DOOB GAAMURAY Q4AAD.
Maalmo ka dib, waxaa degaanka ka soo dhex muuqday oo doonista Gobaad dhankiisa uga soo milmay, Mahad-dheere oo isaguna ahaa doob agoonnimo ku soo koray oo hanti fara badan haysta, laakinse markaan xoolaha dhaxalka ah ee uu aabbihii kala haray ay kibir iyo isla weynin ku beereen, wuxuu soo damaaciyay, Gobaad oo uu beryahanba sheedda ka soo il qooraansanayay, isaga oo weligiiba ku soo taamayay inuu mar uun Gobaad wada sheekaysi la yeelan doono, wuxuuse moog yahay in Gobaad qalbigeeda mar hore la hantiyay.
Mahad-dheere, aad iyo aad buu ugu qalbi samaa helitaanka Gobaad, waxaase hankiisa danqiyay oo hinaasa yar ku beeray sheeko uu xuuraansi ahaan ku soo maqlay oo ahayd “In ay Gobaad haasaawe wadaag la tahay wiil degaanka ka tirsan oo la yiraahdo Guuleed” laakin isagu taasi rabitaankiisa dib u ma ay dhigin, maxaa yeelay, wuxuu aaminsanaa, inuu cid walba kaga guuleysanayo Gobaad doonisteeda maadaama uu xoolo fara badan ay moorooyinkiisa ku soo hoydaan.
Xaalku waa rag is guraaye oo ninba ushiisaa, ayaa meel uga go’an, hasa yeeshee Mahad-dheere oo hinaase yar dareensan, ayaa soo abbaaray dooxo aan duddada reerka ka fogayn degaan ahaanna ahayd meel doog leh oo ariga daaqsintiisa ku wanaagsan, halkaasi oo ay Gobaad ku sugnayd.
Salaan guud ka dib, wuxuu Mahad-dheere, Gobaad ka xog wareystay guriga iyo qoyskii ay ka timid, isaga oo leh “Walaal reerku sow ma nabdoonayn?”
“Nabad iyo naruuraan ku ogaa” ayey Gobaad ku war celisay, iyada oo laga dareemayay soo dhowayn aanay farxadi ka muuqan.
Mahad-dheere, oo dareenkiisa dhabta ah soo bandhigaya, ayaa si toos ah u yiri“Walaal beryahan oo idil adiga, ayaan ku baadi goobayay, maantana daraaddaa baan halkan u imid”.
“Walaal waa hagaage, maxaa darnaa oo aan kaa caawiyaa?”ayey tiri, Gobaad oo maanka ku heysay Guuleed, haasaawaha Mahad-dheerana aan xiisana u heynin,inuu hor taagnaadana ay dhibayso.
Mahad-dheere, intuu Gobaad si kadalloobsi ah u soo hor fariistay buu si codsi ah u yiri “Walaal adiga oo iga raalli ah, inaan kula haasaawo, ayaan doonayaaye, sheeko wadaag ma noqonnaa oo wax is weydiin ma inoo furan tahay?”
Gobaad, oo ay ka muuqatay isku kalsooni qab, ayaa ku afti celisay“ wax waliba jawaab lehe, soo daa warkaada”.
Mahad-dheere, intuu yara aamusay oo uu fikiray buu isaga oo garka salaaxaya, si duur xul ah oo tartiib ah u yiri“ Waxaan maqli jiray, wiil waa socde”
Gobaad, oo markiiba garatay sarbeebta iyo nuxurka ujeeddadeeda, ayaa si kooban ugu war celisay“Waa runtaa, oo gabarina waa sugto”
Intaa ka dib, dood aad u dheer oo weerar iyo weerar celin ah baa dhex martay Mahad iyo Gobaad. Mahad-dheere, ayaana haasaawe doonkiisa ku billaabayoo yiri:-
- Haasaawe sama wade
- Salka maw adkeynaa??.
Gobaad:-
- Ilma saaka duni yimid
- Hora kama socdee garo.
Mahad-dheere:-
- Saameelka reeriyo
- Ma samaysanaa qoys?.
Gobaad:-
- Seertey xaajadaadi
- Maadse sugin dhankeygii
Mahad-dheere:-
- Nin sammaan ku dhaqanto
- Marti soor ku caano
- Dhaqan suubsan baan ahay.
Gobaad:-
- Ana suuba gabaro
- soohdin iyo xeerloo
- Aan safaadin baan ahay
- Sedkeediina haysoo
- Suntan waa horaan ahay.
Marka ay xaaladdu halkaa marayso, Mahad-dheere, oo u maleeyay in Gobaad hortii la calfaday meherna uu ku dhacay, ayaa su’aalay oo yiri “Walaal horta adiga oo iga raalli ah, ma wax baa iga danbeeyay, mise weli madaxaagu waa bannaan yahay oo weli gabar baa tahay?”
Gobaad oo aad ugu dadaaleysay in ay ninkan sheekadiisa geed isaga xirto, ayaa ku war celisay “Maya walaal cidi ima qabto mana madax bannaani ee hankaaga yaree!”
Mahad-dheere oo uu wejigiisu xanaaq soo yara galay, ayaa si kulul u yiri “Naa heedhe gabar yahay haddaan lagu qabin, ma nin kale oo iga xoola badan oo aan aniga ahayn oo ku geeya, miyaa degaanka ila jooga?”
“Sida aad is moodsiisay, si aan ahayn buu xaalku u yaallaa, ragguna wuu kala milga wacan yahay, ee hadalkaaga miisaan u yeel” ayey Gobaad Mahad-dheere ku aamusiisay!
Mahad-dheere hadal danbe ma aanu soo celin, wuxuu goobta isaga dhaqaaqay, isaga oo leh “Wallee iyada oo aan berya ahayn bay waalidkaa i kaa soo daba dhigi doonaan” Wuxuuna intaa sii raaciyay caga juglayn ahayd “Waa yahay, Gobaadeey guri aniga aan leeyahay iyo gogshayda haddii aad ka soo toosi weydo, wallee go’a aan xiranahay nin rag ahi ku ma jiro”
Gobaad, oo hadal xumida Mahad-dheere ka carootay baa si kulul u tiri “Siddi qabac khadiija warsame alla yaa i gujiya“ Waxayna intaa u sii raacisay “War hooy hooy garaad laawe, aniga imaba geyside geedkii aad gaarto mira ka soo gooso!”
La soco qaybta xigta.
W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)