FARXAD CIIDEED IYO UTUN CIILEED W/Q: Sayid Cumar Bashiir Shiiqdoon

0
561

                                                   

FARXAD CIIDEED IYO UTUN CIILEED

Waa maalin la isku wada egyahay, waa maalin damaashaad oo ka geddisan maalmaha kale, Qof waliba wuu iska illaaway murugo iyo walwal waxa uuna naftiisa dareensiinayaa nafis iyo reynreyn.

Waa maalin kuwa aan horay isku arag is hambalyeynayaan kuwii is yaqaanana kalgacal awgii isku bururayaan, Waa munaasabaddi weyneyd ee ciidda, afarta gees waxaa ka uugaamaya jabaqda Takbiirta oo cod nafta u raaxaynaya ku culaya dhego aan muddo maqal, Dadku waxeey u socdaan kooxkoox waxa eyna cammirayaan dhulka sida ey xiddiguhu u cammiraan cirka  habeenka gudcurkaa.

Ilmuhu waa kuwa dareen gooniya leh, waa maalinta eey ka sugtaan ifka, waxa eey ku lebbisan yihiin dhar kuwii ugu bilicsanaa waxa eyna gacmaha haystaan waalidiintood iyagoo sita agabka lagu ciyaaro, qaarkood waxaa loo daawasho geeynayaa goobaha dalxiiska sida beeraha, badda, bandhigyada iyo xafladaha madadaalada iyo maalin joogga.

Dhawaaqa buufinku kama shiikhiyo eedaanka iyo Allahu akbarta oo waxa baaruud iyo biskoolad yeeraya lama maleyn karo, Muuqaalka  magaalada waa kaalay iska arag oo maanta wax lagu tilmaamo lama yaqaan, Muslimiintu waxa eey gudanayaan waajibaadkoodi diineed waana sababta Jawiga ka dhigtay mid bidhaamaya, oo anigu miyaanan ku jirin dadkaa dabaaldagaya ?

Magaceygu waa dhiblaawe, xilliga aan dhashay iyo halka aan ku dhashay dadkii i ogeysiin lahaa waxa eey jiraan meel aan kasoo noqod lahayn oo goor aan dhashay iyo meel aan ku dhashay toona garan maayo, waxaanba nasiib leeyahay hadduusan  magaceygi lumin oo aan weli xasuusnahay.

Waxaan ahay wiil-kuray ah kasa gu’ weyn da’da laga filanayo, waxaan garaadsaday anigoo waalid iyo walaalba isku ah dheel iyo faajafaajoodna waan is deynay , xasuustaydana kama helin wax la yiraa carruurnimo oo hal maalin oo aan ciyaal ahaa ima soo marin dadkuna waxeey iigu yeeraan Iskoris.

Ma lihi qof igu labbeeyo noloshan kelinimada ah oo xiiso gaara ayey ii lahaan lahayd haddaan heli lahaa hooyo dhabta i saarta iyo aabbe dhunkasho igu haga, ayaan darro se waxa aan ku sigtay inaanan ogaan in erayada Hooyo iyo Aabbo ey kamid yihiin Afka soomaaliga, ma helin gacal iga naxa iyo gob i daryeesha oo waligeey haddaan dab ku dhacayana haku joogsan la ima dhihin.

Waxa aan waayay wax kastoo ubadka asaageeya helaan, Qorraxdii soo baxdo iyo tii dhacdaba waxaan dagaal kula jiraa waayaha nolosha kaasoo u muuqda mid aan dhammaad lahayn.

Mar waliba oo aan arko ilma faceey ah oo heysta Jeenan, hooy, hu’, waxbarasho, caafimaad iyo farxad waxaan shaki geliyaa inaanan isku adduun joogin waxaanse garowsadaa inaan hal adduun joogno laba irdoodse ka soo kala galnay.

Waase Illaahey mahadiyoo dadka ma dhici mana tuugsado’e xoogeeyga ayaan maalaa, waxaan u wirwiraa fogaan dheer anigoo raadinaya waxaan dhuunyado, waxaan ahay Baalashle oo waxaan casseeyaa kabaha dadka Baabuurtana waan dhaqaa haddii loo baahdo.

Waxaan u shaqeeyaa sidii warshad la yiri maantoo dhan daarnoow oo ha damin wax soo saarkeyguna kama badno Af iyo gacan dhexdood jidiinka la mariyo oo waxna meel kama dhigto iskamana naashnaasho.

Daalki aan ka qaaday aniga oo la ildaran ayaan u hoydaa gurigeygii darxumada, waa gidaar yaroo shamiitaa oo u dhaxeeya laba-derbi kaasoo maalintiyoo dhami eey milicda cadceeddu haysayuskagna lagu marriimay, wax qoyanoo taabta anoon horayba u dux badnayn ayaa ugu horreeya wuxuuna igu soo dhaweeyaa kulaylkii uu ii keydiyay.

Halkaas  ayaan dhaxanta iyo dhadada ku hurdaa dhagax isaguba igu hurda, waxaan huwadaa dabeysha waxa anan barkadaa gawaanka dariskeyguna waa Dibjir miraafaya iyo Dameero is eryanaya, haba iska xumaadee Jiifkeygu waa waxa kaliya ee aan lacag la iiga qaadan riyooyinkeyguna waa dhiirra gelinta keliya ee aan helo.

Waagu waxa uu iigu baryaa walaac gabbalkuna waxuu iigu dumaa walbahaar maalmuhuneygu waa kuwa darruufo aan isbedal lahayn la soo noqnoqda waana habeen iyo dharaar aan dhextaal lahayn, intaas iyo in kalaba waan ku qanacsanaa utunna iguma heyn maantase arrinkeygu waa si kale oo isma celin karo.

Waad ciidaysaa anna waan ciishoonahay. Waxaad ku fadhisaa kursi adigoo cunno fudud si faakihaysiya u baryaqaadaya anna waxaan fadhiyaa carrada isla maqaayadaas aniga oo sugayo kabaha aad illantahay inaan tirtiro, waxaad si dharag dhacsiya u calaanjinaysaa xanjo si aad ugu gaajooto anna siduu waagu iigu beryay ma hammuun tiran oo wali naab ayaa afka iga saaran, waxaad ku lebbisantahay sida caruuskii dhar ilqabato le anna laba calal oo markoodi hore midab lahaa haddase sidaan u watay igu dul caddaaday ayaan gashnahay, waxeey kuu tahay farxad gaar ah oo maalintaadu waa eey kuu wanaagsantahay anse maalmihii hore waa eey iiga darantahay waayo kabihii aan casseyn lahaa maanta boor male oo waa cuseyb!, waxaad jawi wanaagsan la qaadanaysaa xubnaha qoyskaada iyo saaxiibadaa anna agtaada ayaan ciirsi la’aan la yuuraraa.

Kama xumi heemaalkaada waxaanse ka murugeysnahay hagaaskeyga, ima aragtid haddaad I aragtana ima daneysid, waayaha ku horumariyay aniga ayey dib ii dhigeen waqtiga ku saacidayna isla aniga ayuu i saraafey, ma dooran noloshaan yasmada iyo bahdilaada lagu xayndaabay mana dooran lahayne Ilaah falsan oo garsoora ayaa ii dooqay, adiga kuma jeclo anna ima necbo ee waxaa la fiirinayaa ninba siduu uga soo dhalaalo.

Bal inyar soo durug oo dhageyso dhawaaqan ka hugmaya qalbigayga. Ma waxaan ku gardaranahay inaan imid adduunyo uu arxan iyo turaalkii ka dhammaaday qab iyo eexna ku Alle  seegtay? Gef miyaan  sameeyay haddaan u dhashay dal isaguba is la’ oo eey madaxdiisu mar kasto igu tiraa waa adiga qofka aan sugayno? hadde waa aniga! Dembi miyaan galay haddaan ka dhex beermay dad iyaguba is cunayo oo eey duurjoogto talo dhaanto? Maxaad iigu Colaadinaysaa wax aan arkay aniga oo ku dhex jira go’aanna aan ka qaada karin?

Cakku ciil badanaa. Tolloow meerayaasha kale malaga helayaa dad kuwaan ka beer jilicsan kana uur nugul? Miyaa Shanta Khaarad laga waayay hal qof oo dhibic jaceyla laabta iigu haya?, walaal i waaniya, waxgarad wax i bara, waalid i canaanta iyo widaay dhib iyo dheef  ila qeybsada miyuusan ka dhalan Bilaayiinta Dunidaan ku nool? Miyaa lay inkaaray, horta yaa abaal igu sheegta? Gacan saaxiibtinimo ayaan u taagay nolosha nasiib darro se calooshayda ayaa caddowgeygi koobaad noqotay saa cawo iyo maalin waxa eey cunta uun beey iga rabtaa! Hoh iyo weey! Maxeey iila legdamaysaa iyadoo heli karta wax i tabar dhaama?

Weydiimahaa iyo kuwa kale hooy iyo harsiimaba weey ii diideen, agtaadase waxba kama ahan.

Waxaan la dhibbanahay waxaan adiga ku labin waxa aanan la ooyaa wax aan ku danqin, wadnahaygu waxa uu u gugcaa sidii hanqarki onkod aan cid kale maqal indhaheyguna waxa eey da’aan roobkii urugada  kaa soo ii soo bixiya mirihii asqada   oo aan ka qaado ummal aan damis lahayn.

Waxaan halis ugu jiraa inaan aayo beel la dhaqan doorsamo amaba ka dabargo’o  dunidaan,waxaanse dherarayaa marka uu ubaxaygu biqli doono shimbirtayduna  labadeeda baal  ku haadi doonto iyadoo ku heeseysa codkii gobonnimada …… waxaan ahay dhibbane aan la dhaadin oo nolosha dheeraad ku ah.

W/Q: Sayid Cumar Bashiir Shiiqdoon

-DHAMMAAD-