Dr. Afrax Ma Dhiman
W.Q. Maxamed D. Ciise
Dr. Afrax wuxuu ahaa “Qofkii soo saaray wargeyskii ugu horreeyay ee af Soomali ku soo baxa, kaddib markii la hirgaliyay far Soomaalida.” Mustafa Feyrus.
Fariidkii Afrax ahaa jirkiisii aboorka ayaa liqay, bal se waxaa wali nool fariidnimadiisii qoraalka, fikiradihiisii iyo dhaxalkiisii faca weynaa. Oktoobar, ayey u timid geerida, kana kaxaysay adduunkaan iyo bulshadiisii Soomaaliyeed.
Maxamed Daahir Afrax AUN, waxa uu ku suntanaa summad kastoo wanaagsan, ruux daahiran, dal jaceyl, dad jaceyl iyo af jaceylnimo sare. Aqoontiisii kuma macaashin’e wuxuu uga faa’iideeyay bulshadiisii, wuxuuna hurdada ka kiciyay maskaxdeenna hurudda.
Hormuud ciidda ay liqday ayuu noqday, bal se wuxuu inooga tagay dhaxal aysan cidi gooni u laheyn, hanti reerkiisa aanan ku ekeyn se ah hanti guud oo aad u nacfi badan.
Wuxuu ka tagay sadarro dheefsi badan, fikrado dhaxalgal ah iyo sheeko fac weyn.
Wuxuu dedaal fara badan ku bixiyay horumarinta, hagaajinta, iyo hogatuaasleynta Afkeenna.
Wuxuu ahaa faaqide sare, hormuud hoggaamin sare leh. Wuu tagay, haddana wuxuu baaqi ku dhex yahay maktabadaheenna, aragtiyadihiisa ayaan dheefsannaa. Wuu aasmay, habaaska ciidda ayuu dhex ahaaday goor hore, haddana wuxuu waligiis ahaanayaa mid inala joogo oo aan dheefsanno.
Sheekadiisii ‘Maanafaay’, ayaa inoo ah muraayadda aan iska dhex eegi karno bulsho ahaan. Jaceylka saafiga ah ee ku habsaday qalbiga Maana, foolxumada islaanta Beydan ay ku kacayso iyo waalidka Soomaliga ah qaab dhaqankiisa ayaan mar kaliya ka dhex arkeynaa sheekadiisa.
Farsamada dhacdooyinka uu iskugu xiray, falkinta sare ee qoraalka iyo lahjadaha kala duwan sida uu u adeegsaday ayaan sidoo kale ka qaadan karnaa cashir weyn.
Dhigaalkiisii ‘DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY’, ayaa ah dhaxal manfac weyn leh oo uu inooga tagay fariidkii Afrax ahaa.
Aragtiyadihiisa hodanka ah ayuu kaga soocnaa qoraayaasha, barayaasha iyo barafeysarada Soomaaliyeed.
Nal gooni u iftiimaayo ayuu ahaa, waligiina wuu ahaan doonaa. Wuxuu ahaa, ahaan doonaana macallin ay dadkeennu ka bartaan qorista tolmoon, tilmaamta sare iyo tusaaleynta bulsheed.
Wuxuu wax ku qori jiray afaf aanan aheyn afkiisa hooyo, taaso keenayso inay fikradihiisa akhrin karaan malaayiin qofood oo aanan aheyn dadkiisa.
Wuxuu ka tagay kummanaan maqaallo oo uu ku daabacay wargeyso dhowr ah, aragtiyado bulsheed iyo habqoraal si gooni ah u farshaxannimo badan.
Wuxuu lahaa hodannimo Afeed iyo habsamo hoggaamin middaaso uu ku hoggaaminaayay Akaadeemiyad Goboleedka Afsoomaaliga, AGA.
Wuxuu dedaal dheer ku bixiyay hodminta iyo horumarinta Afka Soomaaliga.
Wuxuu dedaal ku bixiyay af uu aqoonyahankii bulshada uu ka dal doorsaday sidii uu bulshada u jecleysiin lahaa. Bulsho duntay sidii uu u soo kicin lahaa. Maskaxyo booreystay sidii uu boorka uga jafi lahaa.
Oktoobar, maalin ka mid ah ayaa la tagtay jirkiisii, ciidda hoose ayaan ku soo aasnay bal se sidaas kuma uu san dhammaan Maxamed Daahir Afrax, oo waxaa wali baaqi ku ah guryaheenna, makatabahadeenna aragtiyadihiisii iyo habqoraalkiisii. Wali wuxuu inala fadhiyaa maqaaxiyaha, oo waxaan sidannaa buugtiisii, waxaan akhrinnaa maqaalladii uu soo saaray.
Diktoor Afrax weligii dabargo’i maayo, afafkii caalamiga ahaa akhristayaashiisii ayaa dhooban oo akhrisan doono dedaalkiisa fikireed. Wuxuu weligiis joogi doonaa goobaha aqoonta, fadhiyada caalamiga ah iyo qaanadaha buugaagta.
Dhammaad