GABAYGA: SOOYAAL QAYBTII 3AAD: SEEGSEEG
Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;
Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.
Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)
Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)
Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa,
1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)
Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.
QAYBTII 3AAD: SEEGSEEG
- Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
285. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan surinki weydarshey
286. Ma u simay sidii sayma roob, oo salaad da’aya
287. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
288. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere. - Signal baxay dheglaa salagle, oo seeri bigil yeerye
290. Saqdi dhexe Bashiirow haddii, samada aan eegay
291. Xidigaha siraadiyo markaan, rugaha saac baaray
292. Saxal dirirka saanboob ku dhaaf, saraq wareeggiiye
293. Naafaha ayuu sanaddadaan, ka la dhex sooraaye
294. Sahriguna sabciin tiro habeen, soo ma uu bixine
295. Sacadhowr salaad subax ma dhoco, bilaha seemoone
296. Cirjiirkuna seddaxa cirir ma qaban, labo sagaalaade
297. Dayaxuna sabaannadaan ma maro, surummadiisiiye
298. Qibla sooraduu uga sikaday, sebenka maantaaye
299. Sagallada baxaayaana waa, sanad abaaraade - Faalkana markaan saaciyee, sababta aan baaray
301. Caynsane(43) hagaag seexay oo, bayd su’aal noqoye
302. Garbaraar(44) sifada guud tilmaan, siin ya’ lagu reebye
303. Dariiquna(45) sirriyo qaawan iyo, samir la’aan sheegye
304. Nulqad(46) laba saflayn iyo caddey, guluf sawaariiqe
305. Minkiis(47) suuldhabaalaha u saar, sacab shisheyaade
306. Safarna(48) waxa ka kacay waa afyuub(49), mooro suxulloode(50) - Mar hadday sidaas tahay arrini, oo jin nagu seexday
308. Hadal la ma surnaadee waxaan, talo ku soo saaray
309. Shacabyohow la siray oo la sabay, waydin saxayaaye
310. Sidiqabaxda saacaan waqtigu, waa Sahyuuniyade
311. Waa qabyaalad samayada(51) u daab, qaranna seegseege
312. Waa gudin nin soo suubsadiyo, xilal maqaarsaare
313. Waana ii sixiix saan rabiyo, xoog ku socodsiiye
314. Qabiil summadka, sirir waallidiyo, xagarro food saarka
315. Saydho duugga, surin qodax mudkiyo, geedo sare waabka
316. Sanuud tacabka, saro taagiddiyo, soor hunguridoonka
317. Salsal hadalka, suuryeerintiyo, been sabsabitaanka
318. Siyaasigan la salanseelayee, kugu sifaadahaya
319. Siyaasigan caqligu seero yahay, ood sengaha mooddo
320. Siyaasigan kufriga saaxibee, kaa sirduubahaya
321. Siyaasigan sidii saxalka Eey, loo tilmaan sarayo
322. Siyaasigan madfaca kuu sitiyo, sumaca maadhiinka
323. Siyaasigan ku saan jarahayee, laayey sebidaada
324. Siyaasigan salkaca kaa dhigee, samada kuu laalay
325. Siyaasigan ku ka la soocayee, sool ku ka la geeyey
326. Siyaasigan suryada(52) kugu horee, kugu sarmaan ooday
327. Siyaasigan balaayada solee, nabadda aan saabin
328. Siyaasigan saldhada(53) kaa dhigtee, gurada kaa saaran
329. Hadba suud ha kuu soo xirtiyo, saacad iyo koore
330. Samirkiyo dulqaadkaad gashee, waayo suganayso
331. Waxba inaanu soo sidin haddii, aad suti ogaatay
332. Saadaalo beentiyo rajada, sow is ka ma sayrtid?
333. Sow qabiil siduu kuu la degey, siira ka ma dooddid?
334. Sow qabyaaladdaan saaqidnimo, ku ma saliilyootid?
335. Sow quursi soocsooca hayb, waana ka ma soontid?
336. Sow danaysteyaashaan ku sira, sowdka ku ma diiddid?
337. Sow subax naftoo sirinsirqaa(54), weerar ku ma soogtid?
338. Sowse nacabkan seedaha ku jara, meel is ka ma saartid?.
Eraybixin;
- caynsane: beyd faalka ka mid ah.
44. garbaraar: la mid.
45. dariiq: la mid.
46. nulqad: la mid. - minkiis: la mid.
- safar: beyd soo baxa marka la isku dhufto beydadka faalka. Waakii ninku lahaa:
“sa’far afyuub iyo siin ILLAAH midna ku ma samir xumi!”
49. afyuub: beyd faalka ka mid ah.
50. mooro xusullood: xerada faalka laga miisaamo.
51. samayo: usha waranka.
52. suryo: meesha labada geed u dhexeysa ee la maro.
53. saldho: meel la seexdo oo geed korkiis laga sameeyo.
54. sirinsirqeyn: naftoo la huro.
55. salaalug: hurdo ku nixid.
La soco qaybta xigta, ee gabayga.
Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax