Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta 18aad
Waxaa socday dadaal walba oo xaashi xabsiga looga soo saari karo, maryan waxay la wadaagtay c/ rashiid in telkeeda uu ka jeebsiibay nin ay tilmaan ahaan tilmaantay oo lagu magacaabo Axmed dhanka wajigana daqar ku lahaa, isla markii c/rashiid wuu gartay wuxuuna raadin ku bilaabay halka laga heli karo isaga oo booqasho ugu tagay nin la dhaho saalax doonyaale oo xaashi iyo boqortooyadiisa u qaabilsanaa dhanka alaab ku kala wareejinta Badda.
Saalax doonyaale wuxuu ahaa nin Khibrad u lahaa dhanka badda, wuxuuna lahaa dooman badan oo uu uga shaqaysan jiray badda, isaga iyo xaashi saaxiibo ayey ahaayeen laakin sida xaashi xanuunka ugu dhacay waxaa si hoose ugu carab laalaadiyaya taliye daacad oo markaa lahaa qorshe uu xaashi uga takhallusayo saalax doonayaalana tusiyay in awood dheeraad ah uu heli doono.
Saalax damac ayaa ku jiray, maadaama uu maqlay xaashi xaaladiisa, sidoo kale wuxuu ogaaday in taliye daacad uu hadda ka hor ku dayay C/rashiid in uu la wareego madaxtinimada boqortooyada xaashina usoo gacan galsho.
Saalax ayaa yiri ku yiri c/rashiid “maad adiga na hogaamisid maadaama uu odaygu sii xanuunsanayo boqortooyadana ay u baahantahay hogaan khibrad leh sidaada oo kale”
C/ rashiid ayaa u sheegay in arrinta uu ugu yimid aysan sidaa ahayn ee uu doonayo in uu meel ugu sheego Axmed kaluumayste.
Saalax oo tilmaamaya ayaa ku yiri ninkaas waayahan dhaqaala xumo ayaa haysay marka baqti walba oo wuu cunayay, waayahan wuxuu ahaa nin la gadan karay, waana la socdaa in waayadan reer muuse iyo yaasiinkooda bahalka ah uu ku lug lahaa.
C/ rashiid isla markiiba wuu soo qabtay axmed wuxuuna u sheegay Haajir oo uu ku yiri “waa kan furaha xaashi xabsiga uga soo bixi lahaa” haajirna si xun ayuu u ciqaabay ilaa uu ka qirto dambiga uu sameeyay, laakin wuxuu u sheegay in ay ka dambeeyaan arrintaas Mahad iyo Yaasiin.
Axmed kalluumayste isla markiiba sida haajir amray ayuu sameeyay taas oo ahayd in uu tago booliska qirtana dambigiisa, iyo in uu isaga yahay ninka telka ka xaday maryan qorshahana uu ahaa in xaashi sidaa lagu shirqoolo, xaashina uusan ku lug lahayn Qarax lagu soo eedeeyay.
Xaashi xabsiga waa laga soo daayay, inta uu xabsiga ku jiray wax badan ayaa dhacay oo is baddala ah, reer muuse waxay tartiib ula wareegayeen awooda boqortooyada, reer xaaahi maadaama ay dhaqaala badan lahaayeen hadana sii ahaayeen qoys ku shaabadeesan Qarxin iyo khalad iyo quudin sharci darro ah.
Xaaahi isla markiiba isaga iyo haajir waxay bilaabeen qorshahooda lagu cirib tirayo reer muuse.
C/ rashiid dagaal hoose wuu kula jiray xaashi laakin hadana ma doonayn in xaashi la dhibaateeyo oo aabihiis oo kale ayuu u ahaa, wuxuu dib u milicsaday sida naxariista leh ee uu xaashi usoo korshay iyo sida hagar la’aanta leh ee uu wax usoo baray hadana ugu aaminay howlaha noloshiisa oo dhan.
C/ rashiid xabsiga ayaa loo taxaabay kadib markii nin la dhaho Faarax makaanic oo ka mid ahaa ragii uu c/rashiid ku qaraaban jiray uu eedayn ahayd in uu dhibaato u geystay goobtiisa ganacsi uuna ku jir dilay.
C/rashiid waxaa loo sheegay waddada kaliya ee uu xabsiga uga bixi karo ay tahay in uu faarax makaanic eedayntiisa dib ula laaabto.
Maryan oo kusoo booqotay xabsiga ayuu u sharraxay sababta uu xabsiga ku galay iyo sida fudud ee haddii Faarax laga dhaadhacsho in uu la laabto eedayntiisa uu kusoo bixi karo.
Maryan waqti badan ma lumin isla markiiba Faarax makaanic ayey u tagtay waxay kula heshiisay in uu la laabto dambigiisa iyana ay bixinayso mag dhowga hantida uu sheegay in laga burburshay, faaraxna si fudud ayuuba ku aqbalay arrintaa, maadaama sababta ugu weyn ay awalba ahayd dhaqaale xumo soo wajahday.
C/ raahiid xabsiga waa laga soo saaray kadib markii uu si hoose ula heshiiyay taliye Qaadir oo ka codsaday wada shaqayn.
Wada shaqaynta ayaa ahayd in c/rashiid uu ogyahay marqaatigii caddayn kara dilka xaashi dilay Tima jilic.
C/rashiid wuxuu ogaa qasnad walba uu xaashi wax ku qarsan karo, wuxuu ogaa marqaaitigaas halka uu joogo oo uu haajir ku qariyayay kuna xanaanayn jiray.
In xaashi dambigiisa lagu soo xiro oo uu isagu xabsiga dhigo, wuu ogolaa C/rashiid waana sababta uu haatan ula shaqaynayo taliye qaadir oo isaga naftiisa cadaawad shaqsiyadeed u qaba Xaashi, laakin waxaas oo dhan waxay ka mid ahayd shaxda Xaaahi iyo C/ rashiid ay u wada qorsheeyeen in ay uga takhulusaan dhamaan inta ugaarsanaysa.
Taliye daacad marnaba kama dhaadhacayn in c/rashiid yahay daacad, taliye qaadir oo dhowr jeer u sheegay taliye daacad in C/rashiid uu iyaga la shaqayeeyo, wuu aamini waayay wuxuuna yiri Doofaar ma daahirmo, c/rashiid waa mashiinka xaashi uu ku dhaqaaqo, wax walba wuu ogyahay, laakin lagama yaabo in uu marnaba xaashi xabsiga noogu soo gacan galiyo, taliye qaadir kalsooni darradaas ku jirta Taliye Daacad ma qabin.
C/rashiid si uu kalaoonida taliye qaadir u kasbado ayuu soo helay marqaatigii la doonayay ee Xaashi ku marqaati furi lahaa taliye daacadna waa la soo tusay halka lagu hayo.
Maryama oo booqsho mahada celin ah ugu timid c/rashiid ayaa kula kulantay gurigiisa qoyskii ku marag furi lahaa aabaheed xaashi balse waxay u sheegeen in ay qaraabo dhow la yihii C/rashiid.
C/ rashiidna kama shakin maryamo isla markiiba wuxuu u sheegay in qaraabadiisa oo soo booqtay ay yihiin kuwan.
Maryama oo waayadan amaankeeda loo baqayay loogana cabsanayay Yaasiin iyo kooxdiisa ayaa loo soo raray guri uu markaa haajir amaankeeda ku sugayay.
Haajir wuxuu ogaaday in lala baxay marqaatigii uu waligiis qarin jiray, xaashi ayuu u sheegay in marqaatigii lala tagay, baritana ah marqaati furi doonaan.
Xaashi iyo Haajir wal wal ayaa la soo gudboonaaday wax ay qaban kareen ma jirin, jaaniska ugu wanaagsannee lagu soo xiri karo ayuu gacanta ku dhigay C/ rashiid.
Xaashi kalsooni ayaa ka muuqatay halka hajir oo waaydan dambe aan la dhacsanayn C/rashiid, dhowr jeer oo uu isku dayay in uu ka takhalusana uu xaashi ka diiday ayaa ku calaacalay haddii aad mar hore ii dayn lahayd maanta dhibkan kuma jirnayn laakin xaashi ayaa yiri c/ rashiid waa wiilkayga oo kale, xabsiga isaga ayaa iga soo saaray waan hubaa in uusan i waxyeelaynayn ee aan sugno, laga yaabee in arrintan uu qorshe kale ka leeyahay.
Subixii marqaati furka dhamaan taliye daacad iyo qaadirba gooska dambe ayey ka qoslayeen oo maanta waxay u ahayd maalinta xaashi xabsiga lagu hibsan lahaa.
Xaashi wuxuu ogaa in dhamaan magaalada oo dhan laga doonayo, laakin mar walba oo sawirkiisa la sii xumeeyo dib ayuu uga soo kabanayay sida qarixii lagu nabay hadana marqaatiga la keeni doono ee dilka tima jilic.
Waxay ahayd subax la wada kacsan yahay oo qolo walba neefta ku dhagantahay, c/ rashiid ayaa ahaa ninka ciyaarta dhinac u baddali karo, ciidama badan ayaa waddada lagu daadshay halka haajir uu isaguna ciidamadiisa qarsoon bar walba iyo goob walba ku daadiyay, waa haddii C/rashiid isku dayo in marqaatiga gacan galsho.
