Gabayga: DHARDHAAR DHAQAN!
Gabaygaan magaciisa waxaa la yiraahdaa (DHARDHAAR DHAQAN!), wuxuuna jawaab maragfur ah u yahay gabay ay tirisay abwaanad Hodon Sh. Cumar. Gabagaa Abwaanaddu waxay uga hadashay farsamo hidde dhaqankeennii hore iyo sida uu u sii baaba’ayo iyo sida aynaan mid kale oo aan leenahay ugu tallaabsan, iyadoo ku soo gunaanadday su’aal ah; war ma weynaan dad jira ahayn maxaan dhaqankeennii u luminaynaa?.
Sidaas daraaddeed xeerka gabayga markaan raacno, Gabayga haddii su’aalo ku jiraan wuxuu sugayaa jawaab waxaana u jawaaba qofkii su’aashu macno ugu fadhiso, waxaanna iri
Dhowaanahan dha’leey gabay ka haray, dhihitinkeediiye
Is ka dhaafay maansooyinkii, aan dhiteeyn jiraye
Sababtuna dhacsaal(1) iga ma aha, aan dhawaaq gabaye
Dhex ka raacu goortuu bataan, teydii meel dhigaye
Waxse aan dhakado oo in badan, dhegaha laabtaaba
Farriin dhaxanti iga qaadday iyo, dhedadi dheelkeeda
Oo dhiigga hoosiyo lafaha, iga dhalaalsiisay
Oo masaafo dheer iiga timid, dhebedku(2) ii keenye
Aan dhudhumiyo caawuu gabagu, ii dhadhamayaaye.
Dhalgobeed, Dhammoy Dhowrsaney, Dheemman Hodon Luula
Habeen dhalad Dhammayseey walaal, dhallinta Soomaali
Dhabiil iyo dhugmaad dheertihiyo, fiiro dhumuc weeyne
Waxaan kuu dhoweystaana waa, dhiifahaa badane
ILAAHAY ku dhowryoo dhib iyo, dhabbaqo kaa haaye
Ku sii dheelmo, dhabbahaas midnimo, dhaaxa abidkaaba.
Afartaas dhardhaaraye mid kale, dhibic haddaan saaro
Oo aan u dhaadhoco halkaan, rabay inaan dhuujo
Hodoneey dha’dii gabaga eed, soo dharaandhirisay
Dhisme aqal waxaad ka hadeshee, dhaqan ka faallootay
Nimaan dheehan nimaan dhuuxiniyo nimaan tixdii dhaarin
Iyo nimanki dhayalsadey murtideen, dhugannin yeelkoode
Dhab xaqiiq, dhambaalkii anigu, waan ku dhaashadaye
Sida dhoolka roobkoo xareed, waray dhul aan joogo
Ama ramad diraac ii dhaluu, iiga dhiganyahaye
Ha yeeshee, haddaan dhiirradoo, tuujo dhimirkeyga
Gabaygaagi dheelliga la’aay, een ka dhegaqaaday
Mid loo dhigiyo anigoon dhahayn, mid u dhowaanaaya
Dhankaad reebtay dhaqankii balaan, dhowr yar ka iraahdo.
Dhoon(3) qabaya, kalax(4) dhumiye iyo, saabka lagu dhaansho
Dhakal(5) toobte(6), dhure(7) doobi(8) iyo, Gaawe(9) carar(10) dhaashan
Sibraar(11) dhalxasha, dhiil qoriya iyo, dhaay mid lagu qaato
Qandi(12) dhegaleh, xashin(13) dhirirsan iyo, sati(14) alaab dhowr ah
Mooye dhoy ah, kashii dhufashadiyo, xaarin(15) dhaca haadsha
Dherri dhoob ah, dhaal(16) kariye iyo, godane(17) dheefqaad ah
Dube(18) dhamasa, qaraf(19) dhuundhus iyo, saraf(20) dharkeyn geeda
Qumbe(21) dhugufsan, tebed(22) dhuuban iyo, gure(23) dhexyaalkooda
Dhiin wadaana(24), qabaal(25) laba dhudhuna, shube(26) dharaab(27) dowlis(28)
Dhafar(29) tidac ah, dhegsin xariga iyo, dhuujiyiyo qoofal
Dhambal gogol ah, dheereey jiimbaar, derin dhiggoodiiya
Intaasoo dhir laga suubbiyiyo, harag la dhaaddhaaday
Iyo dhagax bar laga dhiimiyiyo, dhoobo la cantobshey
Iyo dhowrya dhowr dhowrar kale, dheeri tiro dhaafsan
Habka loo dhakaabiyo sidaas, loo farshaxan dheehay
Noo ma dhigin dhiqlaha reergalbeed, dhaar WALLAAHIYA’e
Waa farsamo abkeen noo dhisiyo, dhaqan awoowgeen
Ha yeeshee, dhabcaalnimo darteed, laayac baa dhacaye
Agabkaas aan soo magac dhabaye, dhuuxa ka caddeeyey
Inay dhaxasho ummaddii la rabay, oo weliba dhowrto
Is ka dhaaf iney guri dhigtaan, ameey ku dhaataane
Dhaayahooda ka ma qaadin weli, maqalna mey dheegin.
Afartaas intaan dha’da ka deyey, dhaay ma ka caddeeyey
Ma dhudhumiyey dhaqankeenni hore, mana dhadhaabeyey
Ma dhacsiiyey kaan dhab u aqoon, dhaxalka Soomaali
Abwaannadana ma u dhaafay qayb, dharaqna(30) mow reebay
Dhowaan baradka luuqaddu dhibtaa, beyd dhubqaaliya’e
Dhafdhaf iyo dhexroor iyo dhucliyo, dhinacla mow diidey
Dhudda gabayga xeerki u dhignaa, dhaad ma uga yeelay
Ma ku dhaabay dhacantay lahayd, dhilanta suuugaantu!
Afar kalena dhiillada labaad, dhibic haddaan saaro
Oo aan jawaab ka la dhigdhigan, Hodoneey kuu dhiibo
Dhafoorracadda dhallinyaro ku sheeg, ee haddeer dhalata
Waa dhamaasan, iyo dhoohaniyo, dhaawan dhegalaaye
Iyo dhimman qalbigu uu dhintiyo, duul dhadhabisaaye
Maxay dhaqan awoowgood xusaan, waa dhantalanyiine!
Afartaa dhardhaaraye mid kale, dhibic haddaan saaro
Dhallinyarada Soomaalideen, wadar dhaleeceeyey
Dhan kastaba ha joogee kuwan, dhimman ku soo sheegay
Inaan been dhaliilayo haddii, layska dhaadhiciyo
Aan marqaatigii soo dhuftee, dhowra hadalkeyga.
Inta Yaambo dheer iyo tuntaan, dhiliq masaareedyo
Oo daab dhakada uga mudaan, sida bir dhoolgaadda(31)
Oo dharaarti dhabarrada godaan, iyagoo dhaaraanleh(32)
Oo dhirta cadduunkiyo falaan, dhegedka dhoobooyda
Oo dhuub(33) miraa iyo abuur, dhalaw ridaan reyska
Ma beertaan dhulkoodoo anfaco, ka ma dhalaalshaane
Dhanka kalena mey dhaqanayaan, dhogorta xoolaade
Dhaqaaliyo wax soosaar kalena, soo ma dhiciyaane
Istakiin(34) dad soo dhoofiyeey, lacag ka dhiibaane
Dhaanraac iney wada yihiin, iyo dad dhaandhaan ah
Oo aysan dhiilladuba gelin, sow mid dhaba maahan?.
Afartaa dhardhaaraye mid kale, dhibic haddaan saaro
Oo an waano dhaxalgala misana, dib u dharoobeeyo
Dhammaanteedna Soomaali aan, dhab u tusaaleeyo
Markaad tacab dhiteysaa adduun, la is dhalaalshaaye
Adigoon waxaad dhoofsatiyo, haysan waxad dhuuqdo
Oo sida dhallaankii ka dhigan, nuugey dherebtiisa(35)
Dhoollahaad caddeysiyo xarrago, wayska dhalanteede
Dheg wax maqal haddaad leedihiin, amase dhooryooni
Ma dhuunyado dad aan dhididin jeer, dheefuu leeyahaye
Dhib la’aan inuuu wada dhergana, waa wax aan dhicine
Dhugmo yeelo Soomaalidaay, dhaayihiin dedane!
Afartaa dhardhaaraye mid kale, dhibic haddaan saaro
Noloshaad dhiggaa tuugsateey, dhimasho dhaantaaye
Intaad sacabbadow dhiganlahayd, cadaw dhibaaddiisa
Ood dheriga quureed dhacdhaca, dhabaqsanlayd heenka
Ama aad dhursugan lahayd cawino, yaalin(36) dhuxulowdey
Dhuugaasha(37) adigoo dubtiyo, xabagta geed dheerka
Ama laaca(38) dhafarruur cunaa, kuu dhadhamo roone
Sidaan dhaama Soomaaliyeey, waad is dhigateene.
Waxba gabagu yuu i la dhixine, waxaan ku soo dhaabay
Aadmiga adduunkaan dhurane, qoomba dhinac joogo
Horteen soo ma dhaadhicin arlada, dhalashadoodiiye
Dhallintiyo dhulkana woow sinnayn, dhidib billowgiiye
Cirkana uga ma soo dhicin nacfiga, ay haddeer dhamiye
Waxay nooga dheereeyeen waa, shaqaday dhoobteene
Dhiidhi li’ida waxa noogu wacan, yaa wax igu dhaama?.
Dhammaad.
Erey bixin:
1) dhacsaal: daal.
2) dhebed: shinbir. Fiin ama galawna waa loo yaqaan.
3) dhoon: haan
4) kalax: weel biyaha la darsado.
5) dhakal: weel yar oo geed ah oo geeljirihu geela ku maalo.
6) toobte: weel geela lagu maalo oo qabo ka saneysan.
7) dhure: weel ceelasha lagu dhurto
8) doobi: weel xoolaha lagu maalo, oo qabo ka sameysan
9) gaawe: weel xoolaha lagu maalo
10) carar: waa geedaha lagu gaduudiyo alaabaha.
11) Sibraar: waa maqaar ari oo caanaha lagu qaato.
12) qandi: waa maqaar la tolo oo hilbaha lagu qaato.
13) xashin: waa maqaar la tolo oo alaabta lagu rito.
14) sati: waa maqaar weel lagu rito oo meel la la suro.
15) xaarin ama masafo: midka raashinka lagu ka la baxsho.
16) dhaal: weel wax lagu karsado, sida digsi yar.
17) godane: weel raashinka lagu cuno sida xeerada.
18) dube: geed la qoray oo raashinka lagu dubto.
19) qarraf: geed raranka lagu xaaro, marka wax la dubayo.
20) saraf: geed la qoray oo salolka lagu shubto marka la cunayo.
21) qumbe: weel maqaar ka sameysan, oo hilbaha iyo subagga lagu shubto.
22) tebed: weel maqaar ka sameysan, oo hilbaha iyo subagga lagu shubto.
23) gure ama fandhaan; geed sida qadada loo isticmaalo.
24) wadaan: harag ceelasha lagu cabo.
25) qabaal: geed la qoro oo xoolaha biyaha lagu siiyo.
26) shube: xarigga ceelka lagu cabo.
27) dharaab: xarigga wadaanta iyo dadaabkeeda is ku xira.
28) dowlis iyo shube waa is ku mid: xarig ceelka lagu cabo.
29) dhafar: xarigga awrka lagu caymiyo.
30) dharaq: caano lagu reebo naasaha xoolaha.
31) dhoolgaad: ul madaxa hore bir looga mudo, oo lagu dagaalo.
32) dhaaraan: dharka la xirto marka la shaqaynayo.
33) dhuub: hal sacab oo raashin ah.
34) istakiin: findhicilka ilkaha lagu farto.
35) dhereb: marada ilmagu marka uu dhasho lagu qabto.
36) yaalin: wax meel is ka oolli jiray.
37) dhuugaal: miraha garaska.
38) laac iyo magool iyo dhalaag: waa laamo geeduhu bixiyaan xilliga ay roob sugowga.
Curiye: Maxamad Xuseen Faarax