DUGUL Q.5AAD

DUGUL Q.5AAD

Tan iyo maalintii ay Dugul iyo gabadhiisa Maryan dhexmartay dooddii ku idlaatay maydka waa in karfan cad lagu duugo, iyo mayee midabka karfantu muhiim ma aha, Dugul waxaa ku soo kordhay arrin yaab leh oo ka anfariirisay taa oo uu maalmihii hore u qaatay in uu ku riyoonayo, laakiin markii dambe uu ogaaday in aysan riyo ahayne tahay dhab hortiisa taalla. Waxa uu arkay dukaamadii karfanaha iibinayay oo karfano midab madow iibinaya. Si uu arrintaa u hubiyo in ay tahay riyo iyo dhalanteed maankiisu u sawiray, iyo in arrintu aysan dhalanteed ama riyo maalmeed midkoodna ahayn ee ay dhab biyakamadhibcaan ah tahay waxa uu ku wareegay dhammaan dukaamadii uu ku ogaa in ay karfanaha iibiyaan. Hadba inta uu dukaan tago ayuu haybiyaa iyo karfan iibiyaan iyo in kale, dabadeed qofka dukaanka iibinaya ayaa inta yiraahdo “innaa lillaah wa inaa ileyhi raajicuun. Walaal maydka Alle ha u naxariisto sabar iyo iimaanna ha kaa siiyee, karfan waa haynnaa, waana tan.” Dabadeed Dugul oo amakaagsan baa ku warceliya “walaal tan midabka madoobi karfan ma ahane tu midab cad ma haysaa?” ka dib na dukaan iibiyihii oo yaabban baa dhaha “walaal maxaa kaa si ah? Ma ookiyaalihii baad soo illowday?” Dugul waa oo qummanihiisu qoorta u suran yahay baa ugu warceliyay “war waxba naga ma si aha ookiyaalana maba qaadannee miyaadan karfan cad hayn?” “Sow karfan cad rabtid? Dee waatan ku hortaal,” baa dukaan iibiyuhu ugu warceliyaa. Dabadeedna Dugul asaga oo yaabban sina u jaahwareersan buu ka dhaqaaqaa oo dukaan kale hor istaagaa balse isla sidii hore ayaa loo la yaabaa. Dhawr maalmood buu sidaa hadba dukaan isu hortaagayay ilaa dukaanlayaashii oo dhani isu sheegeen kuna tilmaameen in uu yahay ruux dhimir ahaan aan fiyoobayn.

Dugul markii uu dukaamadii ku daalay buu raadiyay masaajidyo uu ku malaynayay in karfano waqaf ahi yaallaan. Dhawr masaajid buu cagta mariyay, mid walba oo uu tagaana isla tabtii dukaamada ayaa karfano madow bakhaarrada ugu rasaysan yihiin. Masjidka walba oo uu tagaba waxaa ka abuurmay dood iyo muran u dhaxeeya Dugul iyo maamulayaashii masaajidda. Si walba oo maamulayaashii masaajiddu isugu dayeen in ay Dugul ku qanciyaan in karfanaha ay hayaan cadcad yihiin midabka madow ee uu sheegayaana yahay khiyaali indhihiisa oo keli ah un arkayaan, waxba kama suuragelin. Maamulayaashii masaajidda oo qaarkood Dugul garanayeen, intii ayaga iyo Dugul murmayeen, waxa ay hoos, nuxnux iyo oogahadalba (body language) isugu sheegeen in ninka loo dambeeyay u na baahan yahay quraansaar. Raggii yaqaannay iyo kuwii ay saaxiibbada ahaayeenba waxa ay isu tebiyeen oo qofba qof u sii sheegay dabciga amakaagga leh ee Dugul lagu arkay. Tashi iyo iswaraysi dheer dabadeedna Dugul saaxiibbadii waxa ay guddoonsadeen in saaxiibkood yara fududaaday sidaa daraaddeedna gurmad u baahan yahay. Waxaa arriinkii lagu gunaanaday in qoyskiisa la wargeliyo ka dib na ninka la quraansaaro. Laakiin, markii qoyskii loo tagay arrintii waa la isku raaci waay. Xaaska Dugul, Suleekha iyo wiilashadeeda Cutayba iyo Cubayda waxa ay ku adkaysteen in odaga qoysku caafimaad qabo, halka Maryan ku doodday in aabbaheed u baahan yahay quraansaar iyo dhakhtar cilminafsiga ku takhasusay.

Dugul asagu – halka saaxiibbadii ku mashquulsan yihiin bedqabkiisa – waxa uu rumaystay in saaxiibbadii iyo gabadhiisuba yihiin koox u midowday duminta diinta. Waxa uu aaminay in saaxiibbadii yihiin halka Maryan ka soo cabtay aragtida qalloocan ee ay beryahan la soo baxday.
Ka dib dhawr ayaamood oo uu feker ku foognaa, ugu dambayn Dugul waxa uu go’aansaday in uu diinta badbaadiyo oo dalka keeno karfano cadcad. Dabadeedna waxa uu safar u aaday dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga iyo Masar, dhawr toddobaad ka dib na waxaa Xamar yimid konteennarro karfano ka buuxaan. Dhawr degmo oo magaalada ka mid ah ayuu bakhaarro ka kireeyay dabadeedna karfanihii ayuu ka buuxiyay. Markii bakhaarradii buuxdhaafeen, Dugul waxa uu xaaskiisi ku armay in ay bannayso qol ka mid ah qolalka guriga qoysku deggan yahay si uu igu soo daabbulo jawaannada karfanaha ah ee bakhaarradu qaadi waayeen. Suleekha waxa ay bannaysay oo kuraastii iyo miiskii qadada ka gurtay qolkii fadhiga ee odaga iyo martidu ku cuntayn jireen. Suleekha waa raalliyo odageed aad ugu dhaganugul oo aan abidkeed maya ku dhihin. Suleekha oo qolkii bannaysay baa Maryan oo jaamacad ka soo baxday gurigii timid dabadeedna markii ay aragtay waxa hooyadeed fashay bay marna yaabtay oo marna qososhay, ka dib na waa ay ka gilgilatay amarka waallida cas ah ee aabbaheed bixiyay hooyadeedna fulisay. Habeenkii markii Dugul soo hoyday waxa uu yimid Maryan oo sugaysa. Dood iyo muran dheer ka dib Maryan waxa ay aabbaheed ku qancisay in uu qaybta dambe ee guriga oo bannaan ka dhisto bakhaar uu ku kaydsato karfanaha uu Careebiya ka soo daabbulay, taa na Dugul waa oggolaaday, qaybta dambe ee gurigana waxa uu ka dhisay bakhaar jiingad ah oo wayn dabadeedna waxa uu ka buuxiyay loorar karfano ka dhaansan yihiin. Intaa dabadeed, Dugul waxa uu galay tabliiq uu masaajiddii magaalada ku wada maray uguna sheegayo in ay Alle ka cabsadaan oo joojiyaan karfanaha madmadow ee ay marxuumiinta ku duugayaan, ayna dadka ku duugaan karfanaha cadcad ee asagu hayo si bilaash oo ah oo aan shilin laga rabin. Laakiin, sidii hore ayaa loo arkay nin waalan, inkasta oo ay dad badan karfanihiisi qaateen maadaama ay bilaash yihiin.

Ha se ahaatee, waxaa dhacday arrin la la yaabay oo dadkii ka anfariirisay. Dhawr maalmood oo isu xigxiga ayaa dab qabsaday saddex bakhaar oo ah kuwii Dugul karfanaha ka buuxiyay. Mid ka mid ah dabkii bakhaarrada qabsaday waxa uu gaystay waxyeello dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Dhawr qof oo ku ganacsanayay dukaamo iyo bakhaarro ku dheggan bakhaarka Dugul baa ku geeriyooday dabkaas halka tobannaan kale ku dhaawacmeen, maal farabadanina waa ku basbeelay. Sidaa oo kale, dabkii bakhaarrada kale qabsaday burbur hantiyeed buu gaystay. Dadkii eheladoodu ku nafwaayeen dabkii ka kacay bakhaarrada Dugul iyo kuwii hantidoodu ku gubatay Dugul bay qaan u qabsadeen. Laakiin, Dugul waxa uu gubashada bakhaarradiisa ku eedeeyay saaxiibbadii iyo dadka magaalada kuwaa oo duminta diinta u dhardhigtay, sida uu aaminay.

Intii aysan dhammaan doodda qaantii Dugul loo haystay baa galab Dugul oo dhextaagan si uu u hubiyo badqabka bakhaarkii gurigiisa ku yaallay baa bakhaarkii uu dhextaagnaa dab ka kacay. Hal mar baa olol iyo uuro madow cirka isku shareereen Dugul na halkii uu dabka ka carari lahaa oo badbaadin lahaa naftiisa iyo nafaha xubnaha qoyskiisa, waxa uu isku dayay in uu karfanaha badbaadiyo oo bakhaarka gubanaya ka daadgureeyo, dabadeedna qiiqii ayuu ku neefqabatoobay waxa uu na ku suuxay gudaha bakhaarkii ololayay, laakiin deriskii reerka u dhawaa oo ololka iyo uurada arkay baa soo gurmaday oo wargeliyay Suleekha iyo qaar ubadkeedi ka mid ah oo warmoog ah, dabaadeedna waxaa la soo badbaadiyay oo bakhaarkii gubanayay laga soo jiiday Dugul oo qaybo oogadiisa ka mid ahi gubteen. Balse, nasiib wanaag dhaawacyada Dugul gaaray ma ahayn kuwo noloshiisa halis ku ah. Si degdeg ah ayaa Dugul isbitaalka lagu la cararay. Laakiin, nasiibdarro dabkii bakhaarka qabsaday waa la damin waayay ugu dambaynna waxa uu soo gaaray qaybihii kale ee guriga, halkaa oo gurigii reer Dugul ku basbeelay.

La soco Q. 6aad

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN