Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q2AAD
Maalin jimce ah, ayaa aniga iyo Mudan daraaseynney, oo baarnay dhibku halka uu ka jiro, waanna wada fahamney, oo waa meel annaan awoodin inaan xal ka gaarno labadeennaba. Waxaa soo dhexgaley sal u dhigidda iyo xal u helidda aqalkeenna walaalkey Mahad, oo waxa uu ka dhawaajiyey FURRIIN!
Alla maxaan isbadalay markaan maqley ereyga FURRIIN! Wajigeyga ayaa doorsoomay, oo naclad iyo nacayb daboolay. Waxaan isweydiiyey; waxa ka keeney in Mahad uu ku taliyo in aan aqalkeyga dumiyo!
Mahad wuxuu ahaa, waaya arag, garaad iyo aqoon yahan ah. Wuxuu si fudud iyo muran la’aan noo tusay, noona taabsiiyey qodobkii iyo qaabkii aan isla aragnay aniga iyo Mudan, oo aadba mooddo inuu na dhagaysanayey markii aan sheekaynaynay!
Wuxuu adeegsaday isla eraydii aan adeegsannay. Midda ka sii daran, ayaa eheed, inuu si deggan noo dareensiiyey, in aannaan awoodin inaan xal u helno, kana guulkeeni karin, oo ahaa gunaanadka wada hadalkeennii hore.
Anoo og in ay tahay tallaabo aan la hurayn, ayaan iska maahiyey, kana maagay, oo isku dayey inaan gadaal u dhigo, celiyo ama aan ka hortago, haddana, haddii waqtigu ku ciilayo ama kaa hiillinayo, fariid walba oo aad tahay, waxaad noqon nacas iyo doqon aan tabar lahayn, oo aan taako buuxin karin!
Furriin ayaa loo yimid, arrintuna waxay dhaafi waysay in aan furo Mudan, kuna furo hal DALAAQO! Haddii furriinkii ku dhacay rabitaankeenna oo lalaalay awgii, xiriirkeennii ayaan u sii wadannay, si aan isugu soo laabanno marka jawigu dego, buuq la’aan!
Naf wax jecel iyo lammaane is raba, labadaba lama loodiyee, Mudan waxaan soo ceshtay 14 cisho ka dib. Haba soo ceshan lahaydaa! Malintaan ku laabtey ayaa waxaa dhacey, wax aanan fileyn qorshahana ku darsan.
Waxaan goor subax ah ka soo tagey gurigeyga, waxaanna ku sii jeedey goobta shaqdayda. Waxaan arkey gaari miraayado madow ku xiran yihiin, oo aan loo jeedin waxa dhexdiisa ku jira dad iyo duunyaba. Gaariga waxaa ka soo dagey Mudan abtigeed iyo walaalkeed. Seeddigey oo xiran tuute qorina sita, ayaa wuxuu igu amrey inaan raaco gariga.
Anigu waa iska diiday inaan gaariga raaco, maxaa yeelay, ma ogeyn meel uu ii wadi doono iyo waxa uu igu samayndoono. Markaan ka diidey, ayuu waxa uu wacad ku marey inuu i dili doono. Gaariga waxaa lahaa guddoomiye ku xigeen degmo. Waxaan ku iri:
“Mar baan dhiman, ee dhaqso, walaashaa asaay u saar!” Waa uu sii xanaaqey, ka dibna igu afuufay xabbado, afarta jihana iiga furay rasaas. Waan wareerey. Waxaan garan waayey jiho leyga jiro. Xabbadihii uu igu furay, waxay dhexmareen qaarkood dharkii aan watay, oo ay duleelsheen. Ayaan wanaag waxba ima yeelin, oo Ilaaheey amarkii wax ima gaarsiin, xagatinba ha ahaatee, waana ka badbaadey Alle ayaanna uga mahadceliyey.
Ani dhan waxaa i qariyey, bus, habaas iyo boor, oo qofka i hortaagan iyo anigu aan is arki waynnay, maxaa yeelay, waxaa is qabsaday uuro iyo bito. Waa waqtigii iigu adkaa, ee i soo mara intii aan noolaa. Maalintaa maalin iiga madow ima soo marin abid.
Waxaa goobtii la igu dili gaaray soo gaarey nin odeya, oo bar garanayey xuma falaha dhiiggeyga banneystey, haddana, xilaha iga mudan. Ka dib waxaa la wacay walaalkeey iga weyn, oo caro badan hayso, oo asna ka badbaaday dil qorshaysan. Waan ka soo tagey goobtii geeridaydu ka dhici gaartay, oo waxaan dib ugu laabtey hoygii aan deganaa.
2 maalin ka dib, waxaa kulmey odayaasha 2da qoys, waxaana halkaas ey ku gareen heshiis aan marnaba oggoleyn, inaan si xorriyada kula noolaado marweyda aan jclaa, ee Mudan. Kulan lagu gooyey, sidii la ii cuuryaamin lahaa kas iyo kama’ba ayaa halkaa ka dhacay. Heshiisku wuxuu ahaa, in reerka gabadhu baxshaan magteyda, anna aan furo gabadhooda!
Waa laba qodob oo is qaadan, haddana, la isku qoofalay. Si kan hore loo hirgalsho, waa in kan dambe laga hormarshaa. Waa waalli cad iyo wehel la’aan.
Waxaa maankaygu qaadan waayey go’aanka la qaatay, waxaanna isweydiiyey;
Gabadhooda mise xaaskayga? Nin maxaa gabar looga furaa? Maya, maxaaba looga furtaa? Ma inuu dhaqan waayo? Ma inuu xilagube yahay? Mise, inuu jecel yahay, kaligeedna u go’ay?
Dalabka ah in aan gabdha furo, waan iska diiday markii hore, maxaa yeelay, waxaa iiga fududeed ama iiba dhaantay, inaan ku dhinto xabbadihii la igu furay! Haddii la arkay inaanan aqbalayn, ayaa la igu yiri, hadal nuxurkiisu ahaa; adi wiil yar ayaad tahay, ee talada odayasha qaado! Sidoo kale, aabbaheey ayaa igu yrii;
“Ha na ceebayn, ee talada tolka raac!” taa kaliya ma ahayne, ee walaalkey Mahad ayaa asna culays igu saaray, iguna soo celcelshay inaan lagu sii socon karin jidkaa, asoo ka eegaya dhibaatooyinka aloosan iyo xumaha abuurmay aqalgalkaygii ka hor iyo ka dibba.
Waxaan si qasaba ah, oo aanan raalli ka ahayn iyana ahaysan ku ahayn, aan mar kale ku DALAAQAY Mudan, oo inaysan mudnayn ka sokow, xitaa aan ogeyn, balse, dantu ey keentey, waayoo, waan daaley, oo dhibtoodey, dabcan, iyana ila mid ayey aheed, haddii aysan iiga darrayn.
Markii la iga furtay Mudan ka dib, waxaan u soo dhoofay waddanka dibaddiisa. Teer iyo maalintii nala kala furay illaa hadda ma aannan kala harin, xiriirkeennuna ma joogsan.
Xiriirkeenna aan hakadka lahayn ayaa waxaa ogaaday walaalkey, oo igu yiri;
“Wixii shalay ku soo maray, wax ka baro, cahsarna ka qaado!” haddana, ma awoodo inaan hilmaamo, mana awoodo inaan ku laabto! Waalidkeey iyo walaalkey raalli kama ahan inaan ku laabto, dadkii aan la xididey, ee i xumeyeyna raalli kama ahan. Waa; laba daran mid dooro!
Waan qaadan waayey, anoo Mudan jeceyl, iyana ay i jeceshahay inaan wada noolaa waynnay. Wax badan baan maqlay wiil gabar laga furtay ama gabar wiil laga furaye, maantase aneey igu godlan tahay!
Haddaad gabar guursaday gacalkeey ah, in qabyaalad qayaxan la iiga furto, iyana waan qaadan waayey. Qalad kuma lahan waalidkeey iyo walaalkeey, oo waxay fiirinayeen nafteyda iyo ammaankayga, balse, isu geyn, gunnimo ka weyn miyaa jirta: gacalladaa guurkeedu inuu gef noqdo!
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com