Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta 11aad
Ilaa xad wuu ku guuleystay ayaa la dhihi karay Muxudiin
hanashada kalsoonida maryan, intaas oo kaliya ma ahaynee wuxuu muujiyay in uu
dareen jacayl u hayo iyana waa ka aqbashahay.
Waxaa bilowday waayo farxadeed, muxudiin waa sirdoon loo soo
diray in uu xaashi shaqadiisa baaritaan ku sameeyo maadaama xaashi xiriir
caalami ah kala dhaxeeyo madax badan oo caalamka, sidoo kale uu lacagahooda
kala wareejiyo.
Muxudiin magacya badan ayuu lahaa, dhowr magac uu
sirdoonimada ku isticmaali jirayna waxaa ugu diiwaan gashan in uu dhintay waa
hore, magiciisa dhabta ah ayaan sheekada ku wadaa, laakin waa nin shaqa badan
oo aad usoo jiidasho badan, adaab iyo xushmadna kusoo jiita cid walba oo la
shaqayso, indha daacad ah, socod iyo qaab uu ku muujinayo in uu yahay nin ka
nadiif ah xumaan oo dhan ayuu muujiyaa, shaqadiisa xisaabiyanimo aad ayuu ugu
wanaagsan yahay, sidoo kale waa nin ku takhasusay jabsashada sirta ku keydasan
kumboyuutarada, waa nin aqoon balaaran u leh shaqada uu qabanayo,
laakintakhasusukiisa qaaska ah waa Qareenimo, waa booska uu shirkadda ka joogo
C/rashiid, laakin ay usii dheertahay in uu u dhaqmo sida wiilka milkiilaha
shirkadda waana gacanta midig ee xaashi.
Muxudiin waxaa shaqaalaysiiyay C/rashiid, wuxuuna ugu xushay
xirfaddiisa, mase ogayn in sidiisa oo kale qareen u yahay, daacadna u muuqdo,
in uu xaashi soo jiitana in badan isku dayayay, taasna waa midda ka dhigtay
xiriiriyaha Xaashi iyo gabadhiisa Maryan.
Waxaa iska horimaanayay shaqada iyo darajada uu sii kasbanayay
muxudiin iyo tan c/ rashiid, sidoo kale waxaa jiray damac jacayl oo qarsoon oo
c/ rashiid u hayay maryan, muxudiiina sidoo kale laga dareemayay damacaas, taas
oo ay usii dheertahay in xaashi aaminayay, hadana uu leeyahay mid la mid ah
xirfadda qareenimo ee uu leeyahay isaga.
Dhamaan intaas oo astaamood marka la isku geeyo c/ rashiid
waxaa usoo baxday in qorshihiisa uu kula wareegi lahaa boqortooyada xaashi ay
soo wajahday qatar cusub, qatartana ay ka imaanayso muxudiin haddii aan si
dhaqsa ah looga hortagin.
C/ rashiid wuxuu go’aansaday in uu baartaan gooni ah ku
sameeyo Muxudiin, wuxuuna soo ogaaday in muxudiin leeyahay Xaas iyo wiil maryan
aysan ogayn.
Jaanis ayey u ahayd uu maryan kaga niyad jabiyo ,isla
markiiba maryan oo waayadan la liicaysay farxadda jacaylka ay u muxudiin u
qabto ayuu uga naxsday Sawirro muujinaya waxa uu muxudiin ku eedeynayay.
Maryan aad ayey uga niyad jabtay muxudiin, mar dhow ayey
ahayd marka uu ka tuugayay in ay aaminto beena uusan mar dambe u sheegeyn,
laakin arrintan muxuu ku macnayn doonaa Muxudiin?
Waxaa bilowday isku dhaca muxudiin iyo maryan, muxudiin
markan way ku adkaatay in uu maryan ka qanciyo waxa ay tabanayso iyo su’aalaha
daran ee ay shaqsiyaddiisa ka waydiinayso.
Muxudiin ugu dambayn wuu u qirtay in uu wiil leeyahay balse
wuxuu ku dhaartay in xaaskiisa ay waa hore kala tageen, maryana laga doonayo in
ay aaminto.
Maryan waxay u sheegtay muxudiin in aysan aqoon sida loo
aamino shaqaalaha aabaheed oo dhan, xitaa aabaheed aysan aaminsanayn, magaalada
oo dhanna aabaheed leeyahay iyadana ay doonaysay oo kaliya nolol caadi ah oo ka
madax banaan wax walba oo la xiriira aabaheed.
Maryan waxay u sheegtay Muxudiin in ay doonayso in ay waqti
qaadato kaligeed, ay uga fakarto codsiga labaad ee muxudiin ee uu uga dalbanayo
siinta fursad labaad.
Iyada oo rog rogaysa sawirada lana yaaban cidda ay ka timid
ayey si hoose u eegtay, sawirkuna maadaama uu ahaa sawir lagu qaaday taleefon
qofka laga qaadayayna uu taagnaa meel muraayad ah wuxuu wada sawiray dhamaan
wax walba xitaa kii wax sawirayay oo ahaa c/ rashiid.
Isla markiiba maryan waxay ka hortagtay c/ rashiid una
sheegtay in ay ogaatay in uu isagu yahay kan sawirka usoo diray balse waxay
waydiisay sababta iyo faaiidada ugu jirta.” waan kuu digayay oo kaliya
ayuu hadal ugu soo koobay C/Rashid.
Hooyo Ruqiyo iyo wiilkeeda Guure waxay isla garteen in ay
muhiim tahay in laga takhaluso Yaasiin mooryaan, hooyo ruqiyana wiilkeeda waxay
la wadaagtay shaqada uu shaqaalahooda kula wareegayay intii uu xabsiga ku jiray.
Guure wuxuu isku haystay in shaqaalihiisa ay gacanta ugu
jiraan balse mar hore ayuu la wareegay yaasiin mooryaan, laakin yaasiin
mooryaan wuxuu ahaa mid sugaya waqtigiisa, riyadiisana mar walba waxay ahayd in
uu la wareego jagada guure.
Yaasin mooryaan isaga naftiisa qoshihiisa ayuu dagayay,
wuxuuna go’aansaday ka takhulisdda xaaska guure iyo hooyo ruqiyo.
Wuxuu maleegay shirqool uu xaaska guure ugu ekeysiinayo in ay
saaxiib la tahay mid ka mid ah shaqaalihiisa taas oo sababtay in guure xanaaq
dartii u dilo xaaskiisa.
Yaasiin hal dhagax ayuu dhowr shimbirood ku dilayay, reer
guure in uu soo gabagabeeyo ayaana ka go’nayd.
Hooyo ruqiyo iyo guure waxay la ballameen xaashi una shegeen
in yaasiin oo kaligiis ah uu ku sugan yahay gurigiisa waqtiga munaasabka ah ee
laga takhalusi karnaa uu hadda yahay, laakin yaasiin oo ogaa qorshahaas ayaa ka
cararay meesha, wuxuuna u baxsaday guriga Maryan, halkaas oo uu doonayay in uu
uga takhuluso Maryan sidaasna xaashi uu uga aarguto.
Xaashi iyo haajir oo wada socda ayaa yimid goobtii loogu soo
farmuuqay yaasin, laakin yaasin meel aysan ka filayn ayuu u baxsaday oo
shaqadiisa ka watay.
Hooyo ruqiyo iyo guure ayaa xaashi u sheegay in uu soo daahay
Yaasiin, meel dheerna uusan jirin, laakin ay baadi goobayaan.
Yaasin oo dhex fadhiya guriga Maryan ayey maryan soo gashay
gurigeeda mase ninkan ayaa u dhex fadhiya, dood iyo qaylo iyo fara saar inta ay
isla wadeen ayuu muxudiin soo galay guriga waxaana dagaal dhex maray muxdiin
iyo yaasiin, halkaasna waxaa ka baxsaday yaasiin oo naftiisa la baqay, laakin
dhaawacay muxudiin oo xabad caloosha uga dhuftay.
Muxudiin ma doonayn in la ogaado, dhaawiciisa ayuuna la
baxsday, maryan oo agayd in labadaba ay banaanka isku ceyrsadeen laakin aan war
u hayn halka ay kala gaareen ayaa goobta kala baxsatay nafteeda, iyada oo isla
markiiba wargalisay Booliska.
Xaashi iyo Hhaajir oo ay ruqiyo iyo guure ku war
galiyeen halka uu yaasin aaday ayaa guriga maryan soo aaday ayaga oo maryan
difaaca is leh laakin ayaga oo goobta ku dhex jira ayey maqleen dhawaqa
gawaarida booliska wayna ka carareen goobta, inkastoo ay arkeen dhiig meesha
yaal.
Yaasin oo iska dhigaya nin aan warba u hayn guure iyo ruqiyo
shirqoolka ay u maleegeen ayaa tagay gurigooda isaga oo bastooladdiisa gacanta
ku haysta, wuxuuna uga warbixiyay guure sida wax u dhaceen iyo in uu soo
ogaaday in muxudin yahay sirdoon aad u tababaran, naftiisana uu qatar galshay,
dagaal dheer kadibna uu ka soo baxsaday balse uu xabad caloosha kaga hubsaday
ayna ugu war dambaysay in niman sirdoon ah ay meesha dhaawiciisa ka sii
qaadayeen inta uu isaga howtka ku baxsanayay.
Guure warkaas waxbaa uga baxay wuxuuna ogaaday in xaashi
isaga kaliya uusan ogaarsanayn balse libaaxya kale ay ku daba joogaan, war uu
ku farxo ayey u ahayd Guure.
Hooyo ruqiyo oo warka yaasin uusan ku socon ayaa soo dhex
gashay, Guure ayaa qayla kala hortagay oo yiri hooyo xaashi waa cadowgayga
koowaad xaaladdii la rababa hala taaganaadee.
Yaasiin ayaa markan la kala baxay wajigiisa dhabta ah isaga
oo yiri qof walba cadow ayuu leeyahay, anigana cadowga xaashi iiga daran ee igu
kaa dirtay waa hooyadiaa, uu sii dhahayayna sii daayay xabad ka haleeshay hooyo
ruqiyo madaxa nafna dhulka kulama dhicin.
Guure waaga ayaa ku baryay, waxaa lagu hor dilay hooyadiis,
laakin yaasiin ma uusan dilin Guure wuxuu la sugayay waqtiga ku haboon isaga oo
doonayay in uu cashar u dhigo.
Guure oo ku dul barooranaya hooyadiis ayaa xaashi iyo haajir
oo doonayay yaasin dul yimaadeen, xaashi ayaa uga tacsiyeeyay guure dhimashada
hooyadiis, wuxuuna yiri “shaqadeena ma ahan in lagu soo qaso qoyska,
yaasiin sharcigaas ayuu labadeenaba naga jabiyay waa in laga takhalusaa”.
Yaasii mar labaad ayuu hadana soo weeraray guriga Maryan,
laakin nasiib wanaag marka uu sidaa u qabtayba waxaa guriga soo galay taliye
daacad iyo kooxdiisa oo doonayay in ay su’aalo ka waydiiyaan arrinka muxudiin.
Maryan oo awalba mar allow i bixi xaalkeeda ahaa ayaa ku
qayliisay yaasiin mooryaan iga celiyay, gurigayga ayuu ku jiraa, isla markiiba
waxaa is cayrsaday taliye daacad iyo yaasiin mooryaan oo xiriir hoose ka
dhaxeeyay.
Taliye daacad wuxuu ahaa askari aad cadaawad gaamurtay ugu
qabay xaashi, cid walba iyo wadda walba uu xaashi kusoo qabanayana wuu marayay.
Taliye daacad wuxuu aad u dhibsaday una necbaystay qaab
dhaqanka yaasiin oo haddii la ogaado isaga naftiisa baxar galinayay, sidaas
darteed ayuu go’aansaday in uu ka takhaluso Yaasin, isaga oo soo ogaaday in
guure uu aad u baadi goobayo yaasin, sidaas darteed wuxuu diyaariyay
shirqool looga takhulisayo yaasin looguna gacan galinayo guure iyo koxdiisa.
La soco 12aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor