Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta
8aad
Waxaa weerarka iyo dhagartiisaba aysan kala joogsi lahayn
c/rashiid oo markan go’aansaday in uu gudbiyo warbixin sir sharaf dil u ah
Xaashi, wuxuu si hoose ula shaqeynayay C/ casiis wariye.
C/ casiis waa wariye is qariya oo dhowr jeer sir uu ka helay
C/ rashiid ku baahiyaya saxaafadda, waxaa si hoose u isticmaala c/ rashiid,
isagana in uu aqbaartaas gudbiyo wuxuu ku kasbadaa shacab badan oo daneeya wax
ka ogaanta boqortooyada reer Xaashi.
C/ casiis wariye waqti badan kuma qaadan baahinta ceebaynta
xaashi iyo qoyskiisa waxayna arrintaas saamayn murugo leh ku yeelatay Ilhaan
iyo ganacsigeeda farshaxan ee curdunka ah.
Xaashi oo dajinaya gabadhiisa ayaa ku yiri “is adkee
aabe, waxaan waa wax dhici jiray, boqortooyadan aad arkaysana wax intaa ka
badan iyada oo ay daba socodaan ayey halkan timid, dhib ha u arkin, dadaalkaaga
sii laba jibaar”.
Ilhaan tiiraanyo xoogan ayey arrintaa ka qaaday inta ay
oynaysay qaylinaysayna xaashi waxaa ka tagtay xusuusta ilaa ilhaan iyo
hooyadeed ay la wada yaabaan qaabka xaashi muuqaalkiisa uga falcelinayay ilhaan
arrinteeda.
Ilhaan oo la yaaban aabaheed ayaa waydiisay aabe maxaa
dhacay, calaacalkeyga miyaa ku dhibaya?
Shib iyo la yaab uu naftiisa la yaaban yahay ayuu xaashi ka
fakarayay, haajir oo goobta taagna isla markaana fahmay xaaladda ayaa cabitaan
meesha yiil si kas ah ugu dhacay isaga oo doonayay in dhacdadan lala yaabay uu
dareenkooda ka jeediyo Siciido iyo Ilhaan. Xaashi oo isna dhankiisa ka soo
baraarugay ayaa inta dhaqaajiyay meel iska fadhiistay.
Haajir ayaa uga daba yimid wuxuuna waydiiyay sida uu yahay
iyo waxa dhacay.
Xaashi oo jawaabay ayaa yiri waa la yaab in gabadhayda oo
hadlaysa aan hadalkeeda hal xabo ka fahmi waayay ee siduu jawiga ahaa , miyey i
fahmeen, amey wax iga dareemeen?
“Ma aqaan ayuu haajir ku jawaabay” laakin xaashi oo
arrimahan aan doonayn in ay hadda soo ban baxaan ayaa yiri sidan kuma socon
karo, nololna ma ahan fadlan kaamirooyin iigu wada xir goobaha aan ka dhahiisto
gurigayga iyo xafiiskayga si ugu yaraan aan dib ugu daawado muuqaalada falalka
iga dhaca ee aan hilmaamo.
Dhinaca kale wariyahan mar walba sirtayda soo burqinaya la
xaal, ma aqaan sababta c/ rashiid uu ula xaali waayay, arrintan adiga ayaa u
xilsaaran meel soo saar, wariyahaas warkiisa dambe yuusan i buuqin .
Haajir wuxuu ku wargaliyay c/ rashiid in xaashi aad uga
xumaaday wariyahan warka xun baahinaya, c/ rashiid oo taa ka jawabaya ayaa yiri
saaxafadda uu u shaqeeyo ayaan la xiriirayaa maanta.
Haajir ayaa ku yiri waqtigaada waa qaadatay, xaashina
arrintan in loo wajaho qaabka aad u wajahaysid qaab ka duwan ayuu igu amray,
waadna ogtahay wixii xagayga soo maro qaabka aan ula dhaqmo ee fadlan waa kuma
Wariyaha?
C/ rashiid oo isku dayaya in arrinta wariyaha la qaboojiyo
ayaa yiri arrintan ma ahan arrin xoog ee waa arrin xeelad, aniga ayaa ku dhex
jiro ee ii daa.
Haajir waa nin shaqadiisa yaqaan daacadna u ah xaashi, isla
markiiba waxaa is baddalay muuqakiisa wuxuuna ku amray c/ rashiid magaca
wariyaha in uu siiyo iyo halka uu ka shaqeeyo ama isaga uu raadsanayo xaashina
u sheegayo in uu wax adkenayo.
Haajir ayaa dareemay in c/ rashiid uu darbiyada garaacayo oo
uusan doonayn in uu la shaqeeyo laakin markan awood ayuu adeegsaday kadib
markii computer uu isku mashauulinayay si qasab ah uga laabay ilaa uu naxay c/
rashiid magicii laga rabayna dhiibay.
Haajir markii uu magaca helay ayuu isla markiiba dhaqaajiyay
oo raadin ugu dhaqaaqay c/ casiis wariye.
C/ rashiid oo isla markii haajir dhaqaaqayna teleefon u diray
c/ casiis ayaa ku wargaliyay in uu naftiisa la baxsado.
Haajir waa gacanta military ee xaashi, waa daacad wixii loo
diro sida loogu diray usoo qabta, dhiigiisa iyo kan c/ rashiid isma ogola.
Haajir mar walba wuu dareensanaa in c/ rashiid uusan
daacad u ahayn qoyska iyo shaqadiisaba, hadana wuxuu haystay kalsoonida xaashi
oo ka dhigtay wiilkiisa.
Waxaa sii badanaya shakiga uu ka qabo c/ rashiid xaashi
xaaladdiisa, balse dhinac uu u jiheeyo ayuu garan la’aa, waa kan kala tashanaya
xaaskiisa Najma.
“Waxbaa qaldan uusan xaashi ii sheegayn, ma dhicin in uu
waligiis wax iga qariyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Taas waa mid shakiga sii kordhinaysa, laakin yaan lagaa
dareemin dareenka aad ka qabto qoyska reer xaashi ayey ku tiri Najmo.
” hagaag in sidaa loo dhigo waa fududahay, shaqada
qaybteeda adag ee sharciga aniga ayaa qabta, waa aniga kan wax walba oo qaldan
sax ka dhigo, xumaan walbana wanaag u ekeesiiya, halka xaashi uu danihiisa
hoose iska wato anigana iga dhigay qof aan jirin, ma kula tahay in ay haboonayd
in uu wax iga qariyo maadaama uu wiilkiisa camal igu tilmaamo, qareenka
shirkaddana aan ahay”
Soo lagama yaabo in culaysya badan ay dhinacya kale ka
haystaan, mid ayaan hubaa in xaashi ku jecel yahay kuna aaminsan yahay ayey
Najmo isku dayday in ay ugu maan qaboojiso C/rashiid.
Khadra oo xaaladda aabaheed la daala dhacaysa ayaa u timid
daahir oo markaa sarqaansan, waxay doonaysay in ay kala hadasho xaaladda
aabaheed iyo tuhunka laga qabo qofka dilay, jawigooda ma ahayn jawi wanaagsan
kadib markii ay Khadro ku qanci waysay qaabka uu hadaladeeda ula jaan qaadayo
Daahir, teeda kale khadro waxay aad uga xumaatay kadib markii uu daahir ku yiri
aabahaa si walba ayuu ii necbaa wada jirkeenana kuma faraxsanayn, hadda hadduu
meesha ka baxay waxay ii tahay Qodax iga siibantay.
Kama aysan filayn xilligan adag in ninka ay jeceshahay uu
sidaas ula dhaqmo aad ayey uga carootay waxayna uga istaagtay fadhiga halkaana
waxaa ka bilowday kala fogaanta khadra iyo Daahir.
Taliye daacad oo raja xumo iyo guul darro waayadan la daalaa
dhacayay ayaa helay war farxad leh, waxaa loo soo sheegay in la helay marqaati
indhihiisa ku arkay qaabka uu xaashi dilka ugu geystay Timajilic, waa wiil yar
oo goobta markaa taagnaa indhihiisana ku arkay qaabka wax u dhaceen.
Xaashi oo sirdoonkiisa ay ka sarreeyeen kan taliye daacad
ayaa isla markiiba aqbaartaas helay, wuxuuna gacanta kusoo dhigay wiilkii yaraa
iyo qoyskiisa inta uusan soo gaarin taliye daacad.
Taliye daacad oo aqbaarta loo keenay ku farxay ayaa isla
markiiba si dareen la’aan u dhunkaday Sahra oo kiiska arrintan kala
shaqaynaysay.
Waxaa la bilaabay in la raadiyo wiilkii yaraa iyo qoyskiisa
taleefonadooda ayaa tix raac lagu sameeyay si loo ogaado halka ay ay ku sugan
yihiin, laakin xaaahi oo ka gaashaantay ayaa uga gacan horeeyay wuxuuna ku
guulaystay in uu ka dhaadhicyo labada waalid ee wiilka dhashay in ay magaalada
oo dhan ka guuraan isaga oo u ballan qaaday in nolol fiican iyo shaqaba uu siin
doono wayna ka aqbaleen dalabka ayaga oo u lahaa xaaahi aqoon buuxda ogaana in
uu yahay nin awood badan oo hadal lagu soo celin.
Wadda kale uma furnayn aan ka ahayn in ay qaataan dalabka
xaashi, maxaa yeelay waxay ogaayeen in xaashi uu naftooda qatar galinayo haddii
sida uu rabo aysan yeelin .
Goobtii uu ku tuhmayay qoyka ayuu yimid taliye daacad, wuxuu
helay oo kaliya telkii uu tix raacaayay oo looga tagay xaafadda, wuxuuna goobta
kula kulmay xaashi oo caro ay wajigiisa ka muuqato.
Xaashi ayaa hadalkiisa ku bilaabay taliye markana ma waxaa
doonaysaa in aad igu eedayso in wiil yar aan af duubtay?
Taliye daacad oo hadalka ku dhagay ciilna la qarxi la’ ayaa
yiri ” waad iga horraysaa mar walba laakin mar waxaa jiri doonta aan kaa
horrayn doono, markaasna si fiican ayaan kuu qaniini doonaa kuuna xanuujin
doonaa.
Yaasiin iyo guure kuma farxin sii daynta la sii daayay Maryan,
maxaa yeelay ma ahayn qorshahooda taas, hadana naftooda ayaga oo u baqaya isna
leh armey idin sheegtay ayey gurigeeda yimaadeen, waa yaasiin iyo mid kale oo
la shaqeeyo.
Aad ayey u canaadeen una kalba kalbeeyeen maryan ayaga oo
raba in ay kufsadaan ayaa Muxudiin oo awal maryan gurigeeda usoo dhaweeyay
balse dareemay in jawiga uusan ahayn mid dagan si lama filaan ah usoo galay
qolkii lagu haystay maryan kana badbaadiyay yaasin iyo kii la socday.
Maryan aad ayey ugu mahad celisay balse waxay xaqiiqsatay in
xaalad qatar ah ay ka soo wajahayso dhanka Guure iyo Yaasin caawina ay uga
baahantahay cid walba oo ka difaaci kartay labadan waxuush.
La soco qaybta 9aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor