GABAYGA: SOOYAAL QAYBTII 4AAD SANADGUURO
Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;
Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.
Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)
Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)
Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa,
1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)
Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.
QAYBTII 4AAD SANADGUURO
- Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
340. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan surinki weydaarshey
341. Ma u simay sidii sayma roob, oo salaad da’aya
342. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
343. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.
- Bulshayahay sifada Aadmi waa, boqol siyaaboode
345. Qof kastana sibuu doonayaa, ama saluugaaye
346. Waxse aniga saabkayga yaal, baan sadaqayaaye
347. Xalay seexan waayoo hurdada, waan salaalugaye(55)
348. Sakaraad sidaan ahay ayaan, saamallayl kacaye
349. Hadba sinu fariistoo subxiga, galay salaaddiiye
350. Wixii aan la selaloo in badan, soor la cuni waayey
351. Oo sirinsirkaas iigu wacan, maydin solonsiiyo
352. Nin walaalki cadaw soo jireen, haysto sabarkiisa
353. Oo weli sabgaalinahayoo(56), uu sindabyeeyey
354. Isagana sabaansabid maskixi, lagu samaynaayo
355. Maqaar saarna lagu saatanshiyo, saawirro adeega
356. Oo seegto laga dhaadhacshiyo, sheekan soconaynin
357. Oo saabbesaabbe iyo ku nool, siibado qaxooti
358. Xornimaduu salleelaynayiyo, calankan uu saartay
359. Lixiyo labatankuu siiyay juun, ee kowda luul saxayo
360. Sanadguuradan maanan garan, aay sabcinayaane
361. Siduu yiri kurraacaha kufriga, qaatay salawgiisa
362. Bal su’aala Soomaaliyeey, weertan soo socota.
- Haddii uu shan soomalo ka dhigay, sayncaddaha gaalku
364. Seddax maqanya, labo seedo mudan, oo silsiladaysan
365. Oo seeska wadareed u siman, magaca soomaali
366. Sareedada xorriyo ee lahelay, saani ugu qayb dheh
367. Bal suureey sinnaan iyo badnaan, saamigii dhaxalka
368. Ma saxbaa in loo saariyaa, suud iyo waqooyi
369. Intii kalena Sawaaxiliga iyo Xabashi aan siinno?.
- Su’aal kale haddii aan hordhigo, gebigeed soomaali
371. Subax baan midoownaan maqlaa, saacad iyo goore
372. Soomaali waataan ahayn, siman walaalaaye
373. Goormaanu ka la soocannoo, saafmay dhaladkeennu?
374. Horta yaa sideedaba innaga, jeer na ka la saaray?
375. Sahnuuniga kufrigu sheekaduu, soo sabbaxateeyey
376. Siriqduu lugaha noo gelshiyo, dabinkuu noo soohday
377. Surka miyaan ku sidannaa xargihii, sida sabayn daylo? - Suudda koofur, waqooyiga Sanaag, gobaladdaa Saylac
379. Sabiixdaa Jabuutiyo galbeed, Harar safkuu raacshey
380. Seerahaas Wajeer iyo sintaas, Gaarisada saaran
381. Shantii soomaloo soon gumaysi, noo sohdimo qaybshay
382. Sarintiyo sudmadahuu dhigiyo, surimmaduu jeexay
383. Miyaan weli ku sii socod lunnaa, tubihii seylaani? - Siinka alif ardaga seero qalad, siyo kale u qaata
385. Salbanii Israa’iila ma saxo, suuraddii baqara
386. Nin sahwiyey, salaadaha ku noqoy, labo sujuudoode
387. Lixdankii haddaan seegnay talo, sibiqna duuflaalnay
388. Wax sawaaban oo silan haddaan, sahal ku taageernay
389. Salfudayd haddii aan u sacbinnay, sababti mowdkeenna
390. Suluxyadii qiyaaniyo waxaan, belo sawaafraacnay
391. Boqol sano inaan weli la sixin, qaladkan seeraaran
392. Oo aan sirtii abid la garan, waa sabcaalnimo’e(57)
393. Sow ma eegto illaa sebenudiin, dhagartan Soomaali?. - Ina seenyo oo sayle aar, mici suryeeynaayo
395. Oo soorka dhuug sayn ilaa, sararta laallaado
396. Oo caato sabar wiiqanoo, awrba weli saarsan
397. Waa sidig irmaan kii na yiri, waana saabilaye
398. Gaawe sahashadeenii haddii, aan hungow saxannay
399. Inuu weli sedkeed yahay maxaan, Suub u garan waynay?. - Soddon iyo sagaal sano siddeed, saa’id iyo naaqis
401. Soofdaran habaw bay ahayd, sidigta maandeeqe
402. Sallid(58) baana ku soohnaa waqeed, geedo saajiya’e
403. Sulsuldabar markii lagu eryee, saynta laga duubay
404. San ku xuuble dhiciskiina ay, sayrid miridhaysay(59)
405. Suulgoroyo(60) waatay toleen, saaqdhagooluhuye
406. Gujo suxulna ay ugu dareen, sacab ku maalkiiye
407. Markay gaagax dhega soolidee, iba salaax diidday
408. Afarteedii suul baa qabiil, saab ku qaaybsadaye.
- Nin sarteeda raba oon u socon, Seenyo dhaqankeeda
410. Oo inuu safriyo doonayiyo, saylad inuu beecsho
411. Oo sandareerto siisanahayiyo, subax waxuu quuto
412. Iyo kii samaan iyo la raba, nabad inay soofto
413. Oo u sahanshay kayn seerbaxdoo, sarinku doogaabay
414. Oo sabo wanaagliyo u wada, seel inay mirato
415. Oo dhiillo saabliyo sibraar, soo sahsahanaaya
416. Oo jecel salaaxsuga inuu, sebiyaduu maalo
417. Labadaas ayaa ka la safane, maan gar ka la siinno?.
- Hadal la ma surnaadee haddaan, soo afxiro weerta
419. Sa’da ka ma dambaystaa waxaan, doodda kaga seexday
420. Sacsac bahala, suqurjaa(61) horkaca, suququl(62) taageera
421. Sanfi(63) dhaqan xun, soofaalli(64) tuug, saaxiriin quruna
422. Iyo saar gumaystaha intaad, daba saqlaynnayso
423. Sedbursiga intay sheegayan, si xun u faa’iidku
424. Suud iyo waqooyiga intii, lagu sargooynaayo
425. Midnimaad saleelo u heshiyo, samo inaad waarto
426. Suxulkaaga leef weeye iyo, sacab timooleeye
427. Hana sugina soomaaliyeey, nabad sawaabkeede!
Eray bixin;
- sabgaalin: wax nool oo dhulka la la dhaco iyado la dilayo.
57. sabcaalnimo: sawirnimo.
58. sallid: qofka mar walba ku dhiba oo aan kaa tegeyn.
59. miridheyn: hasha dhicisa ama ilmuhu ka xumaadaan.
60. suulgorayo: hasha la gacanbarayo suulka kor u xirid.
61. suqurjaa: qofka damaca xun.
62. suququl: qofka yabaalka badan.
63. sanfi: dabbaal.
64. soofaalli: qofka iska hadla, si xishooddarra ah.
La socda qaybta xigta ee gabayga.
Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax