2.4 Afafka bahda Chadic
Afafka loo yaqaan Chadic ayaa ah afaf ka kooban boqol iyo soddon iyo afar (134) kana mid ah bahweynta afeed ee Xemitic-Semitig (Afro-Asiatic). Afafkan ayaa lagaga hadlaa dhulka baaxadda weyn leh ee u dhexeeya lamadegaanka Waqooyiga Afrika ilaa dhulka loo yaqaan Safaanaha ee dhaca Galbeedka Suudaan. Dhulkan oo loo yaqaan Saaxil ayaa ah dhul ku teedsan xeebaha badweynta Atlaantikada iyo Badda Cas. Dalalka lagaga hadlo bahdan Chadic ayaa laga xusi karaa Koonfurta dalka Niger, Waqooyiga Nayjeeriya, Koonfurta Chad, dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Waqooyiga dalka Kameroon. Dadka ugu badan ee bahda Chadica ku hadlaa waa dadka ku hadla afka Xawsaha kana mid ah bahdan, waana af ay wada fahmaan dadka ku dhaqan mandiqadda Galbeedka Afrika, dadka ku hadla afka Xawsaha waa Muslimiinta mandiqaddaas, afar (400) boqol oo sano ayuuna u ahaa af ay adeegsan jireen todobadii saldano ee Xawsaha: Daura, Kano, Katsina, Zaria (Zazzau), Gobir, Rano iyo Biram (Hadejia). Bahda Chadica ayaa la rumaysan yahay in ay ku hadlaan dad gaaraya shan iyo soddon (35) malyuun waxaana isku af-garta dad iyana gaaraya kow iyo afartan (41) malyuun oo ku dhaqan dhulalka Galbeedka Afrika loo yaqaan.
Sida shaxda hoose ee abtirsiinyaha aad ku aragtaamba, khabiirka la yiraahdo Paul Newman oo ah af-yaqaan u dhashay dalka Maraykanka, ahna khabiir ku takhasusay bahdan Chadic ayaa u kala saarayaa bahdan afar (4) qaybood ama waaxood waxa ayna kala yihiin:
- Chadica Galbeed, una sii qaybsama laba farac, ka lana ah: Xawsa kana kooban afafka la kala yiraahdo:
- Rone,
- Boole iyo afka Angaska loo yaqaan.
Qaybta kale ayaa la yiraahdaa Bade oo isna u sii kala baxda
- Warji iyo afka Saarka loo yaqaan.
Biu Mandara oo ka mid ah bahda Chadica ayaa isna u sii kala baxa saddex (3) waaxood, ka lana ah Bura, una sii kala jajaba,
- Kamwe iyo afka loo yaqaan Bata iyo qaar kale.
Qaybta labaad ee afka Biu Mandaraha waxa ka mid ah afka
- Badumaha iyo Musguga la yiraahdo.
Qaybta saddexaadna waa afka loo yaqaan Gidaarka.
Chadica Bari ayaa isna ah mid u sii kala jajaba laba qaybood oo la kala yiraahdo
- Tumaak oo ka kooban afafka Nancera iyo Kera, iyo qaybta labaad oo iyana la yiraahdo
Bangeleat, una sii kala baxda afafka
- Mukulu iyo Sokoro
Qaybta ugu dambaysa bahda Chadica ayaa iyana la yiraahdaa Masa.[1] Sida uu tilmaamayo Cruciani, F. Trombetta oo ah khabiir u dhashay dalka Talyaaniga, kuna takhasusay cilmiga afafka iyo raadadka qadiimka ah (archeology) gaarahaan, bahdan Chadic ayaa rumaysan in afkani asal-ahaan lagaga hadli jiray dalka maanta loo yaqaan Kameroon, muddo laga joogo todoba (7000) kun oo sano ka hor waxa uuna noqday mid ku sii faafa Saxaraha kore ee Galbeedka iyo Waqooyiga qaaradda Afrika.[2]
Shax afeedkani waa mid tilmaamaya afafka uu ka kooban yahay bahda Chadicu (Wikipedia).
Khariidadani waa mid na tusaysaa aagagga lagaga hadlo afka Chadica ee Galbeedka Afrika iyo qaybo ka mid ah Afrikada Dhexe (Wikipedia).
[1]Newman, Paul (1977) ‘Chadic classification and reconstructions.’ Afroasiatic Linguistics
[2]Cruciani, F; Trombetta, B; Sellitto, D; Massaia, A; Destro-Bisol, G; Watson, E; Beraud Colomb, E; Dugoujon, JM; Moral, P; Scozzari, R (2010).
W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)