“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 9aad

 

Yelaa wuu hilmaama haddaad maqli jirtay hadda waa yeelaa ma hilmaamo, qofka  xumaanta uu geysto hilmaamo waa qof aan shallaayto ka qabin waxa uu geystay, balse marka uu dareemo qofka in waxa uu sameeyay ay tahay Xumaan, shallaytadiisa ma dhamaato, ficilkaas uu geystayna mar walba oo xusuusto wuxuu ku noqodaa Utun uu dhibsado la jirkeeda.

Hinda markii ay dhameysatay shaqadii ay ku jirtay oo ay usoo jeesatay qaabiladda wiilasha ayey indhaheeda qabteen C/casiis, waxayna ku tiri Cabbaas “wiilkan quruxda badan waa kuma ee aad maanta meeshan la timid, ma saaxiibkaabaa ayey su’aasheeda kusoo xirtay” Cabbaas oo aan jawaab dheer raadin ayaa haa ku gaabsaday.

Xoogaa ayaa meesha lagu kaftamay, Cabbaas oo ahaa Xiriiriyaha filimka meesha ka shidan ayaa si sarbeeban hadalada ugu kala qaybinayay, una dareensiinayay walaashiis in wiilkan yahay wiilka uu la doonayo, si baaq ahna waa la iskugu kajamay oo u dhigantay in ay hinda muuqaalka wiilka ku qanacday.

Hinda oo ahayd Qof Reer Magaal ah oo dhaqanka dadkana Qibrad u lahayd ayaa qacdii ay aragtayba C/casiis garatay in uusan ku cusbayn, waxaana maankeeda ka guuxayay su’aalo ay hadda ka hor is waydiisayay markii ugu horeesay ee ay aragtay muuqalka wiilkan.

Is wyadiinteeda waxay ahayd mid iyada ay isugu jawaab celinaysay oo isku qancinaysay in sida ay malaysay aysan howsha ahayn, wiilkana uusana ahayn wiilka dhibaateeyay ee ay mar walba Har iyo Habeen uurka kala daris tahay muragada uu u geystay.

Iyada uu dareenkaa maankeeda ka guuxayo ayey hadana isku dayeysay in ay qanciso wiilasha martida u ah, waxay ahayd Qof hal meel wada joogta hadana kala joogta, Muuqaal ahaan iyo Jismi ahaanba hal qof ayey u ekayd, balse laabteeda su’aalo badan ayaa isku dhacayay, kuwaas oo ka dhigay laba qof oo laba astaan kala leh.

Ugu yaraan waxay ku fakartay in aan laga garan dareenka ay la gubanayso, waxayna isku dayday taa baddalkeeda in ay qanciso wiilasha, su’aalaha uu cabbaas waydiiyana ay ka jawaabto, balse, marka laga soo tago fakarkeeda hoose waxay aqbashay in ay la billowdo Arrinta loogu yimid.

 

Hinda iyo cabbaas sheekadooda waxay u badnayd lahjadda Reer Markoodka oo ma aysan doonaayn in uu C/casiis hadalka fahmo, wuusa fahmi karay, balse fikradda ah in uusan hadalka fahmi karayn ayey haysatay hinda, maadaama uu iskugu sheegay nin asala ahaan kasoo jeeda Xamar, sababata uu xamar u sheegtayna ujeeddo ayuu ka lahaa oo ma doonayn in gabadha ay xanuunsato haddi ay maqasho Gobolka Bakool.

Kaftan iyo Qaraaxaysi gaaban kadib Cabbaas ayaa soo gaabiyay booqashada ujeedkeedu ahaa in hinda lagu tuso wiilka uu cabbaas la doonayay, C/casiisna jaanis loogu siinayay in uu ka il buuxsado gabadha uu doonayo in uu wax la wadaago.

Markii kulanka dhamaaday oo wiilashii ay ka tageen, hinda waxay dib u milicsatay xusuusteeda ku aaddan wiilka maanta la horkeenay, waxayna ogaatay in uu ahaa wiilkii ay ku aragtay meesha cabitaanka, ayna moodday in uu ahaa wiilkii baday xanuunka kufsiga ah ee ay dariska la tahay.

Muuqaal ahaan aad ayey ula dhacday wiilka, lama dhihi Karin Dareen ayey u qaadday, balse, Albaabada qalbigeeda waa u furtay, oo waxay doonaysay in ay wax badan ka ogaato Xaalka wiilkaas

Mar walba oo ay Codka C/siis maqasho waxay goconaysay xusuustii muragada lahayd ee ay ka dhaxashay dhibkii ku dhacay, waxayse doonaysay in codkaas ay si fiican usii maqasho si ay ogaato in uu yahay Codka ay mooddo iyo in kale.

Shaki badan oo dhanka wiilkaas ah ayaa ku jiray, wax walba oo ay la wadaagi lahaydba waxaa dhibaato ku noqoday maqalka codkiisa, kaas oo ay doonaysay in uu ku bato maankeeda, si ugu yaraan uu codku u noqdo kan ay moodday ama uu uga haro shakigan ay la dariska noqotay.

Marka laga soo tago Salalaka ay hinda ka muujinaysay codka C/casiis, waxaa u dheeraa Walwal kale oo ay Ragga oo dhan ka qabtay, dhowr jeer oo ay rag la haasaawdayna ay aad u dhibsatay su’aalaha uga imaanayay xagooda ee ahaa, ma Gabar baa tahay mise Garoob?

Iyadu Gabar ayey ku magacownayd, balse, way is ogayd in xaalku uu sidaa ahayn, mase doonayn in dhibkeeda ay la qaybsato Cid aan waxba ka qaban Karin, baddalka taasna waxay maciinsatay Aamusnaanta, oo mararka qaar noqota Xalka dhibka aad gudaha kala guuxayso.

Waxaa jirta Xikmad oranaysa, la wadaag dhibkaaga ama arrimahaaga cidda aad is leedahay wax waa ka qaban kartaa, haddiisa aysan ciddaas jirin, ma jiraan wax ka wanaagsan aamusanaanta, maxaa yeelay, dadka badankii waa kuwa ku maadaysta Arrimaha Dadka kale.

La soco qaybta 10aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN