Bandhigga LAASHIN iyo buugga: GODOB IYO GEERI W/Q: Amaal Maxamed Aadan
Waxaan xalay ka qayb galay kulan ay soo abaabushay Hoyga dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin oo loogu magac daray: Bandhiga Laashin iyo buugga Godob iyo Geeri, waxaa uu ahaa kulan muuqaal ah, kana dhacayay aaladaha fogaan aragga ah, waxaanna ka soo qaybgalay; barayaal sare, qorayaal, hal-abuurro iyo af-aqoollo ku xeeldheer afka soomaaliga iyo arrimihiisa.
Buugga waxaa qoray, qoraa: Muxyadiin Xuseen Ciid oo ah qoraaga buugga Godob iyo Geeri iyo Qori ismari. Bandhigga waxaa marti ku ahaa oo faalleynta iyo lafa-gurka buugga qeyb weyn ka qaatay: Dr Cabdiraxmaan Abtidoon, Prof: Cabdulqaadir Ruumi, Qoraa, Cabdiraxiin H. Galayr, Qoraa Bodhari Warsame iyo Bare sare Injineer Faataxo Cabdullaahi Cali, sidoo kale waxaa madasha joogay, qoraaga buugga.
Faallada buugga waxaa isku dhiidhiibay rag aqoon dheer u leh qoridda afka soomaaliga iyo waliba afka qalaad. Aniga oo ah aqriste ah jecel buugta afka soomaaliga lagu qoray, waliba dhaqanka iyo hiddaha ka sheekeeya iyo arrimaha ku saabsan hab-dhaqanka bulshadii reer guuraaga ahayd ee hore, waxa aan aad iyo aad ula dhacay tilmaamaha laga bixiyay buugga Godob iyo Geeri ee qoray qoraa Muxyaddiin.
Dhiganaha Godob iyo Geeri oo marka horaba ku tusayo magac tiraanyo iyo murugo xambaarsan, ayaa sida magaciisa ka muuqata waxaa ku gadaaman sheeko maancuris ah oo maantaabad ah, qof walba oo dareen lehna damqaysa sida ay faallada ku tebiyeen, qorayaashii aqriyey.
Sida ay faalladu u badnayd waxaa sheekada Godob iyo Geeri aad ii soo jiitay in ay ka digaysay gardarrada iyo gaboodfalka, taasoo lagula kacay, Madiga (wiilka aan wiil kale la dhalan) Xasan Dhuux oo dhib badan maraya iyo dadka u geysanaya dhibkaas.
Qoraayaashu kuma aysan ekaan dhacdooyinka buugga ee iyaga oo na hoga tusmaynayay ayey sheekooyin badan oo kale oo xiiso leh noogu dareen, qoraa walbaana aniga oo xiisaynaya faalladiisa ayuu dhigay hadalka. Anigu Amaal ahaan ma aqrin dhiganaha caawa saas loo gorfeeyay balse, waxa aad mooddaa inaan wax badan rogrogay qaabka ay u kala dhigeen raggii faalleynayey.
Qoraaga oo ah sheekeeye weyn, ayaa saddex sheeko inoo dulmaray oo aad nooga qoslisay, sheekooyinka mid ka mid ah oo aad u qosol badneyd ayuu tusaale noogu soo qaatay markii magaca buugaagtiisa mid ka mid ah loogu yeeray. Waxaa kulanka noo soo xiray barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo bogaadiyey guud ahaan martidii, sidoo kalena ku gunaanaday kulankii Tacsi tiiraanyo leh Abwaan Caraboow Maxamed Axmed oo maanta geeriyooday Eebbe haw naxariistee.
Waxa aan ugu dambayn ku soo gebagebaynayaa qoraalkayga, ma ogaan kartid wax mug weyn iyo milge leh jeer aad hesho cid kaaga xog ogaalsan oo kuu faalleysa, tani waa midda ganacsi walba horumarisa oo ah xayeysiinta, sidaasoo kale, buuggana waxaa lagu ogaada bandhiga iyo faalleyntiisa. Haddaba anigu waxa aan ku jiraa sida aan buugga Godob iyo Geeri ku heli lahaa uuna uga mid noqon lahaa kaydka buugaagta ee gurigayga.
Dhammaan buugaagta aan aqriyey mid aan wax igu kordhin ma jiro, waxyaabaha iigu xiisaha badanina waa in buuggu i xasuusiyo dhacdo hore oo u eg midda uu ka hadlayo, eray hore oo aan illaaway iyo mid cusub oo aan ka bartay, kordhi aqriskaaga si maankaagu u kobco, kuna xirnow xarumaha lagu wadaago cilmiga
W/Q: Amaal Maxamed Aadan