Ma Illoobi doono Q5AAD
Markan waxaa soo dhawaatay xafladdii saaxiibkey, Dhaqane. Waan ku qabsanahay in aan codsado maalin fasax ah. Warqad baan u gudbiyey agaasimaha waaxda aan ka shaqeyno, oo saacado ka dib iiga soo jawaabay farriinteydii, iina oggolaaday in aan maqnaado maalin kaliya. Waa maalintii farxadda u aheyd saaxiibkey iyo gacalisadiisa. Waa maalin uu saaxiibkey soo afmeerayey noloshii doobnimada aheyd, anna aan uga horreeyey.
Wuxuu waqtigu cararaba, waxaa la gaaray maalinkii Arbacaad oo ku beegneyd arooska Dhaqane. Subaxdii meher baa dhacay, habeenkiina aqalgalka ayaa la qorsheeyay. Casarliiqii markey aheyd, dadku xaadir bey ku ahaayeen madashii arooska. Waa Hoteel si weyn loo ilaalsho, ayna tagaan madaxda iyo ganacsatada waaweyn. Galiddiisu aad bey u adkeyd. Saddex baaritaan qofkaan marin, gudaha u ma gudbi karin. Qof kastana wuxuu ku meelmarayey xaashida martiqaadka arooska.
Dad baa qashqashaad u arkaayey ciidanka baarista sameynaya, ee illinka Hoteelka jooga, si careysanna waa ay ula dhaqmayeen. Aniga iyo Bashiir Shire oo soo kaxeeyey Xaliima Sheekaaley, oo ay sheeko-wadaag ahaayeen ayaa isla soconna.
Nin kuusan oo horteenna socday ayuu waardiyuhu baaritaan ku billaabay. Aad buu u xanaaqay. Wuxuu ku dooday in si aan habbooneyn loo baaray. In ay is gacan qaadaan ayey u dhaweyd. Waxaa yimid mid ka mid ah masuuliyiinta hoteelka. “Xoow ku aragyay caloosheyda? Yaa ma luulaa loogu sheegay mise dheemman?” ayuu ku garramay. Ninkii masuulkii ahaa oo ay is aqoonsadeen ayaa raalligeliyey.
Halkaa hadalka kuma uusan joojin, “Mug dambo haddaad saan ii baarto, Eebbaa igu ogoo shaqadaad ku waayhee!” ayuu ugu gooddiyey. “Ee Caliyoow bes hee, iskala her ninka, waa kaa qaldanyehee” m asuulkii baa ku yiri isagoo dhabarka ka riixaya.
Gudahaan u tallaabay. Barbaar dhoolacaddeyneysa oo waji furan ayaa taagan, iridda hoolka. Ashqaraar! Sida madasha loo qurxiyey, loo sharraxay, loona naashnaashay ee loogu wareejiyey nalalka kala midabka ah. Daawashadoodu waxay i illowsiisay in aan kursi salka la helo.
Badidood dadka, xilliyadooda kale ee magaalo-joogga, shaqada iyo siyaabaha la halmaalaba, kolkaad barbardhigto marka ay xafladaha farxadeed xaadiraan, waxa ay noqonayaan foolxumo iyo dad abaari saameysay. Goob kasta oo magaalada ka mid ah, waddo iyo guri, Hoteel iyo meherad noocey doonto ha ahaatee, yaa xaflad-aroos oo maalinle ah ku dhiga; meel kastoo jaanta la saaraba, qurux ayey ahaan laheyd, muuqaalka dadkuna ma uu qayirmeen, daruuftuna wey barakici laheyd.
Bashiir iyo Xaliima, waxa ay isla fariisteen meel gees ah, aniguna cirif aysan cidi joogin. Kuraastii bannaaneyd oo dhan waa la soo camiray. Waxaa la sugayaa arooska iyo aroosadda. Ka horse, waxaa madasha soo gaaray hobolladii caanka ahaa ee Guubaabo, oo berigaas ahaa horyaalka kooxaha fanka. Maandeeq iyo Cawaale, ayaa si aan kala go’ laheyn loogu mashxaraday soo galiddoodii.
Waa labo hoobal oo codadkoodu deeqeen bulshadii dhageysatay. Ixtiraam iyo kalgaceyl ayaa loo hayey, oo wey ka taageero badnaayeen fannaaniinta kale. Sacab iyo alalaas ayaa lagu maamuusay, intii ay marayeen dhabbaha dhexe ee roogga casaanka ah lagu goglay.
Waa la fariistay. Shanqari ma jirto oo waxa loo dhegraaricinayaa fannaaniinta masraxa saaran, siiba labadii codadkooda la hollin waayey, Cawaale iyo Maandeeq. Hees ay si wadajir ah u qaadayaan ayaa billaabatay, loona sarakacay. Hobollada kale ee kooxdu waa ay u jiibinayeen. Ereyadeeda waxa aan ka xusuustaa:
- Waa bishaaro iyo kheyr
- Labadii is baratee
- Isu quurin boogaha
- Isna baaninaayee
- Buray isu culaayaa
- Berigey midoobaan
- Aqal bilan yagleelaan
Intey heestu socotay, qofkii karaba masraxa ayuu koray kuna soo qoob-ka-ciyaaray. Intaa wixii ka soo hara, labo-labo iyo kalikali ayey ugu ciyaarayeen barxadda hoose. Waa jawi ay farxaddu farxad dhaaftay, wax lagu tilmaamo ama lagu qiyaaso ayaanse cidi garan. Farxad tankeedii dhaaftay iska dheh! Anigoo kaligey ciyaaraya, taaganna masraxa hoostiisa, ayaa la ii wacay. “Bile, Bile, Bile Aar?.” Si dhib leh ayaan ku maqlay. Waa cod dumar, waana qof naaneysteyda iigu yeereysa.
Waan soo jeestay. Iyadoo dhoollacaddeyneysa ayey xaggeyga u soo tallaabo qaadday, soona dhexjiirtay dadkii tuurnaa, taagnaa ee tuweysayey. Qurux baa ii soo laafyooneysa. Waa quruxdii oo naf leh, dhar gashan, Af-Soomaali ku hadleysa. Waa quruxdaas nafta leh ee laafyooneysee, wey ila hadashay, markaasaan ku koolloobay halkaan taagnaa. “Waa jinni.. War waa jinni ee ka carar!” ayaa dhegaheyga ka yeertay. Waan sii naxay. Waxan is iri “malaha waxa kula hadlaya waa sheydaan quruxdan aad arkeyso kuu diiddan.” Sheydaankii Alle naarka ahaa waan iska naaray.
Waxaa iigu dambeysay iyadoo foodley ah. Intii ka dhinneyd baa loo dhammeeyay! Dherer iyo dhuubni bey u dhalatay oo waa aan ku ogaa. Waxaanse aad ula ashqaraaray, ladnaanta iyo dhaldhalaalka ka muuqda!
Waxay heshay meel firaaqo ah. Waa dhabbihii roogga cas la dhigay. Laafyaha socodkeeda, waxaadba mooddaa in la yiri “ragga doobka ah ku canaano!” gacan baa u laaban oo ay sinta ku haysataa, midna wey u raaracdaa oo ay hadba dhinac u wilfineysaa! “Maasha’Allaah!” waa intii ley faray ee aan uga gaashaamay indho cawryi lahaa.
W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya
Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha