Musalsalladda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Qoyska Q1AAD
Warbaahinta Casriga ayaan shaki ku jirrin inay saameyn ku yeelatay nolosha iyo asluubka Aadanaha hab wanaag iyo xumaan intaba.
Taleefishinka ayaa ugu badan marka loo eego Warbaahinnada kale sida Radiowga, Joornaalka, IWM goobaha ay Soomaalida kala socdaan Musalsalladda, waxaanaTaleefishanka oo wata maqal iyo muqaal kana mid ah warbaahinta casriga laga hirgaliyey Soomaaliya markii ugu horeysay 21 Maarso sanadkii 1983-dii xilligaas oo ay dalka ka talineysay Dowladdii Kacaanka.
Tiknoolajiyadda casriga ee caalamka iyo awoodda maamul Dowladeed ee daciifka ah ayaa sahashay 15kii sano ee ugu dambeysay hanaqaadka tiro badan oo Warbaahinno ah oo uu telefishunku qeyb ka yahay, taa waxaa dheer telefishannada kale ee waddamada kale ku yaalla ee laga daawato Soomaaliya.
Telefishannada Soomaalida qaar iyo kuwa kale oo ku yaalla dalalka kale ayaa barnaamijyada ay baahiyaan waxaa kamid ah Musalsallo ka turjumaya DAGAAL, JACEYL, SIYAASAD, DIIN, DHAQAN iyo kuwa kale oo badan,
Musalasallada ugu badan ee Soomaaliya laga daawado ayaa ugu badan kuwa waddamada Turkga, Hindiya, Meksiko, Ameerika iyo Kuuriya, oo dhamaantoodna ku turjuman afka hooyo iyo afaf kale oo qalaad, haba ugu badnaadaan luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Hindiga.
Musalsalsalladii ugu saameynta iyo daawashada badnaa Soomaaliya, Haweenka iyo Carruurtana sanadahaan dambe waxaa kamid ah;
1- Maariya Kalaara
2- Maariya Juuy
3- Cishqi Mamnuuc
4- Nuurra
5- Caasi
6- Barbara Santaana
7- Al-wacdi
8- Sanadihii lumay (sanawaatu diyaac)
9- Fursah Thaaniyah
10- Intisaarul Xubbi
11- Malikah Jaansii
Musalsalladaas oo hela soo saaris aad ah looga baaraan dagay ayaa saameyn ku yeeshay habka horumar iyo nololeed qoyska oo unugyadiisa ugu muhiimsan ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta.
Waxaana u kala qaadaynaa sidan:-
1- Saameynta Caruurta ka yar 10 jirka illaa heer Qaangaarid
2- Saameynta Haweenka
Saameynta Carruurta ka yar 10 jirka illaa heer Qaangaarid
Carruurta ka yar da’daas ama la’eg ayaa aad ugu saamooba marka ay daawadaan musalsalladan, kagana sheekeeya goobaha ay tagaan, xarumaha iskuullada, gaar ahaan fasallada ayay isku weydaarsadaan wixii ay xalay ku arkeen musalsalka intii ay duruusta ku mashquuli lahaayeen, kaba daran carruurta qaarkood waxay sameeyaan iyagoo waddooyinka ku sugan in ay laba koox isku safaan matalaanna Jilayaashii ay shaashadda ka fiirsadeen ee dagaalka matalayey.
Waxaa ugu darneyd arrinkaasi taleefishannada qaar ka socon jiray filim looga hadlayay Gumeysigii Ingiriiska ee dalka Hindiya kaasi oo magaciisu ahaa (Malikah Jaansii).
Dhiirragalinta ay helaan carruurtaas ayaa ah marka ay xubin muhiim oo qoyska ka mid ah sida Aabbaha iyo Hooyada ay dhagaha u raariciyaan Ilmihii oo ka sheekeenaya qaabkii ay ahayd xalay qeybtii musalasalkaas, taasi oo waalidiinta qaarkii ay muuso iyo qosol isku daraan, iyagoo kaliya markaas fiiriya habka cunuggooda uu u sharxayo una xifidiyay xalqadii xalay la daawaday, halkii ay ku koontorooli lahaayeen duruustii uu Dugsiiga ka soo qaatay.
La soco qaybta Q2AAD ee qormada.
Nasra Abid Osman “Nasra Bakaal”
nasrabakaal@gmail.com