Maansada Gablan waxa curiyey Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha). waxay jawaab u aheyd maansadii Gurbood ee dhawaan ay tirisey hal-abuurad Hodan Sheekh Cumar. Hodan waxay ka wareysatay Ibraahiim xaalka waddanku halka marayo, in laga gudbay abaarihii iyo in kale iyo arrimo kaloo dhowr ah. Ibraahim oo ka jawaabaaya wadar su’aalo ah oo lagu weydiiyey maansada Gurbood, ayaa wuxu aragtidiisa ku cabbirayaa marxaladda haddeer lagu jiro, isagoo karbuun ku ifinaaya meelo mudan in laga warramo.
HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA MAANSADA GABLAN
maansadu waxay leedahay:
- Wax dhan baan ga’leydiyo
- Suugaan ka gaabsaday,
- Anigoonan gaasirin
- Oon gabagabeyn baa
- Maankuba gabooboo
- Sida neef gibbaanaa
- Dhowr gu’ iyo jiilaal
- Waan gaaggaxaayoo
- Godlan waayey tixihii
- Aan gole ka fuulkiyo
- Geedaha ka tirin jirey.
- Ha yeeshee gufaaciyo
- Neecaawda goonyaha
- Iga soo galeeysaay
- Soow gabayadeydiyo
- Geeraarradii hore
- Aawgiin ma gocanoo
- Gunjis leyma tuminoo
- Wilisaqiyo gadadoow
- Goobaha kumaan xiran?
- Marka xiga anoon gabin
- Gedda leysku sooriyo
- Kal-gaceyl walaalnimo
- Salaantaada gaarkaa
- Hodaneey guddoon wacan.
- Ga’da kale waxaan iri,
- Maansadaada guunkee
- Gurbood aad laheydee
- Aad igu godeysee
- Guuxeedu weeynaa
- Ee garaaddadeenniyo
- Guurtidu la yaabtee
- Guud ahaan asaageen
- Afka gacanta saareen
- Waxad uga gol leedahay
- Aan kula gorfeeyee
- Gobaadeey sidee tahay?
- Marka xigana aan galo
- Jiiftada garteediyo
- Murti ila gudbooneyd
- Oo gaawe loo culay.
- In kastoo gawaan iyo
- Gubad lagu tilmaamoo
- Gunta ceelasheenniyo
- Wareheenna gabigood
- Guran ay ahaayeen
- Oo galbeedka iyo bari
- Gobollada waqooyiyo
- Gunta koonfureed iyo
- Bartamahana gaajiyo
- Harraad loogu go’ayoo
- Dadka geeri aawgeed
- Gabaxdii bannaaneyd
- Godad looga faagoo
- Geel iyo lo’ iyo ari
- Ay dabar go’eenoo
- Fara-guutadii shalay
- Gacalkuba ku deeqeen
- Ay gabaabsi tahayoo
- Gacan Eebbe mooyee
- Gurmad iyo gargaar kale
- Rajadooda leys gelin,
- Gallad Eebbe baa timi
- Gees-ka-geesba dhibic iyo
- Gayigii mir baa heshay
- Ma qayoon Gudgudihii
- Gugacuna ma joogsado.
- Boqol iyo barked gelin
- konton maqan u sii gee
- Afar kale ku geedaan
- Gabdhonkii la sugayiyo
- Geel-doojihii da’ay
- Gal uu buuxshay lama arag,
- Waa guran baraaguhu.
- Talo aan gef laga jirin
- Guul sooma hooysee
- Rag gureedka aqalkiyo
- Geedaha ku shaxi jirey
- Markii ay gubtaanyada
- Kaba gaabsan waayeen
- Soow golongol aawgii
- Halla guuro meey oran.
- Wax ka giigay maan maqal
- Inkastoo gambooleey
- Iyo kuray is gaabiyey
- Ay gunuunucaayeen.
- Sahan gaari loo waday
- Guclo aan dhammaaneyn
- Keyn sumeysan lagu gaar
- Dibna looga soo guray.
- Awrtii la goobee
- Gaxash iyo dureemiyo
- Geed daaqle waaysee
- Tugsaneyd gelgelimaha
- Gudcur baa rarayaa
- Guuraha habeenkii
- Ayuun baa la guuraa.
- Geeddiga hayaankee
- Goowskiyo faruurtaba
- Gunta xarig la soohiyo
- Dacay Lagu galaamee
- Garre iyo guntiiniyo
- Gaagurre walaalo ah
- Seyntada gadaaliyo
- Garka ay ka haayaan,
- gibilxeerka dheeriyo
- Heeryada la giijiyiyo
- Heegadii galoolneyd,
- Haamaha is garab yaal
- Gadoontiyo magaaddii
- Gacalooy lagama dhigin!
- Goortii la furi laa
- Goobtii la degi laa
- Garan waayey aniguye
- Halka gaafka lala rabo
- Go’aan baa hagaayee
- Guutada wax sheegtiyo
- Hal-abuurka gooshkaan
- Garta aan u daayee
- Gar-wadeenku waa kuma?
- Wax kaloo i gubay baan
- Gaar kuugu sheegiye
- Soomaali gaarsii.
- Xalay baan gariiroo
- Wax gurguuranaayaa
- Gogosheyda yimidoo
- Anigiyo go’eeygii
- Isku kaaya gunudoo
- ii geeyey duul kale.
- Dadkii joogay goobtaa
- Indho guluc leh mooyee
- Gafuurkooda mey furin
- Ha yeeshee gidaarrada
- Galaw baa safnaayoo
- Guuroow i deeqsii.
- Guumeyska yeeriyo
- Guugguule wuxu yiri
- Gowrac baad maqleysaa
- Geeriyoo nin kuu maqan
- Galab aan la moogeyn
- Dadku weey gablamayaan.
- Warkan maanka geli waa
- Eey igu guraayeen
- Ma gammuun sokeeyaa?
- Ma gummaad shisheeyaa?
- Mise gooddis weeyiyo
- Guux beena oon jirin?
- Wax la yiri gobaadey
- Taladiyo go’aankaba
- Mar ad gaari weeydiyo
- Mar ad garanba weeyee
- Xaajadan gas iga tiri
- Gareen iyo bashiir iyo
- Warsamiyo galleyr iyo
- Guud ahaan abwaanniyo
- Aan u daayo Gaargaar.