Toddoba guuradii Laashin
Waxaa gu’ kasta la qabanayey marka uu dabshid dhammaado, dabbaaldega amminta ka soo wareegtay dhagaxdhigii iyo aas aaska Laashin.
Laashin waxa la aas aasay 01.9. 2014ka, waxaa lagu bilaabay mareeg iyo degel lagu qoro qoraallada, magaca laashin waxaa loo xushay ayaa ahaa in uu yahay mid la falgala Afka iyo dhaqanka.
Qeexida magacdhawga Laashin, Laashin waa Hal abuur gole ka fuul ah oo weliba ku xeeldheer curinta suugaanta, sidoo kale waxaa laashin la odhan karaa, mid walba oo tab iyo xeel u leh farshaxan u gaar ah.
Haddaba Laashin isaga oo ah, hoyga dhaqanka iyo suugaanta, mar haddiiba dhaqan la yidhi Suugaanna la yidhi, waa lama huraan in Hal abuurihii, Farshaxankii iyo curiyahoodiina la helo, haddaba magacan oo intaas oo ujeed isku xambaarsan ayaan u xulanay uguna walqalnay.
Aragtida Laashin iyo bilowgeedu ma aysan bilaaban 2014kii waxaa ka horreeyey wada tashi badan oo bahda laashin dhexmaray, marka ay arkeen in mareegaha Afka soomaaligu badankoodu ku hawlan yihiin, gudbinta iyo tebinta wararka joogtada ama dhacdooyinka maalinlaha ah, waxaa loo baahday mareeg ka madax bannaan oo aragtida iyo odoroska bulsho hawsheedu tahay.
Laashin waxaa loo aas aasay loona dhagax dhigay in lagu kobciyo qoraalka, lagu tayeeyo afka, lagu dhawro dhaqanka, lagu sugo sooyaalka. Laashin mar waa xarun dhaqan, marna waa gole suugaaneed, marna waa madal aqooneed, marka kalena waa dugsi Af barasho.Qof walba waxa uu rabo iyo xubinta uu jecelyahay ee qoraal wuu ka helayaa.
Gu’ walba waxaa kordhayey tirada dadka aragtidaa ku mideysan, ugu dambayn laashin waxa ay gaadhay in lagu soo biiriyo, gu’gii 2017ka ASLID(madbacad) taasoo soo saarta buugaagta ay qoraayaashu ugu tala galeen bulshadooda.
Laashin waxaa ka caagan oo in lagu falanqeeyo is diidooyinka iyo xadhig jiidka ka dhaxeeya bulshada soomaaliyeed, waase goob lagu booga dhayo laguna baraarujiyo bulshada, waxaa ka caagan wax walba oo bulshada kala gayn kara, waxaana ka reeban beegsiga koox ama qof, sidoo kale waxaa ka reeban u jiibinta iyo jaamaynta koox ama qof lagu buunbuuniyo.
Bahda laashin waxa ay soo saartay ilaa dabshidkii buug badan sidoo kale waxaa jira qorayaasha bahda laashin inay soo saareen buugaag qaarkood ka fac weyn yahay mareegta iyo madbacadaba.
Maanta waa Toddobaguuraddi Laashin, sidaa awgeed gu’ walba waxa aan bulshada la wadaagnaa waxii aragti ah ee ku aadan hawlaha iskaa wax u qabso iyo is xilqaanka ah ee ay bahda Laashin bulshada soomaaliyeed u hayaan
Bahda laashin waxa ay ku midaysan yihiin in hantida qarsoon ee aad ciddina dhaadayn, Afka, dhaqanka iyo suugaanta ay ilaaliyaan baylahdana ka jiraan. Ma jiro is gaashaanbuureysi iyo is urursi kale oo aan ahayn in bulshada soomaaliyeed dhaxalkeeda loo dhawro loona helo dad u heegan ah oo ilaaliya uruuriyana.
Waxa aan ka wada dheregsanahay in soohdimaha dalka ay ilaashadaan maamulo iyo ciidamo soomaaliyeed intay doontaba tabartoodu ha ahaatee, sidoo kale diinta waxaa u duuban oo u taagan, wadaado haba kala qaybsanaadaane, haddaba bahda laashin markay aragtey baylahda ka muuqata Afka, dhaqanka iyo sooyaalka bulsho ayay isu taageen intii awoodi gaadhsiiso inay garab iyo gerger u noqdaan.
Mareegta Laashin waxaa ku soo baxay amminta Lixda dabshid ee ay jirtay 12413 Qoraal oo isugu jira:
- Faallooyin
- Suugaan
- Sheekooyin
- Sooyaal
- Raadraac
- Diini
Madbacada ama Aslida Laashin waxa ay soo saartay teer iyo gu’gii 2017-2021 oo kii ugu dambeeyey soo baxay 02. September 2021 tiro buugaag ah oo gaadhaysa 18 Buug oo kala duwan.
Toddoba guurada Laashin ayaa waxaa lagu xushay in lagu baraarujiyo bulshada dhaqanka iyo hiddaheeda iyo Afka, waxaanna dabshidkan halkudheg looga dhigay DHAQAN IYO DHIGAAL. Waxaa dabbaaldegu socday laba habeen waxaanna habeen walba ka qayb galayey, buuniyaal ku xeeldheer afka iyo dhaqanka bulsho kuwaasoo si quman oo qurux badan u soo bandhigay aqoontooda iyagoo bulshada ugu baaqay in ay ilaashadaan hantidooda ma guurtada ah ee dhaqanka iyo Afka. Sidoo kale ku booriyey in dhigaalka iyo qoraalka la joogteeyo bulshadana baraarugeeda iyo baraadkeeda nafeed kor loo qaado.
Waxaa iyaguna dabshidkaan kaalin weyn ka qaatay naadiyada aqriska ee dalka ka jira kuwaasoo si weyn u boggaadiyey bahda hawsha ay hayso iyo sida dhaw ee ay ula shaqeyso cid walba oo ku foogan qoris iyo aqris, cid walba oo u taagan tayeynta iyo dhawrista dhaqanka.
Habeennadan ayaa ahaa kuwo bulshada soomaaliyeed miidoodii laysugu keenay madasha laashin, bahda Laashin waa mid dadka u dhaxaysa, waxaanna ka go’an in la buuxiyo kaalinta maqan iyo doorka bulsho ee hantida ma guurtada ah, Qorista Afka iyo dhiirigelinta aqriska, dhawrista dhaqanka, raadraaca sooyaalka iyo uruurinta aqoonta bulsho, wax kasta oo bulshada soomaaliyeed leedahay dhur iyo dhaqan.
Hiigsiga Laashin.
Maanta Laashin waa Mareeg iyo madbacad hawsha ay hayaan, waxaa sidoo kale ka mid ah hiigsiga laashin in ay ka hirgeliso dalka gudihiisa xarumo lagu horumariyo dhaqanka iyo Afka, laguna kaydiyo sooyaalka bulshada, mid muuqda iyo mid qarsoonba. Waxaa dabshidyada inagu soo fool leh hiigsiga laashin yahay, marka la dhammeystiro xarumaha in la qabto, tartamo lagu dhiirigelinayo dhallinta iyo da’ dhexaadkaba oo kala ah:
- Qoraalka
- Tabbobaro dhanka qoraalka ah
- Hal abuurka
- Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka
- Heesaha
- Farshaxanka ILH
Sidoo kale waxaa ay bahda Laashin u balanqaadaysaa cid walba oo danaynaysa qoraalka in ay ka taageerto, waxaanna ay bahda Laashin balanqaaday in ay furi doonto Tabbobaro ay ku dhiirigelinayso dhallinta jecel qoraalka farta soomaaliga, habka sheeko curinta, tebinta iyo waxii la halmaala.
Bahda Laashin waxa ay gacmo furan iyo laab xaadhan ku soo dhaweynaysaa cid walba oo rabta in ay ka mid noqoto, una diyaar ah in ay is xilqaanka iyo iska wax u qabsada ay wada ay kala qayb qaadato.
Bahda Laashin.
NAGA LA SOO XARIIR: