Haddaan sii amba qaadno qormadii taxanaha noo aheyd ee “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” tii hore waxaan kusoo qaadannay Abwaan Carabow Maxammad Axmed iyo murtidiisa maan tooxiyaha ah, gaar ahaan Shiribyadiisa dadku ay ku hal qabsaan, ee miidda wada ah. maadaama aan qoraal iyo qoraallo kooban lagu dhameyn karin oo ay tahay in buugaag laga qoro, shiribyadiisa uu tirinayay, waqti ku dhaw toddobaatan sano. Waxaanse ka soo qaadanayaa in yar oo aan soo koobi doono maadaama aanay noo saamaxeyn inaan halkaan ku wada qorno.
Haddii aan ku billaabo Laashin Carabow Maxammad Axmed Gaduud, shiribyadiisa shirib ka mid ah, oo ah shirib isku cadfan macnaha seddax seddax dul saaran oo is fasiriya, isna xoojinaysa, wuxuu ku shirbay:
Seddax walxaato miin ku taal
Seddax kaleeto waa la maag
Waxaana loo la maagayaa
Seddax kaleeto miin ku taal
Maqaar kaneeco leedohoo
Masalle naqday waa la maag
Waxaana loo la maagayaa
Waa middii majuhuu yareyd.
Mallaay biya ka maatayoo
Qoyaan ka maarmay waa la maag
Waxaana loo la maagayaa
Waa kii ku miir ba’aayay meel.
Mukay ku yaalla maanyadoo
Marti hergelshay waa la maag
Waxaana loo la maagayaa
Mahaan laga maleysaheyn.
“Afmeer”
“Mahdi minowsan mowd aheyn
Miiskaanu milkiyaabi maa”
Waa shirib aan caadi aheyn oo tilmaamaya wax aan dhici karin marna, wuxuuna ku billaay inaan maqaar Kaneeco marna uusan noqoneyn masalle, ama aanu u dhigmeyn ballac iyo dherirba, horana aan loo arag haddananaan la maleynayn in la arko, kan labaadna waxaa uu ku yiri; laashin Malaay biya diiday ee ciidda ku socda biyana aan loo dhaweyn karin waa wax aan dhicin haddana aan dhici doonin. Kan u dambeeyana waxaa uu leeyahay: geed Mukay ah oo Badda afkeeda ama xeebta ku yaal ee dad socota ah ay ku nasteen, macnaha ku hergeleen, oo ay hooskiisa ku qabowsadeen, waa waxaan hore u dhicin haddana aan la sugeyn, ayuu leeyahay, laashinku maxaa yeelay Mukay geedka la yiraa wuxuu caan ku yahay Jiinka webi, inta badanna xeebaha badda laguma arko geedaha waaweyn ee hooska leh oo dadka iyo duunyadaba anfaca, marka laga reebo kuwa lagu beero gacmaha bili aadamka, iyagana waxaa u badan geedaha la yiraahdo, geed “Qumbaha iyo geed Timirka” meelaha qaarna waa laga yaabaa in lagu tallaalo geedka la yiraa: Showri, sidaa aawgeed, abwaanku wuxuu sarbeebayaa wuxuu markaa quud darreynayay, wuxuuna noo sheegayaa inaan marna la gaareyn wixii aan macquul aheyn marka hore ee tillaabta aad qaadeyso waa inaad hubsataa, wuxuuna farta ugu fiiqayay Madaxweyne Cali Mahdi oo maalintaas xaadir ku ahaa madasha lagu shirbayay. Shiribka afmeerka ahna laashin kale ayaa u saaray, waana xeelad bannaan markii laashinku dhowr shirib sheego in shiribka nikaxa ah laashin kale oo garabkiisa taagani uu qaato!’
“Martida maaliggaa ka roon
Dummaal maseyrtay waa la maag”
Shiribkaanu waa dedan asiguna sidii kuwii hore oo qola ayaa lagu duqeynayaa, waana shirib farshaxamaysan, oo tilmaan heer sarreysa dhiibaya, wuxuuna leeyahay: martidi kuugu timid makaankaagi ee kuu faaneysa oo ku leh anigaa kaa roon kaa wacan iyo dumaal maseyrtay, oo markii hore walaalka ilma u dhashay, ama si uun aad qaraabo u aheydeen ilmaheeda haddii aad ku heshiisiinn inaydaan keenin ilmo kala kaan ah macnaha kala qabiil ah si aad isugu dhowrataan ubadkiinna haddii ay kaa maseyrto waa la yaab! waana dhacdooyin dhaca laakin aan joogto aheyn”
“Muqdishaan maal ku doorsahaa
Saa Muuse loo marsii rabaa”
Shiribkaanna wuxuu ku taageerayay Muuse Suudi oo markaa ahaa hoggaamiye dagaal, una dagaallamay difaacidda Muqdisho, iyo dadkeeda maadaama asalkeeda ay leeyihiin dadka uu ka dhashay, sida uu asiguba yiri: mar uu warbin dhiibayay waxaan ahaay hoggaamiye difaac, ee hoggaamiye dagaal ma aheyn, sidaa aawgeed laashinku wuxuu yiri: Muqdisho ayaan lacag iyo maal ku gadanaa saa Muuse loogu sheegi rabaa, waana shirib taageero ah, laakin murtida waxaa loo meeleeyaa yey moosmin!”
“Muusaa u diiddan mowlecee
Yaan muddulood ka maan yaraan”
Shiribkaanuna waa sida kan aan kor kusoo xusay waxaase uu uga duwan yahay magac dhaw toos ah ayaa ku jira oo wuxuu u digayaa beesha muddullood, oo leeyahay muqdisho Muuse ayaa difaacayee idinkuna ha ka hoos noqonnina, oo dhankiinna ka difaacda, Asal waa ma guuraane!”
“Waxaa nagu wanaagsanaay
Nimaan woxow arkaa la weyn”
Kanna wuxuu ula jeeday laashhinku ninka madaxda u noqonaaya ummad inow yahay nin caddaali ah oo daacadda ku dhaqma lana wada ogyahay waxa uu qabanayo, iyo waxa uu quud darreynayo si aan loogu qarrinbin hoggaamintiisa qalloocan, waxaase uga jawaabay: Laaahin Caddow bidixeey(A.U.N.). oo yiri:
“Wadaadday meelahaas wadaan
Walaayadeediyaan wataa”
wadaadda wuxuu ula jeedaa qaranka Soomaaliyeed wuxuuna leeyahay: dowladu waa shacabkeeda sidaa aawgeed haddii aan shacabkii heysto waxba u tari maayaan inay magaca uun iska sheegtaan iyo madaxweyne ayaan ahay. walaayada uu sheegayo laashinkuna waa shacabka, murtiduna inteeda badan waa sarbeeb qoftii la arkaa aanay fahmi karin, in loo fasiro moogiye!’
“Ma saxno saan gawaan ku taal
Saf muddulloodna waa sidaas”
Shiribkaanuna wuxuu hilaadinayaa, inaan la arkeyn saan gawaan martay, macnaha haddii lagu yiraa raadi qof martay waddo laami ah ama meel dhagaxlay ah miyaad arkeysaa waa maya, sidaas ayuuna ku canaananayaa beesha uu ka dhashay ee muddullood haddii aad xaqiina dhacsa weysiin xaqa islaameed ama dadka kalena aad dhowri weysaan wuxuu yiri: waxaad oon la meel imaanaysaan saan gawaan martay!’ ujeeddo cad.
“Ninki turaabti aabbihiis
Lagu tumaa talooma taal”
Waa shirib waadax ah oo aan daah saarneyn si guudna u ishaarayaa in qof kasta oo dhaxalki aabbihii la la sheegto, raallina ku ah aan wax talo ahi u oollin oo sidii la rabo laga yeelanayo, waa wax xaqiiq ah oo hore loo soo arkay, haddana aan wali dabada ka heyno, oo aynaan sinna uga tanaasulin!”
“Dalkaya dadkabuu dadaal
Diinta islaamkanuu daneey”
Waa shirib dardaaran ah oo aad u qiima badan qof kasta oo xil wadar u haayana saameynaya, wuxuuna kusoo koobay inta muhiimkaa ee laga rabo qofkii usoo banbaxa inow ummad hoggaamiyo ha yaraadaan hase badnaadaano’e waana waajib in ruuxii raba inow hore soo fadhiisto, ow si gaar ah u hir galiyo “Dalka, Dadka iyo Diinta” waana seddaxda tiir ee laashinku uu shiribka kusoo koobay, waxaa kale oo aan kafahmeynaa koobnaanta shiribka iyo awooddiisa tix ahaaneed, inow yahay tuducyo aad u kooban haddana aanay ku dhicin inay qof kastaa curiso, waayo waa hibo Ilaahay baxsho, ee iib iyo iskoolba lagama soo helo. Caddeyna noogu filan iyo qiimaha shiribka in hal tuduc oo gabay ah qaddar aan dhameyn lagu koobay aasaaska dhan ee waddan lagu hoggaamiyo ama tilaama ahaanshiyaha Waddannimo!”
Waxaan kusoo koobayaa qormadaan gaaban gabay uu tiriyay Abwaanku: 1994-tii oo aad u jeeddadiisa ka dhex heli doono. Shirib afarrey ahna ow uga dhigay afmeer, gabaga magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Maya adag” wuxuuna u dhacay sida tan:
Indhaweydba Miinleydi gabay waa i mari weysay
Maansadi mar xaladdaan la rabay maanku qaban waaye
Maxaa yeelay miirraabataa madiya dool beena
Annagoo is maan dhaaf sanoon meel isu la jeedin
Muddullood markay kala noqdeen midowgi suufiyati
Mansabkiisinow qaadayee cadaw mindduu haysto
Muuse Suudi Yalaxow ayaa muuquf ka is taagay
Oo maya huruu yiri shuftadi Geelle magacaabay
Iyadoosa duulaan wax garan marag darreynaayo
Ee maana faystadi xumeed muran la soo jeeddo
Hubki Mooska laga keenayaa minanka soo dhoobtay
Suudina muskiisaan merreyn oy mulkidu tiile
Mahaddaasna Mowlaa is ka leh iyo Macbuudkeyne
Mandeellaha dadkeynuu kacaya madaxda heer Jowhar
Inaan meyd kusoo degin Rabbaan megen geleynaahe
Muftaaxiinno yow jilicsanaan meel walboy tahaba
Maya adag Mareeykaan ayaa hore ku moodeene.
Ha yeeshee majaha Geel ka xiran maanyadiya beerti
Awrkina mir iyo maalin da’ay uga dhex muuqdaahu
Inow miir halkaas ugu hoydaa miinka kuma taale
Maay iyo maxaa tiri kurteed magaca Soomaali
Cid waliba mahay maaggan tahay inay mushaaxdaahe
Muqdishaya mulkidaan leennahay maalka mudan waaye
Mareegney waqooyuu xigtaya miidda Xarardheere
Mahaddaaya Miir tuuganay midig kasoo jeeddo
Matabaan Garuurrana tolkeen uma muraad yeesho
Mudug iyo Majeertiiniyana moodka uma raacno
Balse maagya amankaagga dhacay oo i mari waayay
Madaxweyneheynni dorraad ruuxdi lagu maagay
Oon maara uga weynayee magaci naafeysay
Maqarradi na gaaraa hor wali maashi nagu taale
Iyagoo madluunsane markan maduxu laad-laado
Mansabkaaga ruux beeni raba magacna kaa sheegta
Meeshow maraayo ha maree taladi meel saara
Maya adag Mareekaan ayaa hore ku moodeene.
Afartaa macneeyaye markaan marin kaluu laabto
Maadeysi anigoon ka dhigin miraha Suugaanta
Maasow dad kale leeyahana marag ka sheegeynin
Muddullood Hiraabow mar kale muuji cududdaada
Muusoow adnii maqal kolley maan qabaa tahaye
Adoo Maxammad Dheerana kolyoon yahay mantaangaagi
Hilowlana marsii waa Bulshada madax dhaqmeedkiiye
Caddobow adnii magal kolley waa mas’lo guude
Marti soo habiin dhacay inow minanki kaa saarto
Adnaan moosinkuu tacabto iyo Mooska iyo Liinta
Ogoow duul sidaa maagganaa nala mantaanaahe
Haddaan madaxa koodaa la jarin moodarka tuugga
Waa macasalaamow mudnaan meeshi laga saarye
Middiyeey dad noo sahanayaan maalin iyo leyle
Madaxdeenna qarankaay haddii meydku idin daayo
Masjidkow mixraabkiisa tegay wiil mas’alo sheegtay
Maya adag Mareekaan ayaa hore ku moodeene.
Taasu waa intaan maagganaa madaxdi gaarsiiye
Nimanyohow mandaqaddaan digniin lagama maarmaane
Maantii hore sidaan maqalka qabo oo rag ii mariyay
Maraakiib la soo raacayoo maad kusoo gelaya
Muftigeyni Cadalaa marriid miirka uga qaaday
Waana marin dhibbaad soo maroon la isku maan dhaafin
Masafooyinkow tiri jiroo muujad fara weyna
Maktabyadana lagusoo qoraa meesha nala yaale
Maantana masuul Muuse iyo mudanayaashiisa
Iyo kuwa ku meegaaranaan megen dayeynaahe
Mindhaa haatan duulkaan lohoo Mudug kasoo haaday
Mustaxiilka iyo beento waa maharaddooddiiye
Iyagoon majaha kaa qabsane madaxnimuu taagan
Meeshey mareyso ha martee muuquf sare jooga
Maya adag Mareeykaan ayaa hore ku moodeene.
Nimankaan maryaha dheer lohoo maalka soo raraya
Masaakiinta Soomaaliyeed lagu mixneynaayo
Maddarney usii daran tahaya saadka maha jooga
Maskax iyo hadday leeyihiin muruq wax mowteeya
Mareeykaanka tuuryeynayay miri lahaayeene
Madaxweyne Saaddaamna wow megi lahaayeene
Mushrikiinta shacabkaa ayaan kibir u maageene
Markaasay dad madaxdiisu tahay miiska araggiisa
Oo madaxya dhuudhubanoo murugsanoo liita
Mar waliba usoo diri jireen talo u maarreyne
Iyagoo madaal uun u beeg tahay muraadkoodu
Sida looga maareey lahaay Maafiyada baahday
Marmarooggii Geellaya kuwow marin habaabaayay
Iyagana magoogiya mindhaa waa majaha siibo
maya adag Mareeykaan ayaa hore ku moodeenee.
Halkaas markii uu soo dhigay gabagaas ujeedkiisu ka dhex muuqdo, ayuu wuxuu nikax uga dhigay, Shiribkaan afarreyda ah waana Shirib kaabaya Gabaga aan kor kusoo xusay ee Abwaan Carabow mariyay. waa gabay sarbeeban ah laakin meela kala duwan cabbiraya, adduunkuna waa harka labadiisa gelin, oo marba xilli iyo xaalad ayuu joogaa Abwaankuna sidaa si la mid ah ayuu u cabbiray waayihii xilligaa taagnaa iyo wuxuu ka aaminsanaa haba taageersanaado dhinac gaara’e Shiribkuna wuxuu u dhacay sida tan:
Afar walxaat haddaan maqlaa
Afar keleeto muuqataa,
Markabya doon haddaan maqlaa
Maanyeey maraanu muuqataa,
Masaajid maalinkaan maqlaa
Mu’addinkiisi muuqayaa,
Muranya been haddaan maqlaa
Mudug dadkeedi muuqayaa,
Maxmiyad diid haddaan maqlaa
Uu Muuse Suudi muuqayaa,
“Afmeer”
Ninba mohoow milkuu lahaay
Inow ka muuqayaa macaan,
Haddii la maqli waayana
Maya inaan dhahnay mudneyd!”
Waxa laga yaabaa dadka qaar inay la yaabaan marka ay arkaan shirib laba afmeer leh, laakin waxa naga jaahil bixinaya inaan xeer diidaahu jirin Laashin Caraboow iyo shiribkiisaan afarreyda ah oo labada Shirib ee afmeerkaa leh, wuxuuna ahaa shirib ka dhacay gole loo dhan yahay oo la wada joogo oo boqollaal qofood iyo laashinmiin aad u tira badan ay joogaan haddii uu xeerka jebinaayona Laashin Carabow yac ayaa la dhihi lahaay, waxaase noo cad inaanay waxba ku jabneyn haddii laashinku waqti ama fursad uu u helo inow shirib kale sii bixiyo iyadoon cidna goobta ku heysan, laakin mar walbo waxaa hoggaaminaysa firaaqada, iyo habacsanaanta laashimiinta kale ee kasoo hor jeeda, oo haddii ay il duufaan, fursad la is kama qasaariyo, laashimiinta gole ka fuulka ahina marka ay is kasoo horjeedaan xushmad iyo xeer ayaa kala haga oo laashin walba waa ogyahay kaallinta, ama marka uu booska leeyahay, sidaa aawgeed haddii adoo shirib seddaxlay, ama afarrey ah ama ka sii badan la baxay ee afmeerkiina ku daray, haddii aad hesho kala wareeg aad shirib kale ku la sii bixi karto, waa kuu furan yahay. waxaa kale oo keeni karta in laashimiinta kaasoo horjeeda ee kula jaalka ah ay ku xushmeynayaan xagga da,da ama dhanka wax curinta, ay kaaga haybaysanayaaan, marka dhowr waddo ayaa loo maareyn karaa abwaan CARABOWNA malaha jaaniskaas oo kale ayuu helay xeer diidayaana ma jiro!’
Intaas ayaana kusoo afxirayaa ee la soco qeybaha xiga ee Laashin Caraboow Maxammad Axmad oo aan wali noo dhamaan, haddii Eebbe idmo!”
W/Q/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”