Buugga jamashada haween ee uu qoray Ibraahin Nolosha waa dhigane qiimihiisa iyo qaayihiisaba wata. Mawduucyada siraana xiisa gaara iyo xamaasad gooniya ayay xanbaarsan yihiin.
Waxyaabaha cajiibka ah, ee uu qoraaga buugani inala wadaagay ayaa ah. Ogaanshaha dareenka aamusan ee ay haweenku la nool yihiin wakhtigayada ay ku dhex jiraan haasaawaha iyo calmashada gayaanka.
Xaqiiqda ugu wayn ee uu qiraayo ayaa ah, in buugani asal raac u noqonayo jiilal kala duwan oo ay jamashadu xidhiidhiso kaa soo xasuus ugu filan loodkii hore halka uu layli iyo liishaan u yahay, dhalinyarada cusub ee ay lahashada iyo lulmashada dookhu laba diblaha ku hayso.
Waxa kale oo uu buugani lingax adag u noqon karaa inta laxawga caashaqu mideeyo ama lamaane guulaystay ah.
Halbeegyada lagu wada xidhiidho, is deeqsiinta hawraarta la wadaago iyo hanaanka fududeeya habraaca guusha lamaanaha ee qoraalka buugga loofu dhex tagayo, ayaa buugan waxay ka dhigaysaa mid laga shidhaal qaato, oo si wayn loogu dhiirado akhrintiisa.
Macna ahaan iyo miisaan ahaanba waa buug la jaanqaadaya humaagyada qarsoon ee nolosha laga filan karo, waana muraayad aad ka dhex arki karto jidkii ugu sax-sanaa ee aad u mari lahayd xidhiidhka aad rabto inaad ka midha dhaliso.
Marka aad si qoto dheer u milicsato talooyinka tusaalayaasha iyo tilmaamaha buuggan dhex ceegaaga waxaad ku qancaysaa inaad maare u helayso’arimo badan oo aad hore uga maagtay ama ay maluugtoodu kaa marin habawsanayd.
Haasawihii hore iyo ka maanta jira in hir wayni u dhexeeyo ayuu qoraagu ina hoga tusaaleeyay isagoo inoo qeexay in jid hagaagsan iyo hanaan quman lagu hawoon jiray taasoo macnaheedu in marka guur loo holado ay fiicantay in labada dhanba laysu heelanaado iyadoo lagu hawl gelayo heerka ugu sareeya ee markaa qorshaha sawraca gobonimo ku haboon yahay.
Maahmaahdii ahayd “caado la gooyo cadho Alley leedahay” ee cidhifka Soomaalidu degto iyo cara edegba caanka ka ahaan jirtay ayuu Ibraahin si guud mar ah inoo xasuusiyay, caqabadii ay hablaha ku ahayd marka ay wax calmadaan taas oo ay deegaano badan ceeb ka ahayd in haweenku jamasho la yimaadaan sidaana ay ku qabatimeen, qarinta cidhiidhi kasta oo laabtooda gubaya, kaas oo aanay si xor ah u cabiri karin inay cabudhiyaan mooyaane.
Waxa kale oo uu buugani iftiiminayaa colaada laba reer u dhaxaysaa inay galaafan jirtay laba wacad dhigtay oo nolosha ku midoobi lahaa, taasoo is helidooda dayro iyo habaar lagu awoodin jiray kala hadhkooda iyo inay isku hungoobaana duco la qaato loo yaqaanay.
Ereyo farshaxan iyo falkin lagu arooriyay oo ay weedho dabacsani gundhig u yihiin ayuu qoraaga buugani dhanbaalo inoogu soo koobay, ku waa soo dhaymo u noqon kara qof jamashadu dhuuniga u diiday.
Inaad barato hilinka hablaha lagu kasbado iyo inaad kalsoonida haweenka hesho ama laguu tilmaamo inaad noqoto mid loo heelanyahay oo aan weligii la hiifin lana haaraamin waa hiilin cad oo uu qoraagu inan rag si gooniya ugu hagar baxay u sheegid-diisa.
In laga war hayo,la ixtiraamo,loo dulqaato,wehel loo noqdo,loo heeso,la hiigsado jar iyo haadaana looga dhaco habeen iyo maalina hurdo looga go’o hanadkii dhalay iyo hooyadii korisayna lagu soo hagaago oo aan hareer laga marin milgaha iyo sharafta’ay mudan yihiin hantida iyo maalkana mood iyo noolba nin waliba hayntiisa ka dhiibo haddii loo baahdana nafta loo hanayn karo waa hibo mudnaanteeda wadata,oo uu qoraagu hablaha si gaara uugu galaday taa soo laba jibaar ka miisaan culus intii uu raga ka gaadhay.
Waxyaabaha sida gaarka ah, ula falgala jamashada ee uu Ibraahiin Nolosha inoo bayaamiyay waxay dhaxal waara u yihiin fahanka dariiqyo kala duwan oo ay xidhiidhadu ku guulaystaan taasoo bud-dhig u ah jaangoynta iyo joogtaynta farxada lamaanuhu qoys ku yaqleelaan waana sabab macquula oo uu qoraagu bulshada ku dhiiri gelinayo buugana ka dhigaysa mid dhugashada akhriskiisa la mahadiyo.
Duluc ahaan waxaan amaanayaa sheeko faneedyada waaqa taabanaya iyo dhacdooyinka ma guuraanka ah ee ku xardhan baalasha buugan magaciisu muxubada wato.
Ugu danbayn waxaan qirayaa in ibraahim qoraanimada ku darsaday abwaanimo oo uu yahay hal-abuur intiisa ka wayn oo murtidu gonda dhigtay.
Bulshadana waxaan leeyahay
Jalka ruuxa qaatee
Ifka weli duljoogoow
Cid uun baad la jaartoo
Qalbigaagu jecelyoo
Jismigaaga ruuxdiyo
Ku dhex nool jidhkaagoo
Jeex kula wadaagee
Farxadaada joogtee
Jaangoynta noloshana
Cidla ruuxa jiifsaday
Laga roon jaleecee
Haddii aad u jeelnayd
Jabad lagu badhaadhiyo
Jannadii lamaanaha
Waxa kuu jahayn kara
Jawiyada kalgacalkee
Waxaad jaale yeeshaan
Jiritaanka dookhiyo
Jaldigiisa buugaa
Jamashadu ku qorantahay
Ka jalbeebta maantoo
Jumladiisa qaatoo
Jidka guusha loo maro
Idinkoon ka jeedsanin
Kaga maarma jeesiyo
Jirabkii dhexdiiniyo
Baqo lala jiroon karo
W.Q: Zedra sheikh