Geeraar: Calan Yahow Rag U Hoobtay!
Geeraarrkan “Calan yahow Rag U Hoobtay” waxa aan curiyey bishii Juun 26-keedii, sanadkii 2016. Maalmaha xorriyadda ayaa aan ugu talogalay in aan uga qeybgalo kuna muujiyo dareenkeyga ku aaddan marxaladihii uu soo maray calanankeygu iyo haddeer sida uu yahay. Geeraarku waxa uu ku billaabmayaa sida tan:-
- Hiimammow dadku jiifo
- Anigoo hurdi waayey
- Hadba gees u gaddooma
- Maxaan heeso ku raagay
- Maskaxdeyda ka hoorshay
- Dhan walbaan ka hagaajay
- Bal maxaan halladaado
- Iyo huurka ka dhowray
- oo habeenkan la joogo
- Sida loox u higgaadshay
- Calanyahow rag u hoobtay
- Holganaantu ku taallo
- Muxuu Dhows ku Hagraaya
- Hamboraaca daneeysta
- Heybaddaada ka doortay
- Gunno heyr lala tuuray
- Calanyahow rag u hoobtay
- Dad kalaan ku hureyne
- Muxuu geesi halyeeya
- Hanfigeeda adduunyo
- Harsi kaaga dhax waabay
- Oo halaadi ku faanay
- Heybtiyo magacaaga
- Calanyahow rag u hoobtay
- Imisaa ku haruuftay
- Midabkaaga halaagtay
- Muunaddaada halleysay
- Hurdi gaalo walaaqday
- Hurre riinji la moodo
- Kugu jiidday Hawaarro
- Calanyahow rag u hoobtay
- Kolkad heegada fuusho
- Hawadaa la ciyaarto
- Sida hooyo la ciilay
- Ubadkii laga haysto
- Ama wiil ka habaabay
- Hiqhiqlaynta ma daayo
- Midka jooga hareerta
- Hiilladaada u taagan
- Hadya jeer ku ilaalsha
- Calanyahow rag u hoobtay
- Hiiradii lagu taagay
- Markey howshu timaado
- Sida hooballo caana
- Hiddeheenna ciyaara
- Imisaa hirwo boodday
- Hooyaalada gabayga
- Iyagoon haghagleynin
- Hadyad kuugu luqeeyay
- Halgankii wadankeenna
- Innagoonan halmaamin
- Horintii na xoreeysay
- Waqdhis baan u hibeyne
- Halla soo hambariiro
- Inta aysan harraadin
- Halhaleel ku aroorsha
- Hashu yeynan sannaarin
- Hoobaaleeyda geeraarka
- Haro aan ka dhuraayey
- Duco aan ku harqaamo
- Qarni haaday mid jooga
- Calankaan hergeleynay
- Milgahaan huwaneynay
- Rabboow hoog ka ilaali
- Hoobaaleyda geeraarka
- Haro aan ka dhuraayey
- Habaar aan ku idleeyo
- Kuwa soo hardamaaya
- Hadba gees ka rifaaya
- Rabbiyoow qaw holceysa
- Ama naar ku hagaaji.