Dab Halyeeyo iyo Abwaanno wada Shideen
Yusuf Wayeel
Qoraal kan waxa aan taallo uga dhigi lahaa geesiyaal kia Soomaaliyeed ee weligeed nafa hooda u soo kala huri jiray; haatan weli u nafao hooda u sii hurayo, iyo kuwo dambe ee iyagu na u sii huri doono. Si gaar ahaaneed se, wiil ku tawlbeelay (wiil agoonnimo ku soo koray), wiil aan uu aabbe hii soo laaban dagaal kii 1977 ee Itoobiyo la la galay; wiil kaas, Cabdiraxiin Hilowle Galayr, ayaan, isaga na, aan ku maamuusi lahaa.
__________________________________________________________________________________
wo Farxiyo ha la guddoonsiiyo Billad Geesi: waa Halyey Qaran Soomaaliyeed.
Shalayto, oo ahayd Qamiis, 24kii Maajo, 2018, ayaan dhegeystay hees ay qaaddo Marwo Farxiyo Axmed Caddaawe (Farxiyo Fiska). Allaylee hees weeyaan: qaaye, qarannimo, qolonimo, iyo qab Soomaalinnimo ba, ay ku wada idil yihiin. Se ogsoonow! Farriin ahaan, hees kasta ee kale ee loo sammeeyay, calan ka Soomaaliyeed ama weyneynta maalin ta gobannimo da Soomaaliyeed; aniga garaad kay, hees weeyaan si aad ah, uga wada heersarreyso! Farriin cayn kee ah ayaa ay noo soo tebineysaa? Farriin teedu waa tu u qeexan si dan soo socoto:
Calan aan la aqoonsaneyn waa, calal maryaha la cayn ah!
◇◇◇
Calankeenna Quruxda Leh
Show wax kasta oo aad illowdo; wax uun ba ayaa dib kuu soo ogeysiiyo. Heestu, Calankeenna Quruxda Leh waxa ay dib i soo higsiisay sooyaallo iyo dhacdooyin dhacay waayò fogfog kahorow. Bal dib walba ii la jalleec, oo ila soo goco mid ka mid ahaa abwaanno da Soomaaliyeed, kuwoo da ugu wada runsheegsanaa. Axmed Ismaaciil Diiriye, Abwaan Qaasim (Mandheera,??,1933 – Hargeyso, Juunyo 3, 2006), curiye hii maansada ku caanbaxday, ❛Macaan iyo Qadhaadh❜; isaga oo beri geedii joogay magaalada Cadan, Yemen, ayaa la weydiiyay maanso dii uu ka tirin lahaa; maalin tii calansaar ka. Maxay ayuu ka yidhi, curasho dii qarannimo da Soomaaliyeed, Juunyo 26, 1960? Sow isagu ka mid ma ahayn maansoyahhanno dii riyaaqyo doodii — se siyaalo kala duwanaa laabo hoodii ugu dhex saameysanaa; sidaas daraaddeed na — ugu kala dabbaaldegay: hawraaro wada reebay dhaxaltooyo suugaaneed⁉︎ Qaasim, maanso diisa la yidhaahdo ❛Farriin❜ waa kii qurbajoog tii Soomaaliyeed ku lahaa,
◇◇◇
Dawiish Ismaaciil Mire Cilmi
Olol waarintiin (شعلة أزلية┃eternal flame), kaas oo, kahorow, ilaayo eegga ay neeftu iska kay taagi doonto, qalin kaygu u sii shidi doono: naf kasta ee Soomaaliyeed; se aw geed na loo huray: gobnimo, qarannimo, iyo himilo Soomaaliweynimo — tagto, taallo, iyo timmaado ba. Sida ruuxda iyo neecawda aan ku nool ahay; waxa igu dhex daaban qabkii Ismaacil Mire. Bandiirada bulugley ee xidigta cad dhexda ku leh, “Jaahii aan ku deyay,” ma dhici doonto in aan ku eego, calalka jabhadda SNM! Hanyari da cayn kaas ah; waxa ay ka suurtowdaa: “gocorro Shaydaan,” Barfasoor sacsacan ah iyo siyaasi-kusheeg kabsid ah, kuwaas oo dhammigood ba na, midiidinno weliba aad iyo aad u liito; se u sii wada kala ah — gumeysteyaal isugu jiro: gaalo cad iyo gaalo madow ba. Laga ma na yaabo, weligeed ba, ❛Soomaaliya afkii aan mar ku idhi; mar kaleeto, Soomaalileyn, in aan ku odhan doono‼︎❜ Axmed Gurey ma dhiman! Darwiish kii na, ma goblamin. In ay maqan yihiin; ha moodiná‼︎ Af buuxo ayaan ku odhanayaa, “Soomaalidu ha noolaato! Soomaalidu ha midowdo!” Halkudheggu waa: Gobnimo! Qarannimo! Soomaaliweynimo! ????????
◇◇◇
Maanso da “Gudgude” ee Hadraawi, dhaliil sheedu xaggee abbaaran tahay? Bal ad ba! Akhristow, an na adi ga ayaan ba wax kaa weydiin lahaa: farriimo ha ku dhex hadoodilan inta u dhexeyso saymo heeda nabadeed⁉︎ Erayo deedu, barta ay wada tooganayaan, barkulmiska; shiish ka na, aan yool ka jeerna ba la gefeynin. Bal iiga soo dhaadhidhici siyaabo aan lahayn sarmaseegto. Si gáw ah!
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): Geesi Qaran ( البطل الوطني / National Hero ).
Duluc da “Gudgude“, waa tu ka kooban tuducyo da hoose. Abwaan Hadraawi ba, waa kii waá geedii Soomaalida ka codsaday; si aad ugu dhaadhacdid dhuuxeeda waa in aad la kaashatid sooyaalka ay maansadu beegsaneyso. Haddaba, si ah rogaalcelis, lafa heeda adadag, waa in aad maan kaaga hadba ku sii jejebisaa (ama ruugruugtaa). Illayn, aqoon kaa maqan, mar ba ayaa aad ka dhex heshaa afqalaad e; xusuusnow, waxa aan rabaa in aan kuu gu sheego odhaah aan kaaga soo xigayo af Latiin: “Repetito est mater studiorum” — naqdiin waa hooyo waxbarasho. War ku waxa uu u dhacayaa, kucelcelintu waa [wax] lamahuraan u ah; waxbarasho da; sii ba na aqoon ta (ama tacliin ta) sare. Se hal wax uun ayaan kaaga sii digi lahaa: Adiga oo weli ah qarabaxley, adiga oo aan laguu leylyin; sidaas aw geed na aan liilgelin kareyn; haa é, ha isku biimeynin maanso dan: waa loox — loox xii Abuu Hatra, loox kaydsan (لوح محفوظ) — aad iyo aad u qara weyn, aad iyo aad na u tashiilan, mayee, maldahan. Af lama daaliyo e, si daacad ah oo kooban, aan war ka kuugu sheego: Waa dhugmo Hadraawi e; dheelallaabo ha ku dhuuxin! Haa tan iyo dan na, bal guudahaan, maanso da “Gudgude,” haddii aad awoodi ba kareysid, akhristow, ciyow uga soo war/fal -celi. Amase ba, rag hore sida uu yidhi, “Iska aamu‼︎” Illayn, “edebtu waa door e․”
Hadraawi, waa kuma?
Hadraawi waa Abwaan,
… ay maansadiis[su] wadataa… aragti… ku aaddan nolosha bulshadiisa iyo axwaasha ay ku sugan tahay. Sidaas darteed, waxaynu odhan karnaa dulucda shishe ee maansada Hadraawi… kama madhna mowqif siyaasadeed oo u taagan: difaaca qaddiyadda gobannimada Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan noolaynta iyo xoojinta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida…” ~ Gadhweyne, Rashiid Sheekh Cabdillaahi X. Axmed, Dhulgariirka Hadraawi iyo Mushkiladda Isirsooca, 2008
… Gobannimana waa quus ninkii gawska dhaafsaday e …
Weli gumucu meel baydhsan buu gawda ku hayaa e
Gariirkaad maqleysaan ka dhow goobahaan rabay e
Gadhqaadkeedu waa leexsan yahay waa na gudayaa e
Garar loo maleeguu ku riday guurasocodkii e …
Hadday goonibaadh tahay waxaa gabay raggeedii e …
Garashadu hadday ruux la tahay suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo haddii loola garan waayo…
Gardarruu u qaataa ninkii yidhi garaadkiis e
Marka wiil ku guro Naarta iyo godadka Yaahuúda
Ayay kii Jannada geyn lahaa dayasho goobtaa e …
Gobanimana way dhalin lahayd loo gudboon yahay e
Gacalnimana way hubin lahayd aan la goyn karin e…
Guushaada waa lala jiraa gees ha ka ahaannin…
Haddii aan awoo deeda lahaan lahaa; walle, laba da tuducood aw good, ayaa aan Abwaan Hadraawi (Abu Hatra), ku siin lahaa Abaalmarin Nabadeed Soomaaliyeed (Somali Peace Prize)! Ilaahay ha noo daayo, caafimaad iyo cimri dheer na ha siiyo. Aami
Godobtaada meeleé intaan gacantu kaa boobin
Gacalnimada nooleé intaan gocasho kaa oodin…
Godadleysan maayee tashiga waan guddoonsaday e
Waxba yaan indhaha laygu gubin gaabsi ma aqaan e…
Gef loo geysanayo qarannimo deeda, ayay Tigree du u aragtaa: haddii calan keeda laga dhex waayo: Xafiisyo da Burcadda SNMta ee Hargeysa ku yaallaa‼︎ Se nin kan sawir ka ka dhex muuqdaa, waa kuma⁈ Waa, waa, dee ii garo, sow ina, ina… G… kii, maaaha? Haah! Waa runtaa. Mujaahid weeyaan ku dheggan himilooyin kii Burcadda SNM! Midiidin dhalan iyo dhaqan ba xun, qabbaan Tigree, ayaa gardaadiyay; weli ba na soo ababiyay: Xaggee na la galay Jihaad kii⁇ Jihaad kiin bá. Ciil weynaa!
