Faallo kooban GACAL IYO GAYAAN
Waxa gacanteydaa soo galay oo aan nasiib u yeeshay inaan aqriyo dhiganaha GACAL IYO GAYAAN ee uu qoray sammigeey laashin: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal” Waxaa si nabad iyo naruuro ah iigu dhammaaday aqrintii dhiganaha iyo hadba baalal-roggiisii. Run ahaantii buuggu wuxu iga dhammaaday anoo weli u sii xiisa qaba sheekadiisa baaxaadegga ah ee diinta, dhaqanka, hiddaha iyo suugaantaba ku farshaxameysan. Waa sheeko boqol-kiiba boqol ah af-soomaaliga aan anigu aadka u aqaanno. Waxan uga jeedaa soomaalidu waxay kala leedahay; lahjado amaba af-guri, sidaa darteed buuggaan GACAL IYO GAYAAN wuxuu yahay haddiiba aan af-soomaaliga iyo af-guriba taqasus u leeyahay kii aan u lahaa, kuna qancay hab-tebintiisa hummaaggu ku dahaaran-yahay. Qoruhu dhiganaha intiisa badan amaba aan iraahdo: bog waliba wuxuu u sameeyay eray bixin, balse, anigu kuma arkin hal eray oo aan uga baahday jilcin, bidhaamin iyo bal-ballaarinba.
Waa dhigane aan is leeyahay meel wayn-buu ku aadi-doonaa, dhanka erayada uu qoraagu adeegsaday iyo dhilitaanka afka oo-buuggu u si hagar la’aan ah dhidibbada ugu aasayo. GACAL IYO GAYAAN waa sheeko sidda mug-weyni afeed iyo mid dhaqameedba, sidaa darteed waa inay bulshadu il-gaar ah ku eegtaa mucda iyo miidda sheekada dhiganaha dhexdiisa ku weeleysan.
Maxaan ku arkay dhiganaha dhex-diisa?
Run ahaantii waa sheeko-faneed, balse, intii aan baalal-rogayey, waxaan kala kulmay inaan inbadan kaligeey iska qoslo, maxaa yeelay, waa sheeko xambaarsan, erayo aan garanayo, balse, ay adeegsigooda iigu danbeysay aniga oo carruur ah, haddana waa erayo si farshaxameysan loo adeegsaday.
Waxa mucjiso igu noqday markii aan marayay bogga 204, waxan ku dhawaaday in indheheyga ay illimo ka soo yaacdo, cabbaarna waxaan joojiyay aqriskii buugga, sababtuna waxay ahayd waxa ii sawirmay gacal iyo xigaal is waayay oo boholyow daran isu-qaba, ammin-dheer ka dibna is helay. ”Reyn-reyn iyo riyaaq.”
Hadde kaaga darane waan ogahay in sheekadu ay tahay maan-curis weliba waxa ka buuxa oo atooraha iyo atariishadu adeegsanayaan erayo aniga laftayda si dadban iyo si mararka qaarkoodba ii saameeyay, waan ka dheregsanahay sida ay wax u socdaan haddana dareenkeygii waa is bedelay oo waan is celin-waayay, sheekadii aan aqrinayey ayaa isu beddeshay muuqaal murugo xambaarsan oo aan muuqsanayo/daawanayo. Geeddiga waxaan sii wadaba markii aan soo gaaray bogga 261-aad ee gabadha sheekada jileysa waa Dheeho e, ay ku cataawday adeerkeey, haddii uu booski aabbehey ii buuxin-lahaa, ayaan haddana agoonnimada xanuunkeeda soo xasuustay iyo dhibtii ay u gashay oday gar cimil iyo guurkii qasabka ahaa.
Faalladaan gaaban, waxan kusoo koobayaa haddii lay wayddiin lahaa dhaliil iyo talo bixin maxaad heysaa, waxaan dhihi lahaa/odhan-lahaa, tan dhaliisha ah qofkii arki lahaa maahi, waayo haddiiba ay jirto waxaa la dhihi-lahaa AF-GURIGA ayaa ku badan buugga. Tan talo bixinta ahse, waxan dhihi-lahaa waxa ila qumanaan lahayd marka la soo qaadanayo wixiiba suuggaan iyo xigmad kale ku saabsan in qoraalkooda laga waaweyneeyo sheekada inteeda kale, tusaale haddii aaney suurta-gal ahayn in lagu qoro far-waaweyn, waxaan soo jeedin lahaa in BOLOOD laga dhigo. Ujeedku ma ahan inaan suugaanta dhaliilsanahay ama ay haddaba yar-yar tahay ee waa in la sii ballaariyaa, maxaa yeelay buugga waxa aqrisanaya dad ookiyaale qaba iyo kuwa aan si togan wax u arkeyn intaba.
GUNAANAD
Waxaan si aad iyo aad ah ugu mahadcelinayaa bahda LAASHIN oo ah bah xil-weyn iska saartay tayeynta afka iyo suugaanta, sidoo kalena ah bah hiddo iyo dhaqan-dhowr ah. Intaas ka dib waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa qoraha buugga sammigeey; Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal” waxan leeyahay waanu kuu hanweynahaye horay u soco Allena ha kugu kaalmeeyo, dhigaalka aad bulshada u heyso.
W/Q:- Laashin Xasan Abuukar Calasow ”Abaaji”