Anigoo Roon bay i rogtey.
Mahad wuxuu u xidhxidhay Socdaal dheer oo laysaga gudbayo, waddamada Jarmalka , Swiska iyo Talyaaniga, Socdaalkaas oo dhulka ah, oo baabuur lagu marayo, waa hubaal inuu waqti badan qaaddana doono oo saacado ah.Mahad wiilashii waa la soo dardaarmeen wixii talo iyo tusaalena ahna waa u sheegeen ee socdaalkiisa ku aadaana, waxayna kula dardaarmeen meeshii lagu qabto inuu lafteeda iska dhiibo oo aanu cabsan, maadaama uusan lahayn faro waddan kale ka yaalla oo uu magangelyo weydiistay, waana loo soo duceeyey, goor habeen badh ahna waxaa u yimid, Ninkii Qaadwalaha ahaa oo laba nin oo kalena la socota, waxayna guda galeen socdaalkoodii dheeraa.
Habeenkii ayaa guure lagu soo dhaqaaqay, wixii hadba meel laga soo dhaco, isaga dhulku waa isugu mid, meelna ma yaqaan, Ragga kale waa qayilayaan, waana Fayaan iyo Murqaan isagu waa daalay wuuna iska seexday.
Waa soo gudbeen Xadkii laga baqayey ee Switzerland, balse, meel dhexe markay marayeen ayey ku soo dhaceen, Bar Kantarool oo ay ciidama booliis ahi dhex dhigteen Jidka weyn ee Haloosiga ah(High way)ga, waa la istaajiyey, ka dibna waxaa la weydiiyey, sharciga baabuurka iyo aqoonsi, balse, iyadoo is wareysigii lagu jiro, ayaa waxaa la arkay Afkooda oo Cagaaran, taasoo ciidanka mid ka mid ahi fahmay iney qaad cunayaan, markii la ogaadayna waa la baadhay, mise gaadhiga ayaa 10 Jawaan oo mid 100 xabbo oo qaad ah sida.
Markaasaa dhammaantood lagu amrey inay dhulka soo degaan, Booliiskiina waa isu habarwacday, Markii aqoonsiyadii laga qaaday, waxaan haysan wax aqoonsi ah, Mahad, Mahad isaga waaba la jeebeeyey, waxaa markiiba la keenay Baabuur qafilan waxaana loo taxaabay Xabsiga.
Qof walba waxaa lala galay qol, waxaana loogu dhaqaaqay, su’aalo weydiin iyo xog wareysi, Mahad naxdini uma dhina waayo, markuu maqlay, waxaad sidaan Darogo qaadkuna waa daroogo, waxaadna mudaneysaan ciqaabta dalka u taal, ayuu wuxuu isku ciil kaambiyey, maxaa ku soo raaciyey, waxaad ku qaamoowday, gar iyo mag la’aan, wax aadan adigu gelin iyo fal aadan shaqo ku lahayn ayaad ku xidhantay.
Markii la wareystay ayuu go’aan ku gaadhay inuu runta sheego, oo yidhi nimankan waxay iga soo qaadeen Jarmalka waxaanan u socday talyaaniga Yurubna sidaas ayaan ku soo galay mana jiro waddan aan iska dhiibay, Askarigii ayaa u sheegay ninkii darawalka wareysanayey intuu bannaanka ula soo baxay, inuu wax ka weydiiyo wiilka yar.
Nasiib wanaag Salaad oo ahaa darawalku wuxuu sheegay sidii uu u sheegay inuu lacag ka soo qaatay, rakaabna yahay uusana waxba ka ogeyn arrinkan, Askarigii ayaa usoo noqday, wuxuuna u sheegay inuusan wax dambi ah lahayn, Xabsigana u hoyaneyn, balse, uu xor u yahay inuu dalka iska dhiibi karo, hadduu doono oo magangelyo doon yahay.
Mahad markaan wuu quustay hadduu xabsigii ka badbaaday ma jirto doorasho wuxuu u sheegay inuu is dhiibayo, Askarigii ayaa bannaanka ula soo baxay, wuxuuna u dalbay kafee, markaas ayuu wareystay ma jirtaa wax aqoonsi ah oo aad dalkaaga ka haysato, Mahad ayaa aamusay, Askarigi ayaa fahmay wuxuu yidhi:“ Aqoonsiga aad dalkaaga ka haysataa wuxuu kaa caawinaya, in aanay Soomaalinimadaa madmadow gelin, sidoo kale waxaa kuu fududaanaysa in dacwadaada la dhegaysto, haddaad qaaradan soo gashay haka cabsan in Soomaaliya lagugu celiyo ee xuquuqdaada hayska aasin arrinka aan kuu sheegayo waa mid sir ah layma ogola ee haddaad aqoonsi haysato diyaarso“
Mahad ayaa hadalkan ku qancay sida wanaagsan ee ninku ugu faahfaahiyey, ka dib ayuu u sheegay in shahaadooyinkiisii dugsiga sare iyo Pasporkiisii oo ay ugu jiraan emailkiisa, balse, hadda uusan aqoon meel uu ka soo daabacdo, Askarigii ayaa xafiiska kula noqday, wuxuuna soo daabacday Dokumentiyadii, wuxuu usoo geliyey bushqad, Askarigii ayaa wuxuu u wacay telefoon wuxuuna u wacay Taxi, waxaa la siiyey warqad yar oo magiciisu ku qoran yahay taasoo ahayd aqoonsi Hoteelka loo direy aysan u diidi karin, waxaana la siiyey, Khariirada meesha layska dhiibo iyo warqad kale oo wareysigii laga qaaday ku qoran yahay oo uusan fahmayn oo Af Jarmal ah.
Mahad waxaa loo sheegay inuu caawa Hoteelkaas u hoydo, Berina Tigidkaas qaato oo uu tago meesha layska dhiibo, oo tareen loo raacayo ilaa ugu yaraan 50 Daqiiqo magaalada uu joogo, Mahad haatan waa ilbax oo Tareen iyo Bas sida loo raadiyo, wuu yaqaan, wuxuu habeenkii telefoonkii Hotelka kala xidhiidhay eedadiis oo sugeysay waana u sheegay arrinkii dhacay, balse, eedadiis iyo qaraabadiisii kale waa ka biyo diideen tallaabada uu qaaday, iyagoo u sheegay inuu ka baxsado Hoteelka oo ay dad kale u soo dirayaan, isaguna wuu ka diiday arrinkaas.
Mahad wuxuu tegay Xeradii dadka magangelyo doonka ahaa, waxaa loo dhiibay warqad waxaana la yidhi is diiwaangeli, Magacaaga, Da’daada, meeshaad ka timid, waxyaabaha ugu yaabka badnaa, warqada waxaa ku qornaa Af Soomaali, balse, markuu marayey meesha Jinsiga ama kala saarista Labka iyo dhediga ayaa waxaa ku qornaa, Jinsi: LAB , DHEDIG, WAX KALE?!
Mahad weligiis ma arag Foom la buuxinayo, oo ay ku qorantahay wax kale wuu fahmi waayey, ka dib ayuu wuxuu weydiiyey mid shaqaalaha ka mid ah, Maadaama Saddex Af ku qornaayeen maxaa loola jeedaa? Ninkii shaqaalaha ayaa ugu warceliyey, “ isagoo qoslaya: Waa dadka jinsigoodii ka guurey, ee Jinsi kale u guurey Rag iyo dumarba kay doonaan ha ahaadeen“ Arrintan ayaa Mahad ka yaabisay, wuxuuna iskula xanshashaqay:“ Wallee inaan dhul aan kala dhaqan iyo diin nahay imid, waxaa caddeynaya waxaan ceebta u aqaanay inaysan ceeba ka ahayn oo laysku diwaan gelinayo“.
Mahad wuxuu galay xeradii, waxaana la geeyey, Qol ay taallo, Lix sariirood oo laba laba isu saaran, waxaana ku jira oo la degan qolka dadyoow Jinsiyaddo kala duwan, waxaana la siiyey, Kaadh loo sheegay inuu u furayo Khaannad ka mid ah, Armaajooyin iyo kabadhada dharka oo meesha yaal, waxaa la siiyey, Daawada Cadeyga iyo Brush, waxaana laga reebay dhammaan wixii qalab Koronta ahaa, ahaa iyo dhammaan waraaqihii uu sitey, kuwii aqoonsigiisa caddeynayey iyo kuwii Booliisku soo siiyey.
Mahad waxaa la siiyey warqad ay ku qorantahay habdhaqanka iyo hannaanka xerada, waqtiga wax la cuno, waqtiga la seexdo, waqtiga bannaanka loo baxo, waqtiga shaqooyinka la qabto nadaafadda, oo loo sheegay inuu maalinba meel ku qoran yahay, Bannaanka, Muraayadaha, Qolalka, Musqulaha, Jikada iyo Barxadaha, wuxuu aad ula yaabay nolosha cusub, hase yeeshee wuxuu ku gunnaanaday, “Qayrkaa wuxuu qabo qasaare kuugu dhan“
Mahad waxaa looga yeedhay qaybta Xafiisyada magaciisa ayaa laga naadiyey Codbaahiyaha, waxaana lala galay, qol. Isagoo loo sheegay inuu maanta marayo, Baadhitaanka caafimaadka ee dhiigaga iyo Talaal wada socda, sidoo kale in isla maanta laga qaadi doono, Faraha loona samayn doono Aqoonsi ku meel gaadh ah oo hadduu dibadda u baxo, tusi karo ciidanka Booliiska iyo haddii wax ku dhacaanba.
Mahad wuxuu haystay waxoogaa hadhaadi u ah lacagtiisii hore iyo lacag kale oo Booliisku siiyeen habeenkii si uu cunto ugu cuno, wuxuu la xidhiidhay waalidkiis,. Wayna ku farxeen kuna qanceen markuu uga warramay sida ay u dhacday arrin, waxayna ugu duceeyeen in meesha alla ku ammaansado.
Mahad kuma dheeraan inuu ku sii jiro Xeradii layska dhiibayey, waxaana loo soo beddelay, laba toddobaad ka dib waxaa loo beddelay, Xerada uu hadda degan yahay, waxaana la dejiyey, Qol isaga iyo wiil kale oo ka soo jeeda waddanka Bangaladeesh, wuxuuna hadda la qabsanayaa nolosha keli noolaanshaha iyo maareynta dal iyo dad aannu aqoon.
Waa tan keentay maanta inuu keligiis kaxaysto Baaskiil kuna soo wareego, agagaarka degmada uu ku noolyahay, waana sababta keentay iney is bartaan isaga iyo dhallinyaradii ay ku kulmeen jidka.
La soco qaybaha kale
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Galayr777@gmail.com