◇◇◇
Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas)
Gabay gan la magacbaxay “Gudgude“, waxa uu soobaxay Jannaayo 9, 1990. Imisa dabshid/nayruus ayaa ka soo wareegay kal kii Abwaan Hadraawi curiyay gabay gan? Iyaa, shalayto aa! Maya! Facyaal ooga da tubnaan jiray, ayaa ciidda ka hoosmary. Jiil kii berigaas dhashay na, waa 30 jirro iyo wax u dhowdhow. Ka warran, imisa jiil ayaa weli carrada ka sii abaadi doonto, inta weli saylada SNMtii, lagu sii dhex xaysiisn hayo aqqonsi ah — marka aan u cudurdaaro daaímo caaruureed iyo qofaf wajaq hayo — anigu kolley aan u arko uun — wirwir iyo dhallaanhabaabis. Taa waxa ka sii daran, madaxbannaani deennii (our sovereignty), aan soo aamahdo eryo dii Abwaan Xasan Sheekh Muumin, ayaa si ah, “Haye fudud”, gacanta loogu riday nacab keennii ugu weynaa, nacab ay Soomaali soo yeelato abid keed ba: Ma nacab aan Xabashi ka ahayn, ayaan soo lahaan jirnay⁇ Warcelinu waa tu isla weyndiin ta ku mataansan amase ba isla weydiinta ayaa ba iska warcelineyso. Madax Soomaaliyeed maanta, Hargeyso, kama arrimiyo, kama na taliyo. Waa maanso dii Barkhadcas e; akhristow, ila jiibi:
Awowgay ninkii indhaha tiray,
Ninkii aabbahay addoonsaday;
Ninkii anigana i iibsaday,
Ninkii ifka igu adduuntiray;
Itaallií baa ishaa i baddee
Haddaan ogohoon ka aarsan kareyn
Haddaan, Aadanow, unuunka jareyn —
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xidha!
Af maaroorsamay, weeyaan su’aal shaydu, horta, “Maya,” ma karaa”!? Tuduc dan “Gudgude” ama geddii naas caanihii dhul kaagii hooyo laga laystay, hadba u sii dhaaryeyso (nuugnuug) ama duul ilko beelay oo kaleeto u sibiqso:
Gobannima na waa quus ninkii gawska dhaafsaday e
Duul kaas gumeysigu diran og yahay, diir kooda iyo lafa hooda du ba, haddii weli “Gudgude” xuli ba kari lá yahay; col ka qaran keennii taabay: dhallinyarooy, wadhaf ma ku daynaa? Ma ku shiidnaa hub culus, ugu na dhufannaa geddii “Daalalley“?
Walle, waxa la jooga goor ka daran waayó dii Abwaan Faarax Nuur kaga akeekami jiray gumeyste dhulboob ahaa. Waa hal kii uu ka lahaa,
… Waa duni la kala iibsadayoon nala ogeysiin e‼︎”
Adduun ka se aan maanta kaaga hadlayaa; ma ahan mid ay ku yaalliin “iligyo diisii é”; waa adduun iligyo dii ba wada beelay. Ruux aad gacal iyo xigaal mooddo, ruux aad aamintay, ayaa maanta dal kaagii, keliyaata ku ma siinno e; xataa iibsan hayo jiritaan kaa gii ba. Aan ku soo afjaro, erayo ka mid ahaa qoraal la magacbaxay “Qori Hoos ka Nool”:
Qori Hoos ka Nool
DIGTOONOW! Dabdacallehu [qori hoosta ka shidan; korka na ka dansan] gedda ay u kala duwan yihiin oogadiisa sare iyo boggiisa hoose ba; dad na waxa ku jira, mid guudka la moodo gacal; gunta hoose ee wadnahiisa, se gaal ka ah, mayee, cadaawe dad oo idil, weliba na, si gaar ahaaneed, adiga kuu ba sii wada neceb. Si kooban, waa labawejile: xigaal kuu leh fool gacaleysan, oo misana kuu la soobixi fool gaaleysan.
◇◇◇
Soomaaliya, ma mooddaa in ay eersan doonto; abtir iyo dagaal sokeeye oo mar kaleeto dib u qarxa? Kollay, anigu, is idhi, waa isla hal kii, ma garaneysaa, halkii weeyaan Abwaan Cabdi Muxummud Amiin, uu kaga heesi jiray ❛Ha socoto, ha socoto❜:
Abwaan Cabdi Muxummud Amiin
Calankii si lagu helo
Saxariirka loo maray;
Hadduu calal la sudhay iyo
Kii Suufiyaashii
Siyaarada inala yahay:—
Sed haddaad ka dhigateen;
Wax aan sii ahaaneyn,
Iyo sayngòeennií —
Ha socoto, ha socto!
Sulufkiyo colaaduhu
Samadaa ha gaadheen‼︎
LA SOCO QAYBO KALE …
● Qormo: Dab Halyeeyo iyo Abwaanno wada Shideen
● Wq: A. M. Yusuf (Wayeel)┃ Lafaafiyay: Juunyo 6, 2018 12:00 AM