Waa dilanahay.
Kaddib sheeko waayo-waayo ah, kaftan iyo kululeysi iyo jawi farxad leh oo aynu isla qaadannay aniga iyo saaxiibbadeey, waxa la gaaray xilli dambe. Waanu is macsalaameynay, anna waan soo dhaqaaqay anigoo ku wajahan xagga guriga aan ka deggenahay magaalada.
Tallaab kasta oo aan qaado waxan dib u xusuusanayey waqtigii quruxda badnaa ee aan la qaatay jaallayaasheyda. Anigoo is moog baan dhoola-caddeynayey marmarna qosol agagaarkeyga laga maqli karayey ayaa iga soo baxsanayey. markaan dareemo inaysan cidi ila joogin oo aan kaligey waddada marayo ayaan aamusayey si aanan leygu tilmaamin ruux waalan oo kaligii isla hadlaya.
Kol aan marayo bartamaha magaalada ayey korontadu tagtay. Maxaa helay? Ma garan’e cillad baa malaha heshay. Leyrkii (nalalkii) hareeraha laamiga ka shidnaa weey dameen. Dabeyl aan mooday in ay i baqdin galineyso ayaa billaabatay. Wadnuhu waxa uu billaabay garaac. Shanqarta raadkeyga ayaa ila noqotay dad kale oo agagaarka ama gadaasheyda soo gaatamaya. Hummaag been ahna waan ley hor keenayey. Waan istaagaa, kolkaasaan eegaa cirif kasta. Waa anigii uun oo qof socdaahi majiro.
Cabsidu wey igu sii badataa kolka aan maqlo qeylada eeyaha is ceyrsanaya. Waxa aan soo turcaba waa aniga usoo dhawaaday aqalkii. Luuq ku yaalla meel hoobad ah anigoo kasoo hantaaturay ayaa waxa si lama filaan ah iisoo horjoogsaday nin madoow oo ay la socdaan koox kale.
Xabadka ayuu gacanta iga saaray “noqo waryaa” ayuuna igu yiri. La dood markii aan maagana daanka ayuu tugumbo aan la gariiray iiga dhuftay. Dhulka ayaan halhaleel ugu dhacay. Gowsihii bar baa daatay! Sidii nacnacii ayey afka gudhiisa ka shaqareen. Gacanta ayaan u hoorsaday si aan u hubsado in ay budaaqmeen iyo in kale. Intaan tufinba waxa hareeraha iga soo maray kooxdii la socotay ninka madoow. Maxay ahaayeen duulkan inkaarani?
Mid aan arxan laheyn baa beerka iga haraantiyey. Qeylodhaami ayaan maagay laakiin waxa igu fakaday oo aan dhunxiyey gowsihii iyo dhiig kasoo hooray halkii lala haleelay tugumbadii hore. Mid baa kulleetiga iga qabtay ina istaajiyay. Kuwii kale gacmaha ayey iga qabteen. Qaar baa fariistoo lugaha iga togayey. Tabarteydii waxan kusoo koobay inaan daawado uun waxa igu dhici doona. Laba-lagdin (kalafooto) ayuu isla baacshay. Madaxa, dhafoorka bidix iyo qoorta ayuu la helay. Korontadii jirka ayaa tagtay. Mindhaa kuwii kalana dhulka ayey igu sii daayeen. Maba dareemin xanuunkaase waxa dhegta kasii guuxayey jugta kale.
Halka aan aallo waa meel dhagax leh. Nin gaaban, oo kuusan ayaa usoo booday sida qolyaha musaaracada ciyaara. Xabadka, feeraha iyo caloosheyda ayuu salkiisa kusoo aaddiyey. Waaka sidii madfacii igu habsaday. Qeyladhaanta ka yeertay dhanka gadaale waxa iiga darnaa matag ay weheliyeen dhiig iyo qufac.
Carar ayaan is iri, waanse raftay. inan cabaado ayaan isku dayey, waanse kari waayey. Si hoose oo aan la maqleyn waaniga u iri “waan dilanahay”. Waan soo fariistay anigoo xabadka taataabanaya. Qoorta ayaan riixriixay. Waxan hubiyey tirada gowsaha igu yaalla. Carrabka ayaan kolba dhinac u dhaqaajiyey, dhadhamin kaddib waxan ogaaday inuusan dhiig iga socon oo aan fayoobahay.
W/Q: Ibraahim Cusmaan Afrax(Nolosha)