Diiwaanka maansooyinkii Abwaan Abshir “Bacadle”
Maanta 31/05/2017, aniga oo maktabad ku dhexjira, buugaagna fiirfiirintood ku hawlloon, ayaan si kadis ah, waxaan u arkay dhigane maqal kaliya igu ahaa, in ka badan dhawr iyo toban gu’. Teer iyo markii aan barbaar bargasho leh ahaa. Mise, waa dhiganama! Diiwaanka maansooyinki abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacadle” Eebbe ha u raxmadee.
Aad baan ugu faraxsanahay aragga dhiganahan sooyaal iyo suugaan ku sadrisan. Waan soo qaatay, oo salmuggii u fariistay, mise, halbeeggu waa kii aan maqlijiray; “QOFNA HAYGU XAANAQO, QOFNA HAYGU XUSHMEEYO!” haayee, waa isagii oon isrogin, lana rifin.
Waa u fariistay, oo la fariistay. Waan dareen adag, marna culus, in aad marti iyo magan u noqoto abwaan “Bacadle” kale. Waxaan muuqday oon hummaagsaday araggiisii iyo muuqiisii, sidii in uu i hor ama garabfadhiyo. Dareen damiir.
Waxaan gudagalay gedgediinta xaashiyaha dhiganaha iyo waraaqadihiisa. Jaadadka suugaan ayaa ku dhan ama waa yartahay god laga maansoodo oo ka maqan. Gabay, masafo, geeraar, maanso, shirib iyo qaar kale.
In uu suugaan yahay, in uu yahay curuskii iyo curadkii abwaan “Bacadle”, haddana, waa sooyaal, waa dhigan taxan, oo uu abwaanku ku la falgalay dhacdooyinkii tirada iyo faraha badnaa, ee hareerihiisa, hortiisa iyo hoostiisa ka dhacayey, ee la degay, ee dabray bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto.
Waa qaamuus af, dhaqan, hidde iyo diin, oo aad ka heli karto aragtiyo damiir iyo dadnimo ku dheehan, ee ka soo maaxday maan qof daacad ah ku daaban, ee aan dan kale iyo darajo kale doonayn. Laga yaabee, in qofba meel is ka taago, oo siiba dhacdooyinka qaar meelaha iyo siyaabaha uu isaga taagay lagu ka la aragti duwanaado, haddana, waaba waxa uu ugu afeeftay “QOFNA HAYGU XAANAQO, QOFNA HAYGU XUSHMEEYO!“.
Kaliya ma ahane, waa suugaan ay ku urursan tahay, sooyaalka dalka, si gaar ah burburkii ka dib illaa geeridii abwaan “Bacadle”, oo uu ka maansooday, kana curiyey suugaan dhaxalgal noqotay. Dagaalkii afar biloodka, xarakaadka diinigaa, dagaalkii UNISOM iyo RANGERS, cabburiskii QABQABLAYAASHA, wadaaddadii MAXKAMDAHA, dagaalladii iyo xasuuqii xertii XABASHIDA illaa uu abwaanku ku geeriyoodo magaalada Muqdisho bishii oktoobar 2010, ka hor, abwaanku wuxuu ku dhashay, magaalada Mustaxiil ee degaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Noloshiisa intii u dambaysay wuxuu ku mashquulsanaa arrimaha samafalka, taakulaynta danyarta, la tacaalidda abaaraha iwm, oo kaalin weyn ka qaatay, una ahaa cod baahiye iyo afhayeen dadka kale gaarsiiya dhibkooda, si wax looga qabto. Wuxuu kaalin mug leh ka qaatay gacanqabashada dadka soo barakacay, kuwa dagaallada ku dhaawacmay iyo naafadii ciidanka dalka.
Aan ku laabto il la raacidda dhiganehee, intii aan isha marinayey, ayaa waxaan dul istaagay gabay aad mooddo, in saaka la tiriyey. Waxaa magaciisu yahay “HUBKA INAGA DHIGA!” oo tallaabada dawladdu qaadday iyo doodaha bulsho ee la socda maalmahan, waxaa ugu adag midda ku aaddan HUB KA DHIGISTA, is la qaar ka mid ah madaxda dawladda iyo saraakiisheeda.
In kasta oo ay tallaabo ka fiirsi u baahan iyo dood aan caaddifad lagu qaabin iyo qabyaalad tahay, haddana, abwaanku wuxuu dooddeeda jeediyey iyo aragtidiisa 1991, oo malaha kuwan hubka dhigaya iyo kuwan laga dhigayaaba aysan aragti dawladeed iyo mid maamul war u hayn.
Suugaan iyo qoraal waxay dhaxalgal ku noqdaan, marka ay maalin walba u yihiin tusmo iyo tusaale, ee aysan ku ekaan maalintii la tiriyey iyo duruuftii lagu tiriyey. Waxaan ku la talinayaa, qof walba, oo doonaya, in uu sooyaalka dalka burburkii ka dib wax ka ogaado, in uusan dhiganahan moogaan, sidoo kale, qof walba oo suugaan xiiseeya, in uusan u daymo la’aan.
“Dadkaanu dawlad waa rabyaa
waxaase diiddan duul qarsoon!”
“Inaan qabiil qaran ahayn
Ku quusta shanta qaaradood!”
Eebbe ha u raxmado abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacadle”