WAAYIHII WARSAME Q10AAD
Waa rag uu Shiikh Cabdi u diro hawlaha muhiimka ah. Da’ahaan waxyar ayay ka wayn yihiin Warsame mawlacana sida Warsame gadaal ka gaar ma ahane waxa ay bilaabeen ayaga oo shan jirro ah. Warsame asagu xilligaas geeljiranimo iska dhaaf’e xattaa dhar ma qabin ee waa uu qaawanaa.
Cumar iyo Ciise gu’ iyo garaad ma kala wayna balse marka ay hawsha Shiikh Cabdi u diro fulinayaan Cumar ayaa hoggaamiye ah oo amarka bixiya dadkana la hor hadla. Marka ay socdaan xattaa Cumar ayaa tallaabo qaadka horreeya. Ayaga oo isku dabajooga sidii labo askari oo dambi baarayaal ah garaaceen albaabka qolkii Warsame.
Warsame: Waa kuma?
Cumar: Waa Cumar ee iga fur
Warsame inta uu miiska dhigay buug uu akhrisanayay ayuu dhankii albaabka u dhaqaaqay oo furay kuna yiri “culumo Alle waad soo dheeraateene, soo gala oo fariista inta uu sariirtiisi farta u fiiqay Asaguna waxa uu ku fariistay joodari yar oo duug ah oo dhulka yaal.
Markii ay sariirtii ku fariisteen ayaa Warsame kacay si uu shaah ugu keeno martidada u timid. Asagu jiko uu wax ku karsado ma haystee waxa uu aaday maqaayadda. Markii uu Warsame baxay ayuu Ciise fiiriyay buugta miiska daadsan asaga oo yaabban ayuu inta mid kor u qaaday oo kala furay yiri “War ninki muxuu akhrinayaa ma buugtii bidcadaa?”
Cumar ayaa asna eegay mid ka mid ah buugtii xisaabta ee fasalka koowaad, inta uu miiska ku tuuray ayuu yiri “Malaha kitaabihii waxaan buu ku beddalay?” ayaga aysan wali ka daadegin buugaagta miiska saaran ayaa Warsame albaabkii soo galay asaga oo saddex koob iyo darmuus shaah ah oo bigays ah sida.
Inta uu shaahii shubay ayuu hadalkii furay asaga oo dareensan sababta ay Cumar iyo Ciise oo aan waligood u imaan caawa gurigiisa ka soo dooneen ayuu yiri “Soo dhawaada mashaa’iikhda, in aad guriga taqaannaan ma ba moodayne.”
Cumar ayaa asaga oo yara muusoonaya, sidee gurigaaga aanaan u aqoon? Ma ninka xerta ugu culus ayaanaan gurigiisa aqoon? Ciise: Haa waa sidaas, ma dhici karto in aanaan gurigaaga aqoon Warsamow.
Cumar ayaa inta shaahii si fiican u fiiqsaday oo koobkii dhulka dhigay u hinqaday sheegidda ujeedada ay guriga Warsame u yimaadeen, waxa uuna yiri “Warsame Shiikhii ayaa na soo diray, galabta oo dhan magaalada ayaannu kaa deydayaynay. Shiikhu aad ayuu kaaga welwelsanaa waxa kugu dhacay oo aad duruusta u imaan wayday? Miyaad xanuunsatay?”
Warsame: Maya ma xanuunsan, duruustana wax kale ugu ma maqnayn ee duruus kale ayaan ku maqnaa.
Cumar: Duruus kale aa? Oo maxay ahayd duruustaasi Warsamow? Maxayse tahay cilmiga aad Shiikh Cabdi ka wayday ee meel kale ka heshay?
Warsame: Cilmiga uu Shiikh yaqaan ma ahan, Shiikh Cabdi culuum gaar ah ayuu na baraa ee wax kasta ma yaqaan?
Cumar: War ha dambaabin ninyhow? Sidee wax kaa yihiin?
Ciise: Warsamow ma nimankii bidcada ahaa ayaa ku helay?
Warsame: Saaxiibbayaal sidaas ma ahan, ee isdajiya anigu nin bidca looga baqo ma ahiye.
Ciise: Haye, bal warka na sii maxaa kugu soo siyaaday?
Warsame: Waxaa igu soo siyaaday iskool ayaan bilaabay aan afafka iyo xisaabaadka ka baran doono In shaa Allaah.
