Haddii aan ku billaabo Laashin Carabow Maxammad Axmed Gaduud, shiribyadiisa shirib ka mid ah, wuxuu ku shirbay:
“Daba dhilif haddaad disheen
Dadkiisi waa tihiin dalkaan,
Wuxuu ahaa shirib nikax ama afmeer u ah Gabay aad u dheer oo wada miid ah, sidaan hore u soo sheegana shirib kasta oo abwaanka kiisaa waxaa ka horreya gabay ama guurow oo shiribku mar kasta wuxuu u ahaa dhameystir, wuxuuna tusaaleeyay: haddii aad is ka dhiciseen oo aad la dagaasheen, daba dhilifada waxaad qirteen dalkaan inaad idinku leedihiin!”
“Qarash amxaarya quud yuhuud
Qaran kuma dhismee ka qaad”
Shiribkaanuna waa sida kii ka horreyay oo waa afmeer gabayow u tirayay hoggaamiya kooxeedyadii qaabaa’illada ee loo yiqiin, Qab-qabla yaashii dagaalka ahaana nimankii waddanku u kala suntanaa oo qad cagaarani u kala yiil, wuxuuna leeyahay: nimanyow tuugsi Amxaaro, iyo quud ama qarash ay idin siiyeen Yuhuud iyo asaaggood qaran kuma dhismayo, waa idinka Amxaarada u kala dhuumanayaa si aad hub uga soo qaadataan kaddibna aad isugu gumaaddaan, ee hoggaamiyayaal xishoonaya oo dantooda yaqaan noqda halkii aad u badkiinna u beeri laheydeen dhigaal aanay u aayi doonin, ee dhulkiinna barwaaqada ah ku kalsoonaada is kana daaya tuugsiga Axmaarada iyo Yuhuudda!”
“Waa goynay geedi tiimahaay
Guulaanna gaarnay guul u weyn!”
Shiribkaan asiguna wuxuu afmeer u ahaa gabay aad u macaan oo uu uga gabyay doorashadii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, oo uu markaa is lahaa waddanku hadda ayuu naq u baxayaa, iyo doog, oo dowlad loo dhan yahahay ayaa u dhalatay, la moodse noqon weyday, oo mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan Booy waxaa labada lug iyo labada gacanood iyo calooshaya dhabarkaba uga dhegay oo uu ka dhaqaaqi waayay kuwii dad u xigay, ee Hawiye, iyo ilma adeerradiis Hiraab oo afka gacanta ka saaray, hammiigii dowladnimo iyo hana qaadkii qaran ee rejadii abwaankana sidaas ayey ku baa ba’day,
“Dameera hogo Roob hortii
Yaa hey jiroo horoo yiqiin?”
Wuxuu ahaa shirib su’aal ah oo uu laashin Carabow weydiiyay dhowr laashin oo xilligaa goobta kula jirtay, waana shirib xifaaltan siyaasadeed ah oo mal dahan, “Dameera hogo” waxaa la yiraahdaa: xasharaad yar yar oo baalallay ah, soona yaaca xilliga roobku da’o ee loo yaqaan naq raaca ama aaranka, ee diraaca ah gobollada Soomaaliyeed haba ku kal duwanaadaan adeegsiga erayada’e Dameer hogoha uu laashinku sheegayo wuxuu la bah yahay “Doorshaanka ama xaar walwaalka” laakin aad ayuu uga yar-yar yahay, gobollada qaarna waxaa la dhahaa: “Usaay” sidaa aawgeed waa is ku wada bah waxayna soo daataan xilliga aan kor kusoo xusay, markaasna meel kasta oo bannaan ayeey ku dhacayaan sida dheryaha, weelasha, iyo agab kasta ee aan dabool kore saarneyn. Waxaase uga jawaabay ama la fahmay sheekada, Abwaan Shidane Xuseen Bayr, (AUN). oo indheer garad ahaa aadna u yaqiin hab dhaca shiribka iyo gebi ahaanba suugaanta kale ee Soomaaliyeed, maadaama shiribku siyaasad ahaana wuxuu la fahmay halka abwaan Carabow shiiska saarayo wuxuuna ugu jawaabay:
“Hiiq dheer ilmeey u hoog tehee
Hanti dad leeyehey heleen”
Hiiq dheer waa cudur halis ah oo inta badan ilmaha ku dhaca, qufac iyo qandho aad u daranna ku rida, ilaa ayba u dhintaan, dadka heer miigga ah ee dhulka aan Isbitaallada lahayn ku noolna waxay sheegaan in lagu daweeyo Shimribta loo yaqaan “Humburuqda” haba la isku caayo’e oo hadda ka hor ayaa lays kula shirbay, nin ayaa “Hiiq-dheer” ilmaha ugu dhacday, markaas ayow “Humburuq” inta dabin u dhigay oo u qalay ayey u reysteen Carruurtii, markii ay xoogaa waqti ah kasoo wareegtay ayaa waxaa laysugu yimid goob shirib beeluhuna mar kasta xifaaltan iyo is xod-xodasho ayaa ka dhaxeysa oo waa isu faanaan ama waa is caayaan ee waxaa dhacday in qoladii ninku dhashay maahane qoladi kale ee la shirbeysay ee ku dheheen horta heer hebelow! Sannadkaan:
Humburuq ma hilbeysateen?”
Maka daba hinfiicsateen?”
“Lamaan kala hadal yareyn
Haaheey kuma kala heraan”
Laashinku wuxuu leeyahay laba qofood haddii ay garramayaan anneyan kala hadal yareyn macnaha kala aftahan saneyn sahal laguma ka la reebi karo, oo ka la ma harayaan!’ Waxaase labada laashin shirib ku duray laashin Xasan Calasow Fareey (Xasan Muran, AUN). oo yiri:
Hammiintaad hoos ka leedihiin
Inti la haayo waa herteen”
intaad idin ku is heysateen dadkii kale waa ka herteen ayuu leeyahay wuxuuna u sarbeebayaa horta inay iyagu soo heshiin, macnaha dadkooda soo heshiisiiyaan ka dibna ay ummadda guud wax la qeyb sadaan, haddii kale ay eedda cid ladaa is ka daayaan. waxaase shirib guubaabo ah kusoo tuuray Laashin Caddow Bidixeey(A.U.N.). maadaama meeshu aheyd gole la wada joogo oo loo dhan yahay gaar ahaan afmaasha Muddullood, wuxuuna ku shirbay:
“Ninkaan adoo hurdaa hamaa
Haqaagi xaad ku heystaa?”
wuxuu ku guubaabiyay waaba laydin dhacay oo xaqiinnii nin kale ayaa is ka cunaya idinka oo soo jeeda, macnaha nool asaaggiinna idin ka oo hurda ayeey hamiyaan, fikirayaan idinkuna marka aad soo jeeddaan ayaadan fikir iyo ficil toona laheyn ee ma is la keeni kareysaan? Sidaa aawgeed haqbaa iga maqan ha is ku maaweelina ee isu caddaalad fala. waxaana shirib waano ah kusoo tuuray: laashin Shidane Xuseen Bayr (A.U.N.). Oo yiri:
“Halkaanya yurub howsha taal
Waxaad isugu hiillisiin”
Wuxuu yiri: garbaha iyo gacmaha is qabsada meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan, ujeedaduna waxay tahay markaad idin ku heshiisaan ayaad ummad heshiisii kartaan. Waxaa ku soo laabtay, laashin Xasan Muran (A.U.N.). Oo shirib ku sheegayaa inaan dadku isku ra’yi noqoneyn ama aanay is ku si wax u arkeyn oo ay kaaf iyo kala dheeri yihiin waana sida Eebbehay u abuuray Aadanaha oo marna isku si’ wax uma arkaan, wuxuuna ku shirbay:
“Halna hiraabtiyow socdaa
Halna haqiisiyow rabaa”
Waxaan kusoo geba-gebeynaa qoraalkaan kooban anoo qeybaha ku xiga uga hadli doona, Shiribyada laashin Caraboow Maxammad Axmed haddii Eebbe idmo, maadaama ay tirada ka bateen, gabay iyo shirib is la socda. gabaga magiisa waxaa la yiraahdaa: “Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhiman” waana gabay aad u dhumuc weyn oo masxax waddani oo qaran u hammuun qabta ka soo cilfaafay, waxaadna uga bogan doontaa farshaxan iyo miro cajiib ah, wuxuuna ku billaabay:
1. Indhaweydba dhaaraanki gabay meel ayaan dhigaye
2. Dhugmadeyda kuma heyninoo talo dhanaanaatay
3. Dheelligi sidow reer u galay dhoonta maan rarine
4. Maxaa yeelay dhiirraabataa dhiiggi naga dhuuqay
5. Asay shacabki wada dheeli jiray kala dhantaaleene
6. Nimankii dhaqaatiir dilee Olombikuu dhaartay
7. Iyagoo quddood baas ku dhigay ruuxi lagu dhaafshay
8. Ma dhowraan Abwaankuu dhashaya dhaqanya Suugaane
9. Rabbigay shimbira dhowrayeey dhagaxi heystaane
10. Ee dhaawac iyo meydka dhigay dheefna uga doonay
11. Sannadyadi na dhaafey bulshada dhabar wareemeene
12. Asey wali dhallaankiya dileen Hooyo dhaqan weyne
13. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhimane.
14. Dhar gal iyo Dhilmaanyiyo Dhilqaya Dhuudhi iyo Booddo
15. Dad hadday ku dhoobtaane waa dhaqan wareeryaahe
16. Dhallinton tacliin maalin dhigan sharaftanaan dhowrin
17. Dhidibkeeda Soomaaliweyn dhuux ku kala kaaye
18. Qarnigaan dhamaadaya midkaan dhalasha kow jooga
19. Inow Eebbehey nooga dhigo taan u dhiganeynay
20. Inta wada dhaqaaqdaan hal ruux tala halloo dhiibo
21. Dhugma laaway kheyr male illeyn wayska dhalayaahe
22. Iyagaa na dhaamoo hadbana naga dhabiil roone
23. Haddaan dowlad loo wada dhan yahay dhagaxa loo duugin
24. Dhaaraankanaan loo xirxiran Diin ku dhaqankeenna
25. Dhamaa maa dhac iyo boobku ee dhabarka xoogeysta
26. Dheg-weyn nimadu waa waxa ficiin idinku dhaafeene
27. Dhoorrihi Talyaaniga markaan dhebay ku raacdeynay
28. Calankeenna dheel laguma helin dhiigna lagu daadi
29. Ingiriisna nama dhowrinee seefahaa dhibaye
30. Nimanyow intaan sharafku dhumin oon la kala dhuuman
31. Isu dhiiba xaajada khilaaf waa wixii dhacaye
32. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhimanee.
33. Afartaa dhameeyaye markaan dhinac kaluu leexdo
34. Anoon dhidibka suugaanta jeben oon dhan uga beyrin
35. Dhayl iyo Salaad maalintii geedki lagu dhaaday
36. Ceeynaanshana la gaar dhigay annaan dhadigi taagneyn
37. Ee dhoombir iyo faal cagool dhararacdood yeertay
38. Dheg ka faarkinow nagu dhecee dhididku hooreeyay
39. Asaan ruux ka dhiidhiyay la arag taa dheg xumadeeda
40. Ee waliba dhaantaya durbaan lays la wada dhaafay
41. Dharka ceebta waa taan xirreyn dhal iyo waayeele
42. Shacabkoo dhufaagane qalbiga dhoobo laga saaray
43. Nimankiisu dhaartaye haddana dhiiggi wada daadshay
44. Inay iyagi dhaa-dhaan noqdaan sow dheg xumo maahan
45. Dhulka aabbaheyn nooga tegay dhaxashi sow maahan
46. Shalay gaalki laga dhuufiyow sow dhab dhoho maahan
47. Dhuxushaya dhaqaalaha badduna sow ka dhereg maahan
48. Iyagaa is dhiibaye ku dhici dheriga sow maahan
49. Nimanyow intaan sharafku dhumin oon la kala dhuuman
50. Isu dhiiba xaajada khilaaf waa wixii dhacaye
51. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhimanee.
52. Ha yeeshee habiinkoo dhas yiri ow dhex yahay leylku
53. Anoy weeso ii dhowran tahay dhabuna ii taallo
54. Dhambaalaa mid ii keenay aan dhaydu garanayne
55. Waxaan iri: ninkaan soo dhocow hadalka ii dhiib bal
56. Wuxuu yiri: dhammaad iyo billaaw dhega maqluu yeelo
57. Waxaan iri: waxaad dhaaggan tahay waan dhursugayaahe
58. Dhulkana yow iiga dhicin dhiiqo iyo Ciide
59. Wuxuu yiri: hoggaan dhowrsanaa haatan dhalanaaya
60. Waxaan iri: dhankow naga xigaa, wow dhib toonnahaye
61. Wuxuu yiri: dhulkaan suubbanow dhinac ka joogyaa’e
62. Waxaan iri: dhabbaha nooradaan anunna dhowreynay
63. Wuxuu yiri: wasiirkaan dhexaa dhaxal u gaaraaya
64. Waxaan iri: Ilaahay ha dhoho dhiibiyaan nahaye
65. Wuxuu yiri: mar waa laga dhergaa Dheylo iyo Caano
66. Waxaan iri: Rabbiga loo dhurtoo dhooba naga uumay
67. Ee dhiig dhacaan lehe dhiggane dhogorna noo yeelay
68. Asigaa dhamays tiri karee taa ha dhigo meel san
69. Kuwi naga dhintana Eebbehey how dembiya dhaafo
70. Annaguna fidnadi nagu dhacdaan wali dhuteynaahe
71. Wax oonoon dhahaba Eebbeheyow ha kala dhaafin
72. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhimane.
73. Afartaas intiis reeda dhigay dhabaha mow daadshay
74. Dhafan dhaaf war looga hadlee dhaay ma ka caddeeyay
75. Dhegataagya dhoodaan iyo dheelli tire Raage
76. Dharbaaxyadi Carees Ciise iyo dhibacyadii Kaarshe
77. Ilaa Seydki laga soo dhacaya dhuuxi oday Guure
78. Shuuriye ma dhaafaayo waa dhidibki weynaaye
79. Abwaannadii dhammaantood murtida dhaxal Alluu siiyay
80. Sideey dhihi jireenoonan dhimin hadalka muu dhiibay
81. Dhukaan Geela wow daran yahaya dhugata leysaaye
82. Iyadoo walaalkaa dhib qabo dhiibina u taallo
83. Lays kama dhaqaaqee asaa laga war dhowraahe
84. Dhumacyada sawaariiqda iyo dhiigga qubanaaya
85. Dhaartaya dagaalkaya kolyoon dhootadaya faanka
86. Is ka dhaafa Soomaaliyeey dhiidhiyeey tahaye
87. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhinanee.
88. Dhaqankaya dhawaaqaya dhashaya dhiigga iyo Diinta
89. Iyo Calanka dhaystaahu way naga dhexeeyaane
90. Dhirta yaan la jarin waa arlada dhaxal galkeediiye
91. Ugaadhana midkii dhoofihaa dhagax ku raacdeeya
92. Dheddigooga xoolaha qofkii dhararso maagaana
93. Dhudhumada ka soo xira dad ways dhogor yaqaannaahe
94. Ilaa jeelka laga soo dhigana sanatar how dhaafin
95. Dhegto waxay na siisaya waxay dhaydu garataaba
96. Dhuun-yaalkow yare haddan dheeha malabkiisa
97. Qarankeyna shey laga dhan yahay oon wax lagu dheefin
98. Rabbi sooma dhigin ee bulshooy yaanan lagu dheelin
99. Alle inow quluubihi is dhimay soo dhan taal celiyo
100. Isu dhiiba xaajada khilaaf waa wixii dhacaye
101. Dhulkaanaan gariirine ma jiro hoog kaloo dhimanee!”
Gabagaas qiimaha badan Abwaanku wuxuu ku afxiray, shirib aan ka qiima yareyn dhinacna ula jeeda oo aan arrin ka gooniya tilmaameyn abwaankuna gabaga wuxuu tiriyay: dhamaadka qarnigii labaatanaad ee ina dhaafay, mar uu ka hadlaayana waxaa uu yiri: waxaa soo dhaweyd ama lagu howlanaa in la dhigo gogol Soomaaliyeed, waddanka Jabuuti ee aan isirka iyo faraca Soomaalinimo wadaagno, waana tii mudda kaddib lagu soo doortay mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan Booy, Abwaan Carabowna wuxuu sheegay inow xilligaas ummadda u sheegayay inay gacmaha is qabsadaan, maadaama wax kasta oo xumaan ihi ay dheceen, markaana shacabka Soomaaliyeed uu cabasho joogay, oo ay ka baqayeen in dhul gariir ama ciqaab Eebbe ku dhacdo dembiyada ay falayaan iyo dhiigga ay daadinayaan dartiis, shiribkii nikaxa ahaayna wuxuu u dhacay sida tan:
“Ilaahow duul dhameys tiroon
Dhib noo naqeyn wax noogu dhiib!’
Waa duco Abwaan waa Eebbe tuug laashin, waa gunaanad alle bari ah, waana wax lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ee Islaannimada ku dhashay kuna barbaaray, inay rabbigood u laabtaan haddii xaalku ku adkaado, walina geedkeedii ayey ku taallaa oo shiribkaas abwaanku lahaa labaatan sano ka hor wali waa sidiisii ee Ilaahow duul kheyr qaba hoggaanka noogu dhiib, oo aan dhib noo sii naqeyn, weynu daalnaye.
Intaas ayaana kusoo koobayaa ee la soco qeybta xigta oo aan is la Laashin Carabow Shiribyadiisa kusoo qaadan doono, haddii Eebbe ii saamoxo!”
W/Q/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”