Subax la is wada sugayo ayey ahayd, saacaddii lagu ballansanaa markii la gaaray ayuu c/rashiid gaari kuwa xamuulka ah oo aan la fahmi karin kusoo qaaday qoyskii marag kici lahaa, laakin markii uu maxkamadda horteeda yimid balse labadan ciidanba mid gartay uusan jirin ayuu maskaxdiisa baddalay, lacag fiican inta siiyay qosykii masaakiinta ahaa ayuu ku yiri “mar dambe yaan magaaladan la idinku arkin, xaashi waa nin awood badan meel walba wuu idinku qaarijinayaa, xitaa xabsiyada dad ayuu ku leeyahay, askarta badankeedna isaga ayey u shaqaysaa ordaha iska taga oo nolol cuab bilowda”
Inta u mahad celiyeen ayey ka aqbaleen dalabkiisa, wixii lacag ahaana way ka qaateen ayaga naftooda sidaas ayaa u roonayd oo ma doonayn in ay ku dhex lug yeeshaan qalalaasahan siyaasadeed uu dhaxeeyay Booliska iyo Xaashi.
C/ rashiid sidaas ayuu ku dhagray xukuumadda, marqaatigii la sugayayna sidaas ayuu ku dhamaaday warkiisa, xaashi iyo haajir neef wayn ayaa ka soo fuqday xaashina wuuu ogaa in uusan c/ rashiid sidaas ku samaynayn,laakin wuxuu amray in c/rashiid loo keeno haajirna dhagta ayuu soo qabtay C/rashiid.
Xaashi markii loo keenay c/rashiid ayuu ku yiri si fiican ayaad uga warqabtaa sharcigeena, ninka booliska daba dhilif u noqodana waad ogtahay waxa uu mudan yahay, maanta waa maalintii kuugu dambaysay laakin waxaa iga su’aal waan ogahay in aadan dilkayga doonayn, sidoo kalana doonayn in aan xabsi galo, hadana dagaal hoose ayaad igula jirtaa oo boqortooyada aad dhismaheeda qaybta ka tahay ayaad duminaysaa, waana dumisay runtii oo maanta Muuse nama soo haweysan lahayn haddii adiga iyo xaaskayga siciido aadan sababi lahayn dhibka nagu dhacay.
C/ rashiid oo hadalaya ayaa yiri waa runtaa dilkaaga iyo xabsi gayntaada ma doonayn marnaba, wiilkaaga in aan ahay ayaan mar walba aaminsanaa, aabahaye ayaa gacantaada ku dishay, taas kama xumaan oo waxaan uga samray koriimada iyo karaamada aad sida wiilkaada ii siisay, waxaanse ka xumaaday in aniga oo cid iga mudan aysan jirin aad banaanka iga dhigtay dhaxalka iyo maamulka boqortooyada, waliba aad igu tiri taani waa mid qoyseed, aniga qoyskaaga ma ahayn miyaa, wiilkaaga in aan ahay soo iima sheegi jirin, ima qabato sidaas.
Xaashi iyo c/rashiid waa isku gar naqsadeen ugu dambayntiina waa heshiyeen waxayna ku heshiiyeen in meel looga soo wada jeesto cadowga soo socda ee reer muuse.
Wuxuu sharraxay C/rashiid sababta ka dambaysa in marqaatiga uu soo qabto kana baxiyo gacanta Xaashi, isaga oo sharraxayana wuxuu yiri” waxay ahaayeen qoys masaakiin ah, in ay nolol caadi ah oo midda adiga Haajir aad ku hayseen mid ka baddalan oo ka wanaagsan aan siiyo ayaan doonayay, sidoo kale waxaan ahay sirdoon la Shaqeeya taliye Qaadir, taasna waxay ahayd heshiis ku dhacay sababta aan xabsiga uga soo baxay, balse uma galin heshiiskaa in adiga Xaashi ah kugu marag furo xabsina kugu dhigo, ee waxay qayb ka tahay qorshaheen cirib tirka cadowga dhinac walba naga ugaarsanaya” isaga oo la kaftamaya haajirna wuxuu ku yiri ” adiga sida wax loo dilo ayaa ku fiicantahay, anigana sida wax loo dhagro, aamin darrada kugu jirto iska dhaaf, Xaaahi haddaan rabo in aan waxyeeleeyo furasado badan oo ku waxyeelayn karo waa isoo mareen waana haystaa haddaba.
C/rashiid waxaa loo balan qaaday in lagu wareejin doono boqortooyada taas oo ahayd riyadiisa, taas baddalkeedana uu c/ rashiid qayb ka noqdo soo af jaridda awooda sii balaaranaysa ee reer muuse.
Sidoo kale waxaa lagu qorsheeyay Shax cusub oo loogu dhameynayo labada dhinac booliska iyo reer muusaba.
C/ rashiid waxaa loo tilmaamay in qaybta sirdoonka uu sii ahaado, booliskana uu xiriir la sii sameeyo sida uu hadaba ula sameeyay xaashi iyo haajirna ay dhanka maskaxda iyo awoodaba kula dagaalaan dhamaan cadowgooda is bahaystay.
La soco qaybta 19aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor
Laashin, waa mareeg loogu talogalay, kobcinta iyo lafogurka, arrimaha ku aaddan; dhaqanka iyo hiddaha.