Cumar: Iskool aa? Ma kaa dhabbaa Warsamow?
Ciise: Ma iskoolkii bidcada ayaad aadday?
Warsame: Iskoollada dhan ma bidcaa leh? Sow ma jiri karaan kuwa aan bidco lahayn?
Cumar: Iskool oo dhan waxaa leh gaalo iyo bidco. Tan kale Warsamow waad ogtahay Shiikheenna Jaliilka ahi meesha uu Iskool la dhigto iska taagay, waad ogtahay in uu deegaankayaga u diiday in bidcada iyo gaaladu iskoollo ka dhisaan, sidee bay ku dhacday in adiga oo ah ardayda Shiikha ninka ugu wanaagsan aad Shiikha khilaafto iskool bidco iyo gaalo aaddid? Maxaadse haddaad aadaysid Shiikh fasax uga qaadan wayday?
Warsame: Cumarow saaxiib horta magaaladaan gaalo ma joogto, taas waad ogtahay. Iskoolka cilmi iyo ogaallo ayaa lagu bartaa barashadoodana qof ama koox loogama fasax qaato ee waa xuquuq uu qofka bini’aadamka ahi gaar u leeyahay oo uusan cidna uga habranayn.
Shiikh Cabdi waa shiikhayga Ilaahay khayre badan ha siiyee wax badan ayuu i baray abaalna waan uga hayaa, wali waan ka baran doonaa balse haddaan iskool dhiganayo iyo haddaan iska dhaafayo ma ahan mid aan asaga fasax uga qaadanayo.
Tan kale mid aan kuu sheegee horta, sow ma ogid cilmiga in la raadiyo oo meel walba laga barto, xattaa gaalada inay tahay sunnihii Rasuulka (scw)? Sow xasuusatid dardaarankii Rasuulkeenna (csw) ee ahaa “cilmiga u doonta xattaa Shiinaha?”
Ciise: War Rasuulka ha ku been abuuran bidco cilmi ka barta ma uusan oran.
Warsame: Been abuur ma ahan ee waa xaddiis sugan.
Cumar: Warsamow shaydaan yuusan ku duufsan, bidcadaan waxa ay rabaan in ay diintaada iyo caqiiqdadaada kaa saaraan ee inta goori’goor tahay isaga har oo xertaadi iyo Shiikhaagi dib ugu soo noqo.
Warsame: Cumarow anigu bidcada aad sheegaysid wax kama barto xertana ka ma dhexbixin.
Cumar: Hadda Shiikhii waxa uu rabaa in uu ku arko ee kaalay na raac aan gurigiisa ugu tagnee.
Warsame; Berri waa jimce mawlaca ayaan imaanayaa Shiikhna halkaas ayaan isku arkaynaa.
Cumar: Maxaad ilaa berri dhan u la sugaysaa maad cawadaba Shiikha gurigiisa ugu tagtid oo shuushka ka bixisid?
Warsame: Waligay xilligaan oo kale Shiikh Cabdi uma tagin ayada oo loo tagayana ma arag.
Cumar: Haye, waa tahay ee aan berri is aragno. Cumar iyo Ciise waa ay istaageen Warsama na waa uu ka daba kacay, gurigii ayaa laga baxay ilaa laamiga ayaa uu Warsame sii dhaweeyay labadii Jaalle.
Cumar iyo Ciise gurigii Shiikh Cabdi ayay toos u abbaareen si ay Shiikha war uga siiyaan Warsame. Shiikhii waa ay u tageen u na sheegeen in Warsame iskool galay. Shiikh Cabdi ayaa aad uga carooday warka dhiillada leh ee Warsame laga soo wariyay.
Asaga oo caro ka muuqato wajigiisa ayuu sheegtay in uu waayahaanba arkayay calaamadaha ibliis ee Warsame wajiga ka saarnaa. Shiikhu waxa kale oo uu sheegay in uu riyo ku arkay Warsame oo shaydaan duufsaday oo bidco raacay. Shiikhu waxa uu Cumar iyo Ciise u sheegay in ay waajib diini ah tahay in Warsame laga soo badbaadiyo bidcada iyo gaalada si walba oo ay suurtogal ku tahay. “hadda iska jiif taga oo berrifoog salaadda jimce kaddib mawlaca iigu imaada,” ayuu ku yiri Shiikh Cabdi labada xerow.
La soco qaybaha kale
W/Q: Cali M Diini