GABAYGA: SOOYAAL QAYBTII 5AAD SAFGALAAL
Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;
Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.
Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)
Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)
Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa,
1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)
Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.
QAYBTII 5AAD SAFGALAAL
- Afartaana intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshay
429. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan, surinki waydaarshay
430. Ma u simay sidii seeyma roob, oo salaad da’aya
431. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
432. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere - Waxa qaraniki soomaaliyeed, xididdaduu siibay
434. Ama calanki siigada dhexdhigay, loona ka la soocmay
435. Ama laysku saanjarahayoo, loo susumay dhiigga
436. Sidey aniga i la tahay haddaan, aragti saadaalsho
437. Waa qabyaalad sidashada, waxaan sababinaayaaye. - Mar haddey sidaa tahay waxaan, hadal ku saameelay
439. Qabyaaladdaan sirgixan ee dulligu, saabka noo geliyey
440. Qabyaaladdaan siqiir iyo kabiir, wada samaynaayo
441. Qabyaaladdaan sadriga dhaadhacdiyo, seedihiyo uurka
442. Qabyaaladdaan sunnada laga dhigtiyo, waajib na la saaray
443. Qabyaaladdaan sidii miro sabuul, saraca loo beertay
444. Dadka sida sanuuntii u duban, ee ilmaha siistay
445. Oo wanaag ka saacina hayow, waydin saxayaaye
446. Salkac iyo sadaadiyo(65) dil iyo, sigasho mooyaane
447. Saxo caafimaad laga ma helo, sibir qabyaaleede
448. Waa sun qooshan, waabay salliman(66), suuxisiyo geeri
449. Waa sarqaan caqliga suuliyiyo, waalli sirireeda
450. Waa fayris sibiq faafayiyo, aydhis saxariira
451. Waa saliilyo lagu saxanayiyo, cudurka seexaawe
452. Waa naar saciiriyo sahwiyo, suudi miliceede
453. Waa sixir ibliis suusacshiyo, saxaro xaaraane
454. Waa belo cadaawuhu subkiyo, hoog sunaamiya e
455. Waa sirriyo kufrigu saabiyiyo, samayo gaalaade
456. Waa saliingo suusaana(67) iyo, Sooro mudayaane
457. Waa sakiinta lagu qayb saraa, ehel sokeeyaaye
458. Waa madane lagu ka la suntaa, toliyo saaxiibe
459. Waa santuuqda lagu kaydiyaa, sibirka quureede
460. Waa waxa dagaallada socdiyo, sababay sayruuqe
461. Waa waxa qaxootiga susumay, saaray doomaha’e
462. Waa waxa siyaasiga qarriban, qoorta noo suraye
463. Waa waxa sidaan iyo sideer, noo sakaar waraye
464. Qofkaan saa u garanayn ayaan, sii samrinayaaye
465. Imisay silciday oo silciday, oo ku saranseermay
466. Imisay suldaan dubatey iyo, niman salaadiin ah
467. Imisay waxgarad saan jartiyo, sebiyo waayeello
468. Imisay barbaar seef baddiyo, wiilal surar waynle
469. Imisay saraakiil sariyo, jananno haad siisay
470. Imisaa Suleeqiyo ku go’ay, Suubban iyo hooyo
471. Imisay saf dubatoo saf kale, dhaawac sino beelay
472. Imisay nin soof badan lahaa, subax ku cayrtaysay
473. Imisay salkicisoo ka maqan, golaha soomaali?
474. Nin sidsidayba soo aragnay jeer, aaqir say tiriye
475. Mar haddaan sawaab laga helayn, sagagar(68) mooyaane
476. Maxaa belada loo daba socdaa, maa layskaba sayro?. - Safgalaal(69) haddii dulunku simay, wadarta soomaali
478. Qabyaaladda sunteedii hadduu, gebigeed saameeyey
479. Sabaan iyo sabaan badan haddii, ay ku saxariirtay
480. Xeerada salkeedii haddii, silac la soo taabtay
481. Waxay weli siddada ugu dhegtaa, waa i soli waysey! - Shiinahoo saliiqiyo(70) ka badan, saaqa iyo ciidda
483. Calan qura ayey wada sugtaan, kuna samaadeene
484. Si la mida Imaaraad Carbeed, waa suura waaxida`e
485. Waataas suuqyadoodii haddeer, loo safrahayaaye
486. Yurub baa santuuq yeelatiyo, saayiraad urure
487. Waa kuwaa midow saaxiboo, Yuuro suubsadaye
488. Naataa sarfayn iyo awood, wadar sinnaan guurta
489. Waa kuwaa dayaxa sare degoo, saartay saxankiiye
490. Satarlaytka waa kuwaa rakibay, loolka samadaaye
491. Waa kuwaa sawaariiq tuntoo, loo sabcinayaaye
492. Sanco iyo awood ku ma badniyo, seedda muruqaaye
493. Waxay sidaas ku gaaren tashiga, la is la saabshaaye
494. Inagoo siddeed kunana waan, ka la siqaynaaye
495. Maxaa diiddan soomaalinnimo, inaan sinnaan guuro?.
- Waxba gabagu yuu ila socone, waxaan ku sooo kobay
497. Iiga sarakac mooyiyo inaad, samir ku dhaaftaaye
498. Iiga siko soomaalaay ma lahan, harag sagaaraade
499. Inaad toban ku wada seexisana, suura gelimayso
500. Waxaan uga socdaa taa kursiga, layska sugan waayey
501. Samac iyo haddaad leedihiin, arag wax suureeya
502. Suddan idinku dhaarshiyo Sabiyo, SAADIRKA ILAAHE
503. Sidaan dhaama soomaaliyeey, waad surgucateene.
Dhammaad.
Curiye abwaan Maxamad Xuseen Faarax
ERAYBIXIN
- sadaado: dhibatada oon iyo baahi ee qofka korkiisa laga daremo.
66. salliman: gacan ku hubin afsoomaali laakin waa afcarabi.
67. suusaana: wareye BBC.
68. sagagar: iska dabawareeg.
69. safgalaal: saf ciyaar laga badshey dambas wada marin.
70. saliiq: showlaha raaca cuntada ciidda lagu dubto.