Abbaayadeey u maan abaalgudo!
Abbaayadeey wey i la dhalatay. Hal naas ayaan wada nuugnay, oo is ku aabbe iyo hooyo ayaan nahay. Hal uur ayaan ka soo wada baxnay. Mar wey ii bannaysay, marna waan u banneeyey, marna waa na loo ka la banneeyey, oo weyga weyn tahay ama waan ka yarahay. Mar kale, waxaan nahay is ku aabbe, oo ka la hooyo ayaan nahay, mar kalana, is ku hooyo kaliya ayaan nahay.
Si ka duwan, waxaan nahay, ilma habreed, eeddo ama adeer. Si kale, waxaan nahay daris, xigto iyo xigaalo xidid, oo is ku meel iyo ku soo koray hal kob.
Abbaayadeey wax badan, marar badan iyo siyaabo badan ayey guri, gacan, garab iyo gabbaad ii eheed, walina ii tahay. Waa gacal, gacaliso iyo kalgacal, aan gocosho, gaabis iyo gunuunac aqoon.
Abbaayadeey ma daasho, ma dibdhacdo, mana dayriso, ee waa deyr, duggaal, darin damqasho iyo daniya xariir.
Abbaayadeey yaraan u ma lahan hawsha iyo gacan qabadkeeda maalinle, ee aan qof kale, oo qaban karaa jiraa iyada ma ahane.
Abbaayadeey hawsha waxay u qabataa aniga awgeey, abboowaheed dartiis, aanba ahaado habacsane iyo layacane laga dhigay DAYSANE, aan dab igu dhegi lagu karin.
Mar waxay korkeygii iyo kashayda ka jirtey wax kasta oo aan kahdo. Waxay dhaqdaa uskagayga, waxay xashaa oogadeyda, iyadoon iga ash ashashayn. Waxay iga ilaalineysaa inaan oomo, inaan ooyo ama aan urugoodo oo oohin ku raago. Waxay ahayd ilaaliyahayga dhabta ah ka sakow hooyaday. Ilaaliyahayga gaarka ah ged iyo goor walba.
Marna waxay ii ahayd muraayad. Waxay dhaqayaysaa dharkayga. Waxay hagaajineysaa gogoshayda. Waxay meeldhigaysaa, oo dhawreysaa agabkayga.
Waxay maalin walba la soo toostaa/taasi jirtey werwer, si aanan anigoo baahan u bixin. Abbaayadeey oo soo jeedda ayaan seexdaa/seexan jirey, iyadoo soo jeeddana waan soo kicaa/kici jirey. Weligeey haaraan, hiiftaan, iyo i ma dhihin. Waan daalay iyo waa dakaamayaana ka ma maqal. Caku iyo coloolxumo codkeed maaha.
Abbaayadeey siddeed jir, mararka qaar ka yar iyo ka weyn intaba maxay hiiro hore, oo dadku wada hurdaan, hargal dadku waa harsanayaan, habeen dadku wada haamaansayo maxay u kacday, u istaagtay, una dhafartay darteey, si ay quraac, qado ama casho iigu diyaariso. Anigu intaa waan calalinayaa, cunayaa, labo canleeynayaa, oo calooshana ka buuxdaa. Ma weydii; Abbaayo; wax ma cuntay? Caqligaaba ma lihi, aniga kaligeey ayaa naf is la leh.
Alla abbaayadeey, maxay waaga oon baryin, marka wadaadku daakiro, juubaha iyo dhaxanta intey hiir hore ka toosto/ey, dhamac shidday, oo afuuftey ka dibna ay u fariisatay, dubista canjeero ay dulfadhin doonto saacad iyo ka badan.
Abbaayadeey maxay dab shidday, qoryo iyo lagu shiday dhuxul afuuftey ilaa qanjarradu ka barareen, iyadoo qaac badan, oo indhaha ka galay ay la ilmeysey. Maxay holac iyo olol shidday, ay marar badan ku gubatay ama qatargeliyey! Wali abbaayadeey oogadeeda waxaa ku yaal haaraamadii dabkaa. Anigu anoo awooda, ma garan ama awood u ma lihi, in aan maanta, oo aqoontu hormartay, aan oogadeeda sideedii uga dhigo. Garaadxume!
Abbaayadeey maxay cajiibn qastaa/ay, ay garaacday, oo garaacday. Muxuu dharka uga fanfaniinay, ka horna ay ka keentay makiinadda cajiinka shiidda, markii horana ay iyadu gaysay. “Xalay anoo walaalkeey la teloofanka sheekaysanaya, ayaan cod aan garan waayo maqlay. Markaan weydiiyey, waxuu ii sheegay, in uu yahay cajiin la qasayo. Hubaal, abbaayadeey un baa qasaysey!”
Maxay abbaayadeey ciddiyuhu ka baxeen, oo faruhu murxeen kana caddaadeen, sidii ay u dhaqaysay dharkayga. Siddeeda barqannimo ee maalinta maalmaha Jimcaha ayey badanaa u farisataa dhardhaqidda, ka dib markii ay quraacda diyaarisay, waxayna ku gaartaa illaa salaadda jimcaha laga addimo, iyada oo wali halkii dhabar godan, ammin aysan jirin DHAQDADA dharka iyo mishinnadan casriga ah, hadhawna ay u sii dheer tahay, in dharkii ay dhaqday, haddana, ay feerayso/kaawiyadeyso. Kaaga muhimsane, qof walba, oo qoyska ka mid ah bartiisa u dhigto, mararka qaarkoodna eed iyo af xumo loogu abaalgudo.
Abbaayadey dulqaad badan, dugsi iyo daryeel badan, waxay ahayd damal weyn iyo duddun. Waxay ahayd damal ay harsadaan guud ahaan qoyska, oo la’aanteed waxba may ka la socdeen. Waxay ahayd duddun, oo mid xun iyo mid sanba waxay u lahayd dulqaad una oggoleyd iyadoon kahanayn, karaahiyeysanayn, inay u adeegto. Allow meel ay joogtaba abbaayo kaalmee.
Anigu markii aan soo weynaaday, ee la helay leeddo dugsi aqoon lagu aadi karo, hore ayaa la iga geeyey, halka abbaayadeey, aan xitaa la geyn goob ay farta qoraalka iyo aqriska ku barato. Eex ka weyn iyo urugo ka adag ma filayo, in ay qoyska ka dhexdhacday. Looga ma harin intaase, haddana, abbaayadey nin aysan rabin ayaa lagu qasbay, in ay GUURSATO, oo lagu yiri; labo far -idin ka qalloocatay!- duco ama habaar mid qaado! Badanaa, waa nin ka weyn, ee aysan arag, filin ka daawan, shukaansan, sheeko dhexmarin, waligeedna aysan ku riyoonin in ay kaas oo kale guursato GABLAN!
Anigu aroor walba waxaan aadaa dugsi, iyaduna marka laga reebo dugsi Quraanka, waxaa sugaya hawshii guriga, xaaqid, sariiro hagaajin, qado karin iwm.
Abbaayadey waxaa la tusaa, inay mar walba gurigan marti ku tahay, oo aysan joogeyn. Badi waalidku, ma tixgeliyo waxtarkeeda iyo wanaaggeeda. Waxaa la doorbidaa wiilasha, lana koolkooliyaa. Abbaayadey waxaa mar walba la dareensiiyaa, in ay guriga ka tahay shaqaale, ayna tahay in laga faa’iideysto inta ay joogeyso. Wali ma maqashay weertan lagu yiraa abbaayooyinkeen; “Heedhe, xoogga ma ninka ku guursan doona -aan kugu qasbi doonno- ayaad la sugeysaa, maad hawsha si fiican u qabatid?!” MAGAG!
Hadda la soco, oo keliya waxaa ka hadlay, intaan soo gaarey, ee waxaa jirtey, mar ay iyadu xitaa ahayd gaadiidka biyaha lagu dhaamiyo! Nal ma jirin, ee guri shan qol ah ayay dhammaan faynuusyadiisa galab walba nadiifin jirtey. Xaa ku indha xanuun ah! Ma aysan lahayn, loo mana oggoleyn, waqti ay ku faraxdo ama faceed ku la fiidsato. Dheel warkeed ha sheegin! Is la wareegto iyo carro weelo ayey ku suntamee muggaa!
Haddey baaddiyaha joogto, waxaa u dheeraa, dherikarinta iyo dhardhaqidda, inay dhaamiso, inay dhisto oo dhammaan agabka aqalka gacanteeda ay ku sameyso, waxaana ku guursan jirey wiilka. Xoolaha waxba ku ma aysan lahayn, halka wiil weliba maalinta uu dhasho, xoolo lagu xuddumi jirey, markuu guursanaya looga xoolo bixiyo, si gabadha loogu doono!
Dhib badan ayay qabtay, waliba qabtaa, haddana, dadka waxay ugu jeclayd walaalka laga jecelyahay, een haddana jeclayn! Abbaayo! Sidii in aysan ku fillayn intaas iyo in ka badan, waxaa yimid wahaabi gar weyn, tafo xaydan, oo leh; abbaayadiis waa nus dhan walba, aqli, diin iyo aqoolba!
Abbaayadeey abaal badan, anoo garwaaqsaday culayska iyo canaabta ay haysay, walina hayso, haddana, waxaan sii garwaaqsaday markii aan imid dunidan hormarsan, ee hawlo badan, oo abbaayadeey ay gacan ku qaban jirtay, walina ay ku qabto lagu qabto mishinno iyo makiinado.
F.G: qormadan waxaan u hibyeynayaa, labadeyda abbaayo; Dheeho iyo Fardawso, oo wax badan ii taray, walina ii tara. Guul ku waara.
Dhanka kale, dhacdooyinka qormada ku jira, dhammaan ma ahan wax aniga igu dhacay, marka laga reebo dareenka iyo tilmaamta guud, ee abbaayo BULSHADA ku dhexleedahay.