AABBAHAYGIYOOW!
Aabbe macaan waxan ahay gabadhaada oo sababtaada ay hooyadeey igu dhashay. Waxaan ahay gabar u sii lugaynaysa dunida inay ku noolaato, gu’gaan inoo curtay baan sannadkii 12, lugta aan la galay. Aabbe waxaan gadaal u fiiriyey da’dii 10 ka hooseysay, welina waan ogahay inaan yarahay, balse aad baan u jeclaystaa marka ay hooyadey iiga kaa sheekeynaysay sida markii aan dhashay aad iigu faraxday oona ii jeclayd, mar walbana aad ii koolkoolin jirtay, marka aan kaa hor hurdo oo aad guriga u soo hoyato adigoo carruurta kale ee ila dhalatay fiirinin, ayaad aniga sariirtayda igu booqanaysay sida ubad aan hooyadii la joogin oo kale, intaana ay kaa ahayd Jacaylka aad ii qabto awgeeda.
Abbe qaali, runtii hooyaday wax badan oo taariikhaheenna ah ayaa ka buuxa maskaxdeeda, marka ay intaa iiga sheekaynaysa aad baan u farxaa oo aan u kala daataa, waxaanba moodaa xilligaa inaa sidaa ii yeelayso. Aabbe, ubad kastoo dunida ku soo kordha ma dhasho aabbe la’aan aniga kuwaa ayaan ka mid ahay, balse aabboow waxaan aad u dhibsadaa oona u murgooda markii aan ku waayey adigoo aadan dunidana ka guurin, ifka dushiisa ayaad igu cidlaysay aabbe.
Mar kastoo aan sii koraya waxaan dareemayaa in garabkayga labaad iga maqan yahay ma taqaane aabbe garabkaa waa “adiga aabbe macan!” Aabbe, in badan ayaan hooyadey ku weydiiyaa anigoo dhahaya:
“Hooyo aabbe goormuu immaanayaa?!” Hooyo iyada oo ii dhoollacaddaynaysa ayey ugu dhahdaa:
“Aabbe wuu imaan doonaa hadduu Alle qadaro, haddii kale adiga ayaa u tagaya” Ugu dambayntii waxa ay noqotay inaan kuu imaado Anigu.
Maalintii iigu horeysay een ku arkayey aad baan kugu farxay araggaaga, sida maalinta ciidda ah oo anigoo cillaan la igu sharxay oo dhar qurxoon la ii xiray ayaan qalbiga ugu mashxaraday. Abboow xilligaa waa waqtiga aan ugu jeclahay…
Aabboow macaan, aniga ardada iskuulka lama mid ahi oo carruurta qaar aabbayaashoodaa gaari ku qaada, kuwana mooto bajaaj, halka kuwa qaar xilliga bareegga u yimaadaan oo macmacaan ayay u keenan, ayagoo weliba sii dhunkanaya.
Aabbe aniga sow sidaa xaq u ma lihi? Carruurta sow ka ma mid ihi? Aabbe maxaan kaa halleeyey oo aad xaquuqda aabbehay ku leeyahay iigala tagtay? Alla aabboow inaan ku waayo adigoo nool oo caafimaadqabo sow dhib iyo murugo ku noolaansho ma aha?!
Aabbehayga aan jeclahoow, adiga ima jeclid miyaa? Aabbe sirta jirta oo aniga aan garan la’ahay oo aad anaga oo dhan inoo cidlaysay goormaad ii sheegaysaa? Aabbe, hooyo kaligeeda inay nala joogto oo farxad na siiso oo adigana naga maqnaato maxaad ku dooratay? Aabbe, ilaa intee is moognaan doonnaa? Hooyadey ayaan wax badan ka bartay kana faa’iiday, balse sababta dhabta ah oo aad ifka ku wada noolnahay nooga guurtay marna kama ogaan! Balse aabboow jeclaan lahaayaa in aan arko aniga iyo reerkeenna oo dhan meel ku wada noolnahay adiguna nagu dhex jirto, gurrigeena layr weyn ayaa ka shidmi lahaa oo dariskana Iftiinkeenna ayey la yaabi lahaayeen. Alloow aabbe dhintay waa ka samri karraa, balse aabbe nool sideen uga samraa?
Taloow, gabar ama wiil aniga oo kale u nasiib darsadey dunidani ma laga hellayaa? Haddii farxadi jirto, xanuun jiro, waxbarasho jirto, cunta cunis jirto dhammaantooda aabbbe aadan haysanin oo hooyadaa kaliya tahay sidee noqon lahayd adigu?!
F.Q: Qisadani waa dhab, oo ilmo badan baa dhibtaa qaba oo Waalidkooda kala tagay, ayaa sidaan iyo ka badan isku weydiiya su’aalo tiro badan oo aysan jawaabo ay fahmi karaan u haysan. Aabbe iyo hooyo kala tagista ka hor ama furriinka ka hor carruurtiina sida mustaqbalkooda noqon doona ka fakara.
W/Q: Raxma Isaaq Aadan