Doob gaamuray! Q13AAD
Shilka murugada iyo naxdinta badan dhaliyay ee Gobaad darteed u dhacay, wuxuu aad u kala fogeeyay colaad aad u xunna ka dhex dhaliyay, labadii reer ee xididnimada ku walaaloobay, haatanse noqday, kuwo kala irdhoobay oo aan dabka kala qaadan, xiriirkooduna uu kala furtay, waxayse labada dhanba ku dani biday kana fursan waayeen, in ay gurmadka iyo baadi goobidda gabadha maqan ay ka wada qeyb qaataan, cid walibana ay dib u dhigato, waxa ay tabanayso, tan iyo inta gabadha nolosheeda iyo geerideeda mid uun laga soo helayo, sidaa ayaana lagu wada birmaday.
Inanta iyada darteed leysugu bira tumanayo, waxa ay degaanka iyo qoyskii ay ka dhalatayba ka sii maqan tahay, in ku dhaw laba caano maal oo ay intaa duur cidla ah dhex ordeysaa, iyada oo keligeed ah. Waxa ay soo gashay socdaal baxsad ah oo guluf orad iyo kadlayn looga dhex gudbayay kulaylka hanfida iyo caga gubyada jirta, hasa yeeshee goor ay galabnimo ahayd oo ay aad u daallanayd bay howdkii iska dhex fariisatay, ka dibna waxa ay la soo baxday, laba cad oo hilib ah oo ahaa kuwii aabbaheed qumbaha ugu jiray oo qaar ay jiscin ahaan uga soo sahayatay, naftana ay ku qabatay, ka dibna waxa ay dhuunta ku yara qoysatay xig biya ah oo ay horay u soo qaadatay, kuwaasi oo oo ay ku soo jid martay, markanse ubbadeeda gabaabsi ka sii ahaa.
Gobaad, intii yarayd ee ay nasashada ku jirtay, ayuu cirku yeeshay hogol iyo daruuro madow ah qorraxduna godkeedii, ayey u sii carceersatay oo fallaaraheedii gudguduudka ahaa, waa ay sii hoobteen, waxaana Gobaad u billowday gudcur iyo habeen dam ah, iyada oo ay cabsidu dhan walba ka soo weerartay, ayey haddana si aad ah u dareentay, dhaxan iyo qabow daran, maadaama ay dhanka bari ka soo dhacayeen, ufo iyo dabayl gufaaca leh, oo xanbaarsanaa roob aad u dhibca weyn oo mahiigaan ah, iyada oo uu gugacu meel walba ka soo onkodayay, biriqda iyo hillaaceeduna ay dhulka dharaar cad ka dhigayeen.
Habeenku waa gudcur madow. Dhaxanta geyraha ah iyo cabsiduna waa ay sii badanayeen. Dhawaaqyada wadna goyska ah ee habar dugaagta uu libaaxa ugu weyn yahay, ayaa hadba ku soo dhowaanayay. Waxa ay is tiri “Geedaha dushooda ma fuushaa” taasi waa ay la noqon weysay oo “Maya maya” ayey laabta iska tiri, waxayna ka baqday roobka iyo qabowga ba’an ee dhacaya.
Goor danbe oo ay talo ka calowsanayd, ayey aragtay god af weyn oo hog hoose sii leh mugdina ahaa, hase ahaatee iyada oo godka galistiisa ka cabsanaysa oo is leh “Ma gashaa mise” welina uurka ka tallamaysa, ayuu meel aan ka fogayn oo agteeda ah, Dhurwaa ka ciyay, markaasey, iyada oo aan is ogayn naxdintii ay dareentay darteed isugu tuurtay godkii mugdiga ahaa oo aan la ogayn waxa gudihiisa ku dhex jira!
Gobaad godka salkiisa hoose markii ay gaartay oo iyada oo neef tuuraysa ay in xoogaa ah ku dhex jirtay bay dareentay qurun iyo ur aad u xun oo meesha ka soo gufaacaya naftana aysan u adkaysan Karin, illeyn meeshu waaba god Waraabe oo ay ka buuxaan uus iyo dhiig aad u qurmoon iyo lafo fara badan, waxaana godka ku sii jirta oo ku ilmo dhashay (Abeeso-lugaley1) gabowday oo qoyaanka iyo dhareerka ka tifqaaya uu godka oo dhan wada gaarsiisan yahay, kuwaasi oo ay Gobaad intey gacanta ku taabatay dib u ursatay, “Alla qurun weynaa!” intey tiri bay haddana sii raacisay “Alla go’aye, caawana ma tanaa ii danbaysay?” waxa ay ogaatay, in uu qoyaanka maradeeda oo dhan wada gaaray, urtuna ay korkeeda saran tahay meel looga bixi karaana aysan jirin.
In cabbaar ah ka dib, bay iyada oo naxdintii hore la amakaagsan haddana lugaheeda hoostooda ka maqashayneefsashadii Abeeso-lugaleyda, , markaasey si halhaleel ah godka afkiisa ugu soo orodday, iyada oo aan nafta siin Karin, in ay dibadda u baxdo, maxaa wacay, bahal oo dhan baa dibadda taagan oo halistaasi u ma bareeri karto, waxayna go’aansatay “Abeeso lugaleyda qurmaysa iyo urta raqda Waraabaha, in ay iska ag joogto, iskana weheshato, intii ay af libaax ku dhici lahayd”.
Gobaad habeenkaa halkaas, ayey u hoyatay, waxa ay hadba toosto oo ay murugo iyo baqdin kelinnimo ahba dareento, ugu danbaystii, waxa ay isku qancisay, naftana ku maaweelisay, “Dhib kastaaba ha igu dhacee, dhimasho, ayaa dhaanta, inaan Mahad-dheere u dhaxo”.
Faahfaahin
- Abeeso lugaaley, Maso lugaaley, Masa cagaleey, waa mid ka mid ah xamaaratada beri iyo biyo ku noosha ah, una eg qaabka yaxaaska kase yar.
W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)