Waa xikmad gun weynoo garasho u baahane, geed la gooyay oo geed kale ka cabanaya ayaa beri wuxuu yiri «Gudineey ima goyseen haddaanu gobol iga mid ihi kugu daabneyn!» taana waxey qeexeysaa gacal is cunay oo dantiisa garan waayay inuu halis ku jiro gumeysina u gacan galay.
Marka xumaha iyo qaraarka nacabka si aad ah loo dhedhemiyo, ayaa la kala gartaa fulayga caada qaataha ah iyo geesiga naftii huraha ah ee u hiilliya dalka iyo dadkiisa iyo weliba hiddaha dhaqankiisa suubban iyo diintiisa hufan ee la ma taabtaanka ah, doqonisa wey u bareertaa wax yeelleynta dalkeeda marka ay cadowgeeda soo hor kaceyso.
Bal gadaal u eeg tagtadii beri hore oo xusuustaada dib ugu soo celi halgankii xornimo doon ee ay soo mareen libaaxyadii dhiiggooda u soo huray dhulkan ay maanta dhurwaayada iyo dawacooyinku hareereynayaan ee hiil la’aanta qaran duminta ah iyo dayaca damiir la’aaneed dartood u sii kala qeybsamaya ee faddrada federaalka lagu sheegay fiicnida looga dhigay.
Gudineey ima goyseen haddaan gobolkey kugu daabneyn!.
Axmed Gurey buu ahaa geesigii lagu dilay duullaan iskaashi oo yurub ka soo dhaqaaqay, gaar ahaan gumeystihii Bortaqiiska oo hiil iyo gurmad ugu yimid boqortooyadii abyssinia ( Ethiopia ) oo markaa dagaal kula jirtay dadka soomaaliyeed oo iyaga daaqsinkoodii loogu yimid. Maanta Axmed Gureey hadduu noolaan lahaa muxuu ka dhihi lahaa siyaasad wareerinta Itoobiya iyo hammiga dhul boobka ah ee ay dowladda keenya ku kaceyso?.
Daraawiishtii uu hor kacayay halyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxey u babac dhigeen boqortooyadii ingiriiska oo aheyd mid caalamka oo dhan soo wada gumeysatay, waxeyna xaruumaha daraawiishta noqdeen gaar ahaan taleex meeshii ugu horreysay qaaradda afrika ee diyaarado lagu garaaco. Haddaba maanta haddii ay Sayidka iyo intii calanka dartii u dhimatayba ay noolaan lahaayeen tallaabo nuucee ah ayey ka qaadi lahaayeen daandaansiga ay hadda la soo baxeen Keenya iyo xulafadeeda?.
Dhallinyaradii ( S.Y.L ) ee gumeystayaashii ingiriiska iyo Talyaaniga dhagaxa iyo warmaanta kala hor tagay dalkoodana sidaa ku xoreeyay ee libaaxa iyo yeyda is daba dhigay haddii ay maanta nool yihiin dalkooda dawaco miyey soo haweysan laheyd, aaway qabkii soomaalinimo iyo damiirkii xayiga ahaa?. Maxaa soomaalaay ducufo idin ka wada dhigay?, maxaa idinka un isku kiin diray oo aad isu wada naceysaan?, Maxaa durriyad qabyaaladeed idin ka wada dhigay?, maxaad xumaha dulmiga ah uga digiigixan la’dihiin?, maxaad baaqa abwaannada u dareemi la’dihiin?.
Daljirradii dahsoonaa haddii falka dhacaya dartii loo xusuustay daljirka muuqdow maxaa adiga ku la gudboon, ma hoggaamiye dhiirran iyo siyaasi daacad ah baa leydin ka dhex waayay?, wallee nin maqan meeshii lagu tabay nin jooga ayey ceebtiisa tahay ee iska dhiciya asaaggiin ama kuraasta banneeya oo arrimaha dhacaaya kor joogto ka ahaada!.
Soomaaliga liitow gumeysiga adigaa gargaara maatadana ku laaya ee haddii aanad garab u aheyn guri ay soomaali leedahay foodda soo ma ay geliyeen. Geed baase horay u yiri «Gudineey ima goyseen haddaan gobolkey kugu daabneyn». Haddaba talo waxey maanta joogtaa «Fallaartii cirka loo ganay waataa soo foortee, nin walowba filo, hana fiigin hadhowto, ama facaa wax la qeybso!».
Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com