“Afka Hooyo” Hees
Tixdan “Afka Hooyo” waxaan ku maamuusayaa Hooyadeey F. X. C, oo in ay hadalka iyo hawraarta i bartay ka sokow, hadaaq badan ka dib, wali ii ah qaamuus iyo marjic, aan erayada iyo u la laabto, wixii afka igu adkaada.
Maanta waxaa la xusayaa maalinta adduunka ee afka hooyo, oo aan uga qaybqaadanayo tixdan kooban, ee aan uga hadlayo afka. Haddaba, tixdii waxay ku billaabatay sidan:
“Afka Hooyo” Hees
Umadi aqalkeeda
Udubka Dhigihiisa
Aloolkiyo cawska
Afsaarka albaabka
Halkaw ka abqaalmo
Amaw ka abuurmo
Dadow afka waaye.
Afkoo la ilaalsho
Awood iyo xoogba
Itaal u ma baahna
Adoo is xilqaama
Arradka ka dhawra
Inaad u adeegto
Ayaa u ah oontir
Eregta ka dhaafto
Amaah af kaleeto
Ayuu ku tarmaa.
Afkood isticmaasho
Idan u ma baahnid
Adaa amarkiisa
Ka talin arrintiiye
Adoo ambaqaado
Ayaa u ah oontir
Eregta ka dhaafto
Amaah af kaleeto
Ayuu ku tarmaa.
Sideeda Abbaayo
Abboowiyo Huunno
Afkaanu wuxuusan
Astaalihin maanta
Inay hesho aafo
Dadkaanu illoobo
Amaba alif leexsan
Aqoon xumo keento
Arboow ka ilaalsha
Dadkoo ambaqaada
Ardaasan ku dhawra
Ayuu ku tarmaaye.
Afkeenna qoraalka
Intuu is ku raaco
Shibbane idilkiisa
Shaqalka i su keena
Eraygii labalaabma
Ableynta dhigaalka
Xarfaha la adkeeyo
La dhigo isirkooda
Iyagoo labalaaban
U qora ururtooda
Aqoosha hikaadda
Ogaalka ku qaabi
Erayga nacfigiisa
Markaad aqrinayso
Adoon ku asqoobin
Awaal bixintiisa
Mucdana ka irdhoobin
Adkeynta habkiisa
Haddaadan ishaarin
Wuu kaa ambadaaye
Abaabul afkeenna
Ilaali qoraalka.
Adoon addin beelin
Lixdaada Ilaaheey
Ku siiyey Abboowe
Haddaan iba gooyo
Abuurka dhimaalo
Sideedaba iinta
Admaa i su keenay?!
Astaamaha kooban
Dhigaalka ekaaya
Alooska wanaagsan
Adoon degdegynin
Ilduuf ka ilaali
Ha aasin xuruufta
Xaqooda ku aabbur.
Alhuumada taalla
Araxdiyo Beerka
Urugta naga buuxda
Ayaamo na dhaafay
Illaa iyo maanta
Ubadka dadkeennu
Afkiiba ka leexde
Ajnabi luqaddiisa
Ingriisya Talyaani
Umadda lagu loogay
Ku oognay dhigaalka
Af kiisa qalaadna
Ilbaxnimo moodnay.
Carabta alifkeeda
Abuu waxay keentay
Inaan asalkeenna
Abuullanka diidno
Abkeenna fogaynno
Illownno dadkeenna
Umadda dhaqankeeda
Ayeeyo la ciilo
Awoowe la tuuro
Abtina laga reebin
Adeerna la gooyo.
Ninkaan amakaagin
Adduun ba ma joogo
Intaan indhahaaga
Argagaaxa haysta
Arkaayo abboowe
Ilmadu i ma dayso.
Ma joogo agtaada
Haddana uurkaygu
Wuxuu oogadaada
U yahay unug xooggan
Inkaarta ka daayoo
Afkaanu afkiibuu
Sidiisaba eeday!
Agoonnimo ciilka
Adoo ka koraaya
Ha tuurin astaanta
Abboow eraygayga
Ujeedka warkayga
Haddii an abbaaro
Waxaan uga jeedo
Hortaada ma eegtay
Alaabta ku daadsan?.
Adduunyo adduunyo
Ninkii ambanaaya
Iridda ma haleelo.
Ayaandarradooda
Aqoonyahankeennu
Muxuu af qalaadka
Agtiisa ku kaydshay
Afkiisana moodey
Waxaan anfacaynin
Awoodna lahaynin!
Abwaannada jooga
Kuwii beri iishay
La jiifiyey iilka
Dhammaan arartooda
Waxay ku asteeyeen:
“Afkaaga u hiilli
U hiilli ifkaaga
Erayga ugu hiilli
Addinka ugu hiilli
Indhaha ugu hiilli
Arradka ka ilaali
Ku aqri arartiisa
Adeegso tixdiisa
Ku dhigo alifkiisa
Astaan qaran waaye
Ku asal niyaddaada.”
Afkaagu afkayga
Miyuu u ekaynoo
Afkeennu ahayn mid?
Ishaarada toosan
Waxaan ku iraahday
Waryaada Aryaada
Walaalo is raacsan
Ar Boowiyo Huunno
Arrow iyo Awga
Allow umaddeyda
U yeel arag fiican .
Haddeer iyo egga
Afkeenna dantiisa
Inaan u istaagno
Intaan ka awoodno
Ballantu ha ahaato
Ballantu ha ahaato
Ballantu ha ahaato.
Dhammaad.
21/02/2014
Bashiir M. Xersi