istaageyso ogaanshaha xagee laga helaa qadci-qiyaarkan Suuqa loo iibgeynayo iyo tegitaanka Maktabka laga maamulo howshan suuqgeynta qeybhan lagu dayactiro baabuurta .

Daahir oo ku jiray xaalad dhaqaale xume, jiif xume iyo raja xumo qalbigiisa gashay waxay ku qasabtay in uu ogalaado shuruudi Caana-geel ,waxay ku qasabtay suuqgeynta qeybaha baabuur la soo furfuray oo uunan ogayn meel laga keenay iyo shirkada iska leh howshan asalkeeda iyo meesha ay ku taalaba, iyo in uu og yahay  oo kaliye  in uu howshiisa tahay gacan saddexaad oo qalabka la suuqgeynayo gala wareegeyso Caan-Geel.

Daahir howshi ayuu dhaxda ka galay ,wuxuuna Caana –Geel iyo ciddii ka danbaysaba ku soo kordhiyay in uu kor u qaado suuqooda iyo dhaqaalaha ka soo galo howshan. Daahir isagana waxuu howshan ka helay dhaqaale uu kaga baxo diifti uu ku jiray oo ay ugu horrayso yeelashada hoy fiican oo uu la ijaarto dhallinyaro ay is-barteen muddadi dheerayd oo uu joogay magaalada Jeddah.

Daahir wuxuu iska bixiyay daymanki lagu lahaa oo dhan, waxaa kale oo uu iibsaday baabuur isaga u gaar ah oo uu ku socdo ,korna ugu qaado tayadiisa Shaqo, laakin nasiib darro hor leh iyo fajac waa kan, kolki loo sheegay in xalay  ay Booliska Jeddah gacanta ku dhigeen Caana-Geel iyo rag kale, laguna haysto denbi xatooyo baabuur cusub ,la furfuro, furfurida keddibna qadci-qiyaarkooda suuqa Jeddah loo iibgeeyo ,qaar kalana loo diro dalka Soomaaliye, si dib la isugu celiyo, baabuur ahaana loo iibiyo mar kale,waxaa kale oo loo sheegay  in raggan gacanta lagu dhigay ayaga oo wada joogo garaashki ay ku furfuri jireen baabuurta ay soo xadaan.

Daahir kolki uu maqlay arrintan waxaa la soo gudboonaaday cabsi iyo goormaa adigana lagu qaban doonaa, Daahir waa joojiyay iibgeynti qadci-qiyaar wixi gacantiisa ku jiray ,waana ka guuryay guriga uu ku yaqiinay Caana-geel ,sidoo kalana saaxibadiis wuxuu kula taliyay in ay iyagana ka baxaan gurigan ,guri kalana ka doontaan ,madaama ay wax kasto ka imaan karaan qabashada la qabtay Caana-Geel, waxaa kale oo uu ku wargeliyay dhallinyaradan la deganayd oo iyaga shaki ka galay in uu arrintan isaga wax ka ogaa, in aynan arrinta sidaa ahayn, isagana uu ka madaxbannaan-yahay howsha ay gacanta kula jireen Caana-Geel iyo asxaabtiisa iyo in uu isaga doorkiisa uu ahaa suuqgaynta Qadci-qiyaarkan ,shuruuda shaqo ee  lagu xirayna uu shaki ka qabay, laakin uunaan marnana iska dhaadhicin in arrinta gaarsiisantahay jariimo tuuganimo iyo xoola la soo xaday oo suuqa dib loo iib-geeyo. Intaa keddib raggi la deganaa waxay isagana kula taliyeen in uu ka tago magaalada Jeddah gebi-ahaanba .

Daahir waa aqbalyay taladi ay u soo jeediyeen asxaabti uu la degganaa ,wuxuuna baabuurkiisi ugu kiccitimay magaalada Riyaadh isaga oo naf’ahaantiisa isu arko baxsad, wallow denbigiisa uunan ahayn bareer iyo ku tala gal xatooyo xoolo dad kale leeyahay,balse dhab ahaan uu ka mid ahaa tuuggadaa ku kacday xatooya bareer ah.

Daahir,wuxuu soo galay Magaalada Riyadh maalin keddib kolkuu ka soo baxay magaalada Jeddah, Daahir ma haysan cinwaan aanan ahayn kuu siiyay saaaxibkii Murad kolki ay isku macsalaameeyeen garoonka diyaaradaha ee Jeddah iyaga oo ka wada yimid waddanki Soomaaliya, ka hor mudda ku dhow Sanad, Daahir waddada dheer ee u dhaxayso Jeddah iyo Riyadh wuxuu ku soo maray isweydiimo iyo ka fikirka muxuu kala kulmi doonaa magaalada Riyadh, maxay kaga duwan tahay Jeddah, saaxibkii Muraad ma ka heli doonaa garab qabasho ah in uu ka kaalmeeyo helitaanka shaqo fiican oo uu ku dego,dhinace kale fekirkiisa kama maqnayn cabsi ka qabida maalmaha fooda ku soo haayo wixi uu kala kulmi doono Riyaadh ,maadaama uu degdeg uga soo baxay Jeddah isaga oo aanan soo qaadan warar ku aadan qaab nololeedka dadka Soomaalida ah ee ka shaqaysto magaalada Riyadh iyo guud ahaan xaalada nololeed ee magaalada Riyaadh .

Daahir wuxuu waqti duhurnima ah  dhinaca galbeed ka soo galay magaalada Riyaadh,wuxuu joogsaday Kabiino Telefoonka laga dirsado ,wuxuuna wacay saaxibkii Muraad ,Telefoonka waxaa ka qabtay nin kale, wuxuuna u sheegay in uunan Muraad joogin ,shaqadana ku soo noqonayo afarta galabnimo.Daahir iskama waalin, wuxuu ka qadeeyay Maqaayad  ka soo horjeedo kabiinada uu Telefoonka ka dirsaday oo iyadana ku aadan meeshi u horreysay oo uu ka joogsado magaalada Riyadh dhaxdeeda ,wuxuuna halkaa ku sugay ilaa waqtiga ka gaarayo afarta iyo barka galabnimo, marka laga reebo waqtiyada salaadad ku aadan oo maqaayada albaabada loo laabayay.

Waxaa la gaaray afarti iyo barki galabnimo ,Daahir wuxuu mar kale soo wacay Muraad ,waxaana nasiib wanaag ka qabtay Muraad ,waa la isbariidiyay ,waa la  iswareystay, keddibna  Daahir wuxuu Murad u sheegay in uu taagan yahay afka hore ee waddada laga soo galo magaalada Riyaadh kolki laga yimaado magaalada Jeddah, Muraad wuxuu Daahir ku yiri “Walaal waa loo bogay haddii aad na soo gaartay  ee waxaad yeeshaa tagsi halkaa ka soo qaado, waxaadna ku tiraa I geey hoteelka Xayaat Regency hortiisa”  ,laakin Daahir wuxuu ugu jawaabay ‘Murad ,”walaal waxaan wataa gaari aan aniga leeyahay “.

 Murad ayaa kolkaas ku yiri “sidaas haddii ay arrinta tahay, waxaad yeeshaa ,waddada aad joogto hore ugu soo soco, bartanka magaalada ilaa iyo toban kilo kolki aad socoto, joogso ,keddibna halka aad joogsato dadka aad ku aragto, weydii, xaafada aad joogsatay magaceeda iyo haddi ay meeshaas ku taal meel caan ah oo lagu aqoonsado xaafadaas ,kolki laguu sheego xaafada aad dhaxtaagan tahay, mar kale  i soo wac ,aniga ayaa kuugu imaanayo halkaada”.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN