AWOODDA AAMUSNAANTA!
Annaga oo ku jirna fasal Ingiriisi ah oo baranayna weeraha sarbeebaysan (idioms), ayaan macallinkeenna luqadda ka maqlay isaga oo leh (Talking is silver but silence is gold). Oo macne ahaan noqonaysa “Hadliddu waa qalin (macdan) aamusnidu se waa dahab. Intaa ka dib ardayda iyo macallinkaba waan ka haray. Bad ii gooniya ayaan dabaashay. Mawjado is wada hirdiyaya ayaan wajahay. Indhahaygu way i mililig lahaayeen. Jirku waa uu i jaraynayay. Maskaxdu waa i buuxsantay is la markaana faaruq ayaa ay ahayd. Illin ayaa iga socotay. Cid arki kartay ma jirin. Waa ay qallalnayd. Haa qallayl. Wadnuhu waa i garaacmayay. Cid dareemi kartay ma jirin. Weligay, haa weligay sidaasaan ahaa.
Ma aragtay ilmaga shibbanaha ah oo ‘kaa waa maskiin’ la yiraahdo? Kaas oo kale ayaan ahaa. Qof walba waxa uu i su’aali jiray ‘maxaa aad la aamusantahay?’ kuwana waxay si qiiro leh ii dhihi jireen ‘waa maskiin.’ Haa maskiin waan ahaa, laakiin ma ahayn maskiin dabiiciya. Ugu yaraan ka dadka ay igu suntayeen oo kale. Maskiin argagaxsan ayaa aan ahaa.
Yaraantaydii, waalid iyo walaalba waan u dhego nuglaa. Wax la ii diro la ma aan soo habsaami jirin, oo saaxiibbo badan oo dhex igu mashquuliyaa xaafadda ku ma aanan lahayn. sidoo kale xoog-dhabiil ma ahayn, qofkii wax i diraba waan u ordi jiray. Saa darteed qof walba oo xaafadda jooga aniga ayuu jeclaa in uu wax ii dirsado. Laakiin hal caqabad ayaa jirtay.
Waxaa jiray isbitaal weyn oo agtayada ku yaallay. Isbitaalkaa waxaa la keeni jiray dhaawacyada nuucyadooda kala duwan. Mid uu gaari soo dardaray, mid baangad lala soo dhacay. Mid ay wiifto soo heshay. Mid la soo toorreeyay. Mmid dhagax lagu soo daqray. Mid dagaal ku soo waxyeeloobay. Nuuc kasta.
Waxaana la ga ma maarmaan ahayd in aan hormaro isbitaalkaa saa waxyaabaha maalinlaha ah ee inta badan la ii diro ayaa xaggiisa jirayee, sida maqaaxida, dukaanka, harqaanka, cabitaanlaha IWM.
Mar kasta oo ruux dhaawac ah oo isbitaalka loo sii wado aan arko waan damqan jiray. Daqnasho ka wayn waxaasiye argagax aan iraahdo. Mararka qaar naxdin darteed aniga oo luudaya lugahana ay igu culusyihiin ayaan imaan jiray. Muraaradillaac.
Qof walba wixii uu ii dirsaday ayuu iga qaadan jiray. Midkoodna i ma su’aali jirin wixii aan soo arkay. Aniguna u ma aan sheegi jirin. Waxyaabaha qaarkood ee aan soo arko habeenkii ka ma aanan ladi jirin. Aniga oo oynaya is la jeerkaana barkinta wajiga ku haysta si aan hinraagayga loo maqlin oo is oranaya maxaa ay qofkaa (dhaawacaa) waxaasi ugu dheceen? Ayaa aan gam’i jiray. Naxdimaha qaar ayaa hurdada igu dhax silic-dilyayn jiray. Qaraw. Subixiina aniga oo indha bararan ayaan soo kici jiray.
Dugsi iyo iskool, kii aan aadi lahaa ayaan isku diyaariyaa. Si kale aan kugu dhigee argagaxa maalin laha ah ee labadaas goob iga soo helo ayaan isku diyaariyaa. Waxaan halkaa ugu tagaa dad waawayn oo bilaa farxad ah. Ul ayaa ay sitaan. Waxay u sitaan duul qarracan. Qaar ayaa xittaa carrabka nagu dili jiray. Wallaahi boqol jibbaar ayaa ay xanuun badnaayeen. Booguhuna waa ay nagu sii badan jireen. Maalinta ay wax helaan uun ayaa ay muusoon jireen. Inta kale sida bahalladii ayaa ay na cuni jireen ama naga bajin jireen. Waxa aan is dhahaa, haddii iskuul insaaninnimada lagu barto uu jiri lahaa macallimeenteennuna arday ka ahaan la haayeen, keliya, casharrada ay bartaan ayaa ciqaab ugu filnaan lahaa.
Aniga, wax kasta oo dhiba ee i soo gaara jir iyo maskaxba waxaa iga dhayi jiray oo iga dawayn jiray aamusni. Waxa ay i bartay jirkayga uun inaan ku hoos noolaan. Waxay igu dalxiisisay goobo badan oo aan ku qalbi doogsado. Casharro dhaxalgal ah ayaa ay ii dhigtay. Waan jeclahay ka ma xiisodhaco. Iyaduna waxay iga hinnaastaa marka aan hadal is ku naabnaabo. Waa is dookhannay. Waa mataantaydii. La’aanteed waan dumi lahaa wax badanna dumin lahaa. Dadka aamusanna waalida aamusnidooda waxbaa ku maldahan. Wax in la dareemo mooyaanee in la fahmo ka qotodheer. Ka jooji su’aasha ah “maxaa aad la aamusantahay?’’ maxaa yeelay daacad uga ma jawaabi karno.
Mahadsanid.
W/Q; Cabdullaahi Cabdiraxman Maxammed