Filan waa Q22AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q21AAD

Dagdaga iyo hubsiino la’aanta Maxamed waxa ay horseeday inuu dhibaato badan iyo ceeb kala kulmay waalidkii iyo walaalihii, iyagoo ku eedayay in uuna aqoon durugsan u lahayn qofka uu sida xad-dhaafka u jecelyahay! Sidaa darteed isagoo arrimahaas maanka ku haya ayuu Deeqa si sarbeeba u weydiiyay su’aalo dhowra oo ku saabsan Deeqa laf ahaanteeda iyo qoyska ay ka dhalatay.

Deeqa si fiican ayay ugu jawaabtay, wax walbana sidii ay ahaayeen ayay ugu sharaxday, Maxamed isagoo faraxsan ayaa wuxuu yidhi: “cidladda iyo wehel la’aanta igu dhacday intii aad iga maqnayd waa mid aan la qiyaasi karin, balse waxaa taa iiga siidarnaa oo intaa ii dheeraa in qaar ka mida asxaabtayda iyo reerkuba ay i’ aamini waayeen, laakin hadda ayay xaqiiqda arki doonaan dadkii aragtida qaldan iga fahmay.

Deeqa oo daganaansho badani ka muuqado, isla markaana aad moodo inay wax ka badashay hankeedi iyo hammigeedi hore ee ahaa in aroos magaalada dhan lagu martiqaado loodhigo, ayaa hadda Maxamed kulla talinaysa inay ku farxsantahay in duco kaliye loo sameeyo, laakin Maxamed waxaa u qorshaysan inuu dhigto xaflad aad u hayrsaraysa oo dad sharaf leh lagu marti qaado, xili dambe ayay is macasalaameeyeen, waxaana lagau balamay in habeen dambe ay kulmaan.

Maxamed, aabbihii ayuu subaxdii uga warramay halka ay xaaladdu marayso, wuxuuna u sheegay waqti badan kaddib arrintu ay hadda soo gabagabowday,waxa kalliya oo dhimanna ay tahay in odayaasha labadda dhinac ay is arkaan, sidaa darteed waxa uu ka codsaday aabbihii inuu howsha galo oo uu maantaba la kulmo Deeqa qoyskeeda.

Maxamed waa nin hadda kahor ku fashilmay markii la waydiiyay su’aalo la xidhiidha Deeqa qoyskeeda, laakiin maanta canaantii hore ayaa cashir u noqotay oo si fiican ayuu wax ugu kala dhigdhigay aabbihii waliba wuxuu u tilmaamay odayaasha arrintu ka go’do ee ku haboon in lala kulmo.

Guri wayn oo dhowr qol ka kooban ayay hooyadii soo kiraysay, inta la hagaajiyay ayaa waliba si fiican loo qurxiyay, barri mooye saadanbana waxaa lagu balansan yahay in alaabtii maacuunta iyo sariirihi hurdada la soo iibiyo, howshuna sifiican ayay u socotaa waliba gabagabo ayay qarka u saarantahay.

Maxamed galabtii ayuu telfoonka kala hadlay Deeqa wuxuuna usheegay inay caawa 7:00 PM fiidnimo Aargo labaad ugu timaado.

Deeqa intaan xiligii la gaadhin diyaar garow ayay gashay, labis iyo is habayn kaddib, horay ayay usoo baxday, waxa ayna horay u soo qaadatay gacan qabsi ay ku jirto haddiyad ay ugu talagashay Maxamed.

Baskii ayay Aargada labaad kaga dagtay, nasiib wanaag Maxamed oo halkaa ku diyaar ahaa ayay is arkeen, inkastoo Maxamed uu Deeqa garan waayay isbadal badan oo ka muuqday owgeed, haddana horay ayay isku raaceen, waxayna aadeen dhankaa iyo Xaafadda Lamagalaay { Xerradii hore ee Ciidamada Milatariga}, intii ay magaalada sii dhex socdeen Maxamed wuxuu isha ku hayay Deeqa, isagoo la yaaban isbadalka intaa le’eg ee korkeeda ka muuqda.

Deeqa  waa qayirantey, wejiba iyo daamanka haaro madow ayaa ka fuuley, Afkeedana deebtii iyo dhalaalkii kama muuqdo oo dhammaan quruxdii iyo muuqaalkii uu ku yaqaanay kama muuqdo, hadba wuxuu dhinac ka eegaaba markii ay  tageen gurigii ay u socdeen, ayaa  durba Maxamed wuxu weydiiya waxa dhabankii iyo dheeheedii quruxda badnaa sidan u dhalan rogay?.

Deeqa waxa ay ugu jawaabtay gacaliye waad ogayd inay arrin filanwaaah ay illa soo daristay, xilligaa wixii ka dambeeyay noolashayda isbadal wayn ayaa ku dhacay, muddo ayaamo ah wax cunto ah igama daadagin, laba cadaab dhexdooda ayaan galay oo kala ah jacaylka aan kuu qabo iyo sheekadii aan Muqdisho u tagay, waad dareemi kartaa qof muddo dhowr bilood aan farxad arkin islamarkaana aan indhaha saarin qofkii ay ifka ugu jeclayd, waa shaki la’aan  in wax badan is badalayaan.

Maxamed oo aad moodo inuu xog hore sii hayay ayaa la soo booday hadalo kulul waxa uuna ku yidhi:“Waxaan aaminsanahay in sheekadaa aad akhriyayso waxba ka jirin, wax walba waan ogahay laakiin maadaama aad iga qarisay waxaan is lahaa wax walba hortaada ayay iman doonaan, maantana indhaha ayaa ii macalina, balse inta ay naan sheeko kale guddagallin waxaan kaa rabaa inaad ii sheegto waxaad Muqdisho u raadisay waxa ay ahaayeen?

W/Q: